War Deg Dega Dagaal Dhexmaray Ciidanka Poliska Somaliland Ee Ku Sugan Degmada Wajaale Iyo Ciidanka Liyuu Poliska Maamul Degaanka Somalida Ethopia

0
297
War Deg Dega Dagaal Dhexmaray Ciidanka Poliska Somaliland Ee Ku Sugan Degmada Wajaale Iyo Ciidanka Liyuu Poliska Maamul Degaanka Somalida Ethopia.

War hadda nasoo gaadhaya magaalada Gabiley soona gaadhay ayaa shegay in iska hor imaad khasaare sababay uu galbeedka magaalo xuduudeeka Wajaale ku dhex maray ciidamada booliska Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Waxaana iska hor imaadkani uu ka dhacay sida naloo sheegay galbeedka magaalada Wajaale gaar ahaana deegaanka Gar-bahaarey.

Xogahana ayaa noo sheegay in iska hor imaadkani uu ka dhashay kadib markii ay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ay sifo sharci darro ah usoo galeen deegaankaasi isla markaana ay hanjabaado iyo handidaad u gaysteen shacabka ku dhaqan deegaankaasi. Waxaana khasaaraha ka dhashay dhaawaca hal askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu Booliska halka ay ciidamada Somaliland ay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidankaasi oo ay gacanta hadda ku hayaan.

 

Saraakiisha ciidamada booliska degmada wajaale ayaa la filayaa inay goor dhaw warbaahinta la hadlaan.