War Deg Deg Ah: Xildhibaan Nac-Nac Oo Shil Gaadhi Ku Dhaawacmay

0
386

Hargeysa (Warsugan) Xildhibaanm Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac ayaa saaka shil gaadhi oo ka dhacay nawaaxiga wasaaradda waxbarashadda horteeda ku dhaawacmay.

Xildhibaan oo la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ayaa qaba dhaawac aad u fudud, waxaana ay Warsugan u sheegeen kalkaaliyayaasha caafimaadka ee cisbitaalka Hargeysa in aanay jirin dhaawac halis ah oo soo gaadhay, balse uu haatan caafimaad qabo.

Gaadhi Xildhibaanka jugta gaadhsiiyey ayaa ahaa sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahi gaadhi nooca waaweyn ah. Ugu danbayna xildhibaanka ayaa sida ay sheegeen shaqaalaha caafimadku cisbitaalka ka soo baxay haatan.