War Deg Deg: Maayarka Magaalada London Oo Amar Ku Bixiyay In La Qabto Xaflada Madaxweynaha Somaliland Kula Hadlaayo Jaaliya Iyo Dawladda Ingiriiska Oo Ammaanka Madaxweynaha La Wareegtay.

0
501

War Deg Deg: Maayarka Magaalada London Oo Amar Ku Bixiyay In La Qabto Xaflada Madaxweynaha Somaliland Kula Hadlaayo Jaaliya Iyo Dawladda Ingiriiska Oo Ammaanka Madaxweynaha La Wareegtay.

London(Warsugannews) Maayarka Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London Mr. Boris Johnson ayaa amar uu goor dhawayd bixiyay wuxuu ku cadeeyay in la qabto Xaflada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) kula hadlaayo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kadib markii kooxo ka soo horjeeda Jiritaanka Qaranimada Somaliland oo is uruur saday ay isku dayeen inay ku hor joogsadaan Hanjaabdo iyo Waraaqo ay ku daadiyeen goobtii shirku ka dhacaayay.

Maayarka Caasimadda London Boris Johnson ayaa ku wargaliyay laamaha ammaanka London inay sugaan ammaanka Madaxweyaha Somaliland, Mud. Axmed Silaanyo muddada uu la hadlaayo Jaaliyada. Sidoo kale waxay Xukuumadda Dalka Ingiriisku baadhis iyo dabagal ku samaysay xubnihii isku dayay khal khal galinta Xaflada. Talaabadan Maayarka London iyo Xukuumadda Ingiriisku qaadeen ayaa farxad weyn u noqonaysa Boqolaal qof oo u dhashay waddanka Somaliland oo Caawa isu diyaarinaaya inay Xafladaas kala qayb galaan Madaxweynaha.

Hadda Xafladii Madaxweynaha Somaliland kula hadlaayay Jaaliyada ayaa si rasmiya u qabsoomaysa waxaana goobtii yimi Ciimaddo Ammaanka sugaaya iyadoo dadweynaha rer Somaliland ku soo qul qulayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here