War Deg Deg Ah:- Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Somaliland Prof: Geedoole oo ka dabacaraabay Saaxiibadiisi shalay iscasilay

0
332

War Deg Deg Ah:- Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Somaliland Prof: Geedoole oo ka dabacaraabay Saaxiibadiisi shalay iscasilay

Hargeysa (WARSUGANNEWS):- Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sar ee Somaliland prof Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in culays kaga yimid musharaxnimada madaxweyne ku xigeen ee uu u sharaxan yahay darteed uu kaga tagayo xilka wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Geedoole ayaa ka mid ahaa wasiiro ilaa shalay la hadal hayey inay ka tagayaan xilka ay hayaan, balse goor dhawayd ayuu si rasmi ah u shaaciyey iyo xamxamta kuwo kale oo la sheegayo inay saacadaha soo socda is shaacin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here