War-deg-deg ah: Qodobada Isfahamka ah ee Kasoo Baxay Shirkii Wada Hadalka: Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe iyo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland

0
366

Qodobada Isfahamka ah ee Kasoo Baxay Shirkii Wada Hadalka: Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe iyo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland

Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe waxay isla fahmeen:

1- Saami-qaybsiga

Hargeysa(Warsugannews)Wax ka qabashada tabashada ay beelahani ka muujiyeen saami qaybsiga Goleyaasha qaranka, Xukuumada (Heer Qaran, Gobol iyo Degmo) , Komishanka iyo shaqaalaha dawlada
Si xal waara looga gaadho arintan waxaa la isla gartay in guddi matalaya beelahan Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo cidda uu u igmaday kadib marka lasoo afmeero diiwaangalinta gobolka Sool
2- In la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay yeeshaan iskaashi buuxa

3- Horumarka

Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe waxay isla fahmeen dib u dhaca ku yimi deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si deegaanadaasi u soo gaadhaan horumarka baaxada badan ee ka socda Jamhuuriyada Somaliland inteeda kale waxaa la isla qaatay:
B. In mashaariic horumarineed oo qorshaysan laga hirgaliyo deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysiimo kuwaas oo isugu jira kuwo dhaw iyo kuwo fog “Short term and long term Projects”
T. In degmooyinka Konfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo loo sameeyo kabka dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe
J. In maamulka dawlada lagu fidiyo dhamaan degamadaas oo dhan isla markaana la tayeeyo hay’adaha dawliga ah
X. In Xukuumadu dhiirigaliso ganacsatada iyo qurbojoogta deegaanadan kasoo jeeda ee u heelan in ay Mashaariic horumarineed ama maalgashi ka abuuraan deegamadooda iyo guud ahaanba dalka
Kh. In xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo kaashanaysa Madaxda dhaqanka ay abaabusho shir caalami ah oo ay goobjoog ka yihiin Hay’adaha Caalmiga ah, hay’adaha samafalka, ururada iyo wakiilada dalalka Somliland ka caawiya Horumarka Kaasoo looga gol leeyahay dib u dhiska iyo horumarinta deegaamada Sool, Sanaag iyo Xaysimo
D. In la dhiirigaliyo isdhex galka iyo isku xidhnaanta bulshada ku dhaqan deegaamada gobolada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo deegaanada kale ee Somaliland ee dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka , dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo abuuro dareen walaaltinimo iyo iyo isjacayl bulsho

4- Nabagelyada

In la adkeeyo amniga iyo nabadgelyada deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si loo meel mariyo higsiga iyo himiladan aasaaska u ah nolosha bulshadana waxaa la isla fahmay:
B- In la abuuro lana tayyeeyo hay’adaha sida gaarka ah ugu xil saaran nabadgalyada iyo garsoorka
J- In dib u habayn, tayyeyn iyo midayn lagu sameeyo ciidan beeleedyada gaarka u kala fadhiya ee deeganadan hoos yimaada
X. In qiimayn sax ah lagu sameeyo ciidamadaa si ay u helaan darajada iyo dalacadaaha ay mudan yihiin
Kh. In xoog la saaro la dagaalanka iyo ka hor-tegga xaalufinta ba’an ee lagu hayo goynta dhirta , ugaadhsiga duurjoogta iyo dhuxulaysiga.
D. In gaadiidka kala duwan ee ay wataan dadweynaha deegaankan ku dhaqani ay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland u samayso Sumada Gaadiidka Somaliland “SL Plate Number” dhamaan gaadiidka dadweynaha ee aan haysan isla markaana lagu isticmaalo deeganada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo si loo sugo amniga isla markaana loo sahlo isu-socdka bulshada .

F.G : arintan waxay ku kooban tahay oo keliya gaadiidka hadda la isticmaalo ee ku sugan deegaanadaa.
R. In xukuumadu xoog saarto iyadoo kaashanaysaa Madax dhaqameedyada kala duwan ee Goboladda Sanaag, Sool iyo Xaysimo sidii loo xalin lahaa dhacdooyinka iyo turxaamaha beelaha deegaanada dhexyaala , dhinaca kalena looga hortagi lahaa aargoosiyada iyo falalka dilka ah ee soo noq-noqda.

5- Diiwaangalinta

Waxaa la isla fahmay in si balaadhan looga hirgaliyo diiwaan galinta deegaamada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo si taasi u hirgashana waxaa la isla qaatay :
B- In wacyigalin luxdan laga sameeyo deegaanada isla markaana loo maro tab iyo Xeelad ka mug wayn sidii loo wacyigaliyey goboladii hore ee dalka ay ka qabsoontay diiwaangalintu
T- In Xukuumada JSL iyadoo oo kaashanaysa Komishanka Doorashooyinka qaranka dib u eegis ku sameeyaan tirada iyo goobaha dadka laga diiwaan galinayo
J- In dib u eegis lagu sameeyo dheelitirka gudiyada doorashooyinka ee heer qaran. Heer gobol iyo Heer Degmo

Allaa Mahad Le

WA BILAAHI TAWFIIQ