War-degdeg ah: Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Mudeeyey Wakhtiga Diwaangelinta Codbixiyeyaashu ay Dalka ka Bilaabidoonto

0
360
Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Mudeeyey Wakhtiga Diwaangelinta Codbixiyeyaashu ay Dalka ka Bilaabidoonto
WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: – 03/01/2016
 
Hargeysa (Warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
 
Markuu Tixgeliyey: Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;
 
Wuxuu Go’aamiyey
 
In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)