War deg-deg ah: Wasiir ku xigeenkii Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland oo geeriyooday iyo Madaxweyne ku xigeenka oo Tacsiyadeeyey

0
407

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN:17/07/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan golaha wasiirada Somaliland ee uu ka tirsanaa kana baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Jaamac oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland oo xanuun ku soo booddo ah caawa ugu geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.