War deg-deg ah: Shil aad xun ayaa goor dhawayd ka dhacay Caasimada Hargaysa +Sawiro

0
953

Shil aad xun ayaa goor dhawayd ka dhacay Caasimada Hargaysa

Hargeysa (Warsugannews) Gaadhi Bass ah oo siday 30 caruur ah ayaa wuxuu galay guri, marka laga tago dhaawaca maskaxeed iyo naxdinta gaadhay caruurtaasi waxaa dhaawac aad u xumi gaadhay mid ka mid caruurti saarnayd baska oo uu dhalay Ismaaciil Gaameelo oo ah Mulkiilaha Geeriska Gaameelo oo caanka ah Caasimada Hargeysa.

Shilalka noocan ah ayaa indhawaydba caasimada ka noqday caado iyada oo Wadayaasha baabuurta caruurta qaada ee u shaqeeya Dugsiyada gaarka loo leeyahay badidoodu ay wada qayru- masuuliyiin u badan yihiin , markay soconayaan oo aad moodo in ay qaad sidaan mana moodaysid inay dad sidaan weliba caruur ah.
Sidoo kale waxa dhaliisha koowaad iska leh ciidamada ilaalada wadooyinka ka shaqeeya oo gabay waajibaadkooda shaqo iyagoo ku mashquulsan waxyaabo kale.
Shilalka noocan ah oo soo noqnoqday ayaanay jirin talaabo ay ka qaadeen ciidamadu, Waxaana loo baahan yahay sharci adag oo loo sameeyo Baabuurta Caruurta lagu qaadayo iyo weliba basaska iyo Baabuurta yar yar ee ka dhex shaqeeya caasimada oo si xun u socda iyada oo wadooyinku mashquul iyo cidhiidhi tirsanayaan lagana yaabo inay dadkii iyo baabuurtii isku cadiban yihiin.

ugu danbayn ka shebeked ahaan waxa aanu ku talin lahayn in caasimadu hesho 200 oo wiil oo ah kuwo wax bartay kana soo baxay jaamacadaha dalka kana hawlgala wadooyinka.
1

2

3

4

5

6

7
Xuquuqda Sawirada Haldoor Ahmed Abokor

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here