Waraabe Ilma Siddeed Jira Ku Cunay Deegaanka Xooray Oo Ka Tirsan Degmada Baki Ee Gobolka Awdal

0
495

Waraabe Ilma Siddeed Jira Ku Cunay Deegaanka Xooray Oo Ka Tirsan Degmada Baki Ee Gobolka Awdal.

Xooray waxay 40Km ka xigtaa bari xarunta dagmada Baki ee ay ka tirsantahay. Hadaba bishan Sep 12, 2015. Cabaaro 2:00Pm (habeenimo) waxaa wiilkan yar oo da’diisu tahay 8 jir, oo mocoydii la hurda ardaaga guriga cimilada oo kulul awgeedna guriga uga soo baxeen uu ku cunay Waraabe, wuxuu si buuxda u qabtay oo uu miciyaha galiyey labada dhafoor ee canugan, Wiilkan oo magaciisa layiraa Cismaan Cilmi Dugsiiye oo waxbarashada galaaska koowaad kaga jiray dugsiga hoose ee xooray, ayaa waxa dhaawac ka soo gaadhay indhaha oo mid markiiba dibada u soo booday, halka takalana biya ka socdaan oo la daalaa dhacayso dhaawaca miciyaha Waraabe ee soo gaadhay.

Yarkaas markiiba waxaa loo qaaday dhaqtarka wayn ee xarunta gobolka Awdal ee Borama, walaw aanu ka helin adeegii uu u baahnaa markaas, hadana waxay ka caawiyeen in ay si degdega ugu soo gudbiyeen dhaqtarka Manhal oo ku yaala magaalada Hargeysa, halkaas oo markii ugu horaysay qaliin dib loogu celinayo Ishii dibada u soo baxday loogu sameeyay Sep 14, 2015.

Mr. Cismaan wali waxa uu ku jiraa dhaqtarkaas Manhal, waxaanu sugayaa in qaliino kale oo ay sheegeen dhaqaatiirtu in lagu samaynayo uu ku sugayaa xarunta dhaqtarkaas Manhal Hospital, si dib loogu soo celiyo aragiisii.

Waxaan ugu ducaynaynaa in wiilkaan yar illaahay nuurka indhaha u soo celiyo oo uu caafiyo, dhamaan muslimiintana waxaan ka codsanaynaa in ay u soo duceeyaan.

Mowlid Cumar Qawrax.

+252 63 4458003.

beello66@hotmail.com

beello11@gmail.com

Manhal Hospital.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here