Warar Rasmiya oo laga helay Doontii ku degtay Bada Meditaraniyanka ee uu Dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga + Sawiro dadka ku naf waayey

0
454

Warar Rasmiya oo laga helay Doontii ku degtay Bada Meditaraniyanka ee uu Dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga + Sawiro dadka ku naf waayey

Hargeysa(Warsugannews) Wararka soo gaadhaya Shebekeda Wararka ee Warsugan Media Group ayaa lagu xaqiijiyey inay jirto degteyna doontii ay saarnaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badna 400 oo qof kuwaas oo badi ku naf waayey halkaasi, dadkaas oo ka ambo baxay Magaalooyinka Hargeysa, iyo Burco waa sida ay u badan yihiin dadka ku naf waayey gaar ahaan xaafadaha Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa inay tirada ugu badani ka baxeen kuna naf waayeen shilkaasi naxdinta leh, dhalintaas oo ahaa kuwo asxaab iyo garasho isku urursaday.
Dhinaca gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco waxa iyana jira dad badan oo ay ka mid yihiin qoys ama nin iyo afadii oo shilkaasi ku naf waayey kuna jiray dadkii tahriibta ahaa ee doonayey inay u gudbaan wadamada yurubta balse ay tii Alle ku haleeshay bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga intaanay gaadhin.
Bahda Warsugan waxay idinla socodsiindoonaan kolba tirada rasmiga ah ee la soo helo sawiradooda iyo meelahay ka amba-baxeen intii aanay dalka ka bixin.
AKHRI MAGACYADOODA IYO SAWIRADOODA
1. Axmed Shuuriye Iyo Xaaskiisa AHN (Burco )
2. Cismaan Cabdi Wali Shagaxle AHN (Burco )
3. Baashe Farax Jamac AHN (BURCO)
4. Mukhtarciise AHN (BURCO)
5. Maxamed Faroole AHN
6. Ciise Cali AHN
7. Ahmed Aadan AHN
8. Ayman AHN
9. Koos Xuseen Cali AHN (BURCO )
10. Khadra AHN
11. Farduus Burco AHN (BURCO )
12. Ruqiya Idiris AHN
13. Maxamed Mire AHN
14. Cabdicasiis Khadar Cawde AHN (Hargeysa Xaafada Maxamed Mooge)
15 Sakariye Axmed
12992340_636737033140843_1532774475_n

13015069_636738649807348_2059094979_n

13020500_636736959807517_315332805_n

12985351_10208011459996915_6858463831148282674_n copy

12992722_1158464727506616_331338302_n