Wararka Cadadkii 61aad ee Wargeyska Warsugan

0
324

Masuuliyiinta Wasaaradda Degaanka Oo Sheegay Inay Maxakamad La Tiigsanayaan Koox Fannaaniin Ah Oo Hargeysa Ku Xidhan
Wasiir Shukri Oo Faahfaahisay Khilaafka Fannaaniinta iyo Wasaaradda
Hargeysa(Warsugan) Masuuliyiinta wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa shalay ka hadlay sababta keentay xadhiga koox bahda fanka ka mid ah oo wasaaraddu xidhay kadib markii sida wasaaraddu sheegtay ay xarunta wasaaradda ka sameeyeen fawdo gacan ka hadal wadata. Muranka fannaaniinta iyo wasaaradda ayaa la xidhiidha lacag kooxdu wasaaradda ugu samaysay muuqaal wacyi galin dhinaca degaanka ah.
Kooxdan fannaaniinta iyo abwaannada ah oo iskugu jira rag iyo dumar tiradooduna gaadhayso ilaa 8 qof ayaa saxaafadda hore ugu sheegay in wasaaraddu siin wayday lacag dhan todoba kun oo dollar oo ay ku heshiiyeen intii aanay barnaamijka samayn, islamarkaana wasaaraddu muddo soo celcelinaysay, kana meermeerinaysay lacagta ay ugu shaqeeyeen.
Hase ahaatee agaasimaha wasaaradda degaanka oo isagu heshiiska iyo wada hadalka barnaamijkan la galay fannaaniinta ayaa ku dooday in kooxdaasi weerartay wasaaradda islamarkaana fawdo kula kacday sidaasi darteedna ay la tiigsan doonaan maxakamadda. Waxa uu ku dooday inaanu jirin heshiis rasmi ah oo u dhexeeyay wasaaradda iyo kooxdaasi fannaaniinta ah.
Geesta kale wasiirka wasaaradda degaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare ayaa sheegtay inaanay si rasmi ah u ula socon heshiiska kooxdan iyo agaasimaha balse waxay sharaxday sida hawshu u bilaamatay iyo qorshahooda kharashka fannaaniinta“Fannaaniintu markii u horaysay waxay u yimaadeen agaasimaha guud ee wasaaradda, waxay ku yidhaahdeen “waxaanu doonaynaa inaanu idiin samaynno riwaayad degaanka ah, mar horena wasaaradda wacyi galin bilaash ah baanu u samaynay laakiin doorkan waa inaad na wanaajisaan,” markaa wuu soo dhaweeyay agaasimuhu inkasta oo uu u sheegay in wasaarad ahaan kharashka miisaaniyadda ugu jira wacyi galintu aanu Hargeysa oo kaliya ku fillayn sanadkii,” ayay tidhi Marwo Shukri.
Wasiirka oo sii hadlaysa ayaa tilmaantay in wasaarad ahaan ay hay’adda caawino waydiistaan marka ay u baahdaan in loo sameeyo filim ama riwaayad wacyi galin ah “ Had iyo jeer markaanu u baahanno in riwaayad naloo sameeyo waxaanu u baryo tagnaa hay’addaha, markaa hay’addii wax noo heshaa waxay tidhaa “anaga(hay’adda) iyo qolada riwaayadda samaynaysa iskaaya tusa,” markaa labadaas ayaanu isku xidhnaa, sidaasna waxaa ku macaamila kooxda iyo hay’adda,” ayay tidhi wasiir Shukri.
Wasiirka oo ka sii hadlaysa macaamilka shaqo ee dhexmaray kooxda fannaaniinta ah iyo wasaaradda degaanka ayaa tidhi “Markii sidaa loo wada hadlay kooxdu way shaqo tagtay, magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda ayay u baxeen, kadibna way ii yimaadeen waxay igu yidhaahdeen “Riwaayadan naga eegta,” waan eegay meelihii aan idhi ka soo bedelana way ka bedeleen, kadibna agaasimuhu wixii wasaarad ahaan aanu kharash u helaynay wuu sii siiyay ilayn hay’adna 15 cisho kuguma odhanayso hoo lacagtaase. Dhawr meelood oo uu ula hadlayna waxaa lagu yidhi waa sanad horraantii, had iyo jeerna hay’adduhu 3-da bilood ee sanadka u horreeya waxay samaystaan qorshe bilawday bisha April, markaa mar kale ayay fannaaniintu soo noqdeen, waxaan ku idhi agaasimaha la fadhiiso oo wixii kale ee aynu u helno sii sii, intaas baa iigu dambeysay waxaana ii xigtay uun in anigoo shir ku jira la yidhi niman buuqaya ayaa dibada jooga oo dagaal baa dhacay, kadibna I yara suga aan idhi, markaa aniga dagaal dhacay iyo dhagax la tuuray la iima sheegin ee inanka ii soo galay uun baa dhegta ii saaray in niman buuqayaa dibada joogaan,” ayay tidhi Marwo Shukri.
Wasiirka oo hadalkeeda sii wada waxay nasiib darro ku tilmaantay in iyadoo xafiiska fadhida kooxda fannaaniinta ahi ku dagaallanto wasaaradda “Siday doontaba ha ahaatee hadday is afgaran waayeen agaasimaha, wasaaraddii oo aan anigu markaa fadhiyay waxay ahayd inay ii soo galaan oo iga ashkateeyaan laakiin marka aad gacan qaado oo waliba adigoo madax ah oo waliba amni ah miyay taasi haboon tahay idinkaan idiin dhiibaye? Miyaad iska qaadaysaa uun gacanta ilayn nidaam la raacaa jiree, aniguna diyaar baaban u ahaa oo I suga ayaan ku idhi inankii ii soo galay ee ii sheegay,” ayay sheegtay marwo Shukri
Guddida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Oo Qasriga Madaxtooyada Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta Dalka

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen xubnaha kale ee guddigu oo isugu jira Wasiiro, Culimo awdiin iyo Ganacsato, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii Warbaahinta kala geddisani u dardar gelin lahayd waajibka ka saaran baahinta Xaaladda Abaareed ee dalka .

Xubnaha guddiga abaaraha ayaa Warbixin ay siiyeen masuuliyiinta xubnaha Warbaahinta waxay ugu horaynba usoo bandhigeen Akownada (Accounts) la rabo in lagu soo shubo qaddarka lacageed ee qof walba iskii isaga goynayo.
Akownadaasi (Accounts) oo kala ah sidan:
ZAAD: 4720222
E-DAHAB: 52222
DAHABSHIIL BANK: 20500
SALAAMA BANK: 60186075
BAANKA DHEXE EE SL: 574
Guddigu waxay Warbixintooda ku sheegeen in abaartu baahayso dalkana ay caam-yeeshay la arkayna Xoolo-Xoolo cunaya markay baad iyo biyo waayeen, iyo xoolo talaxgabay iyo Xoolo-Xoolo waydaaranaya markay goobtii ay ku sugnaayeen abaaruhu ku habsadeen.

Guddiga gurmadka abaaruhu waxay ku dhawaaqeen in xaaladu tahay sidii dabdamis oo kale in loo ordo, waxna la gaadhsiiyo dadka iyo duunyada baahan.

Xubnaha guddiga abaaruhu waxay sheegeen in waftiyo isugu jira Culimo awdiin, Ganacsato iyo Warbaahintu laga bilaabo maanta ilaa maalinta Jimcaha ay u bixi doonaanan jiidaha Sanaag Bari iyo jiida Saylac iyo galbeedkeeda, halkaana ay gaadhsiin doonaan taakulayn, Warfidiyeenkuna ay kasoo warami doonaan xaaladaha ba’an ee abaarta ee jiidahaasi, kuna baahin doonaan qalabka warbaahinta ee kala duwan.

Xubnaha taakulaynta abaaraha ee heer qaran waxay amaaneen gurmadkii cawska ee dadweynaha Gobolka Togdheer u qaadeen dhinaca Gabiley, taasoo guddigu ku tilmaameen talaabo nafqeybsiya oo mudan in lagu daydo .

Guddigu waxay ka codsadeen (durraanteen) dadweynaha in qof walba iska gooyo wixii karaankiisa oo deg deg ah kuna shubo, Akoonada la iclaamiyey, taasoo marka laysku dardaro samata bixin doonta dad iyo duunyo badan, Waxbintaasi ha ahaato sadaqad, Seko iyo deeq kale oo naxariiseedba.

Guddigu waxay sheegeen inay Warbaahintu tahay awood xoog leh oo u dhiganta awooda dhaqaalaha loo uruurinayo gurmadka abaarta

Dhinacooda xubinihii Warbaahinta ee ka qeyb galay kulanka waxay iskala afnoqdeen, inay qaateen baaqa loogu yeedhay, balan qaadeena inay dardar gelin doonaan hawlaha warbaahineed ee xaaladaha abaaraha farsamooyinkooda kala duwana, u adeegsan doonaan baahinta xaaladaha abaarta islamarkaana ay halkaasi qaar kamida Hay”adaha Warbaahintu kaga dhawaaqeen hordhaca qaadheen lacageed.

Xubnaha Warbaahintu waxay sheegeen inaan laga baryeynin ka qeyb galka gurmadka aabaraha, waajibna ay ku tahay muujinta iyo baahinta baaxadda abaaraha ka taagan dalka.

Ugu danbayn waxa uu Gudoomiyaha Guddida Abaaraha ahna madaxwyene ku xigeenku sheegay inay qaylo dhaanta abaaraha gaadhsiiyeen Caalamka gaar ahaan Wadamada Carabta, qaylo dhaantaas oo ay ka soo jawaabeen Imaaraadka Carabta dalkana ay u soo dirayaan wefti heer caalami ah oo u kuurgelaya xaalada abaaraha ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Afhayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Oo Xilkii kala wareegay Afhayeenkii hore iyo Dardaaranka Wasiirka Madaxtooyadda

Hargeysa(Warsugan) Xaflada Xilwareejinta oo ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada, iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin dhawra ayaa si toosa loo gudo galay ujeedadii munaasibada, waxaana halkaasi ka hadlay Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada imikana ah Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah.

Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Waxaana ka mid ahaa hadalada Afhayeenkii hore “Run ahaantii waxay ii tahay sharaf maamuus iyo milgo aad u baaxad weyn inaan la shaqeeyo mudo kooban Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo aan dhalinyartan hortiina joogta noqdo horjoogahooda, Xafiiskani waa xafiis aad u muhiima waa wax muhiima oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha JSL waa barta laga hago xogaha iyo warbixinada iyo wixii wara ee la faafinayo ee la doonayo inay gaadhaan bulsahda waa xafiis leh qiimihiisa iyo muhiimadiisa, waxaa maanta nasiib wanaaga oo ii suurta gashay inaan mudo yar oo kooban isbedel ku samayn karo, waxaa kow ka ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada isaga la’aantii suurtogal may noqoteen xafiisku inuu yeesho waxaasoo shaqaale ah maalintaan imi Xafiisku hal qol buu ku jiray, waxaa suurogal noo noqotay anigoo taageero ka helayna iyo tusaale Wasiirka Madaxtoyada in aanu helno xafiisyadaa tirade badan ee maanta ay shaqaaluhu ku shaqaynayaan.

Taasina waxay muujisay qiimaha Saxaafadu u leedahay qaranka ha noqoto baahiyaha gaarkee jira Wasiirka Madaxtooyadu runtii intii aan ahaa afhayeenka mahad aan la koobi Karin oo aad u baaxad weyn baan ka sheeganayaa isagaana ii suurta geliyey isbedelkaa la taaban karo inaan meesha ka suurtogeliyo, Shaqaalaha markay noqoto waa shaqaalaha ugu howsha badan waana xafiiska ugu hawsha badan marka laga reebo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirkoo kale 24 saacadood waa dad shaqadooda u diyaara safarada marka la eego waa dadka isku daya talaabo kasta oo Madaxweynaha iyo waftigiisu ay qaadayaanba ay warbaahinta qaranka iyo ta dibadaba u gudbiyaan markaa waxan leeyahay Afhayeen Shamax waxaad haysataa dhalinyaro aqoonyahano ah diyaar u ah inay kula shaqeeyaan fahansan mihnadooda akhlaaq fiican afkooda ka adag midna mid aanu ku xad gudbin keliya waxay u baahan yihiin uun xafiisku baahiyihii uu lahaa indhaha lagu hayo”.

Wasiir Deyr waxa uu u mahad naqay shaqaalihii dhalinyarada ahaa ee uu lasoo shaqeeyey isagoo sheegay inay u hagar baxeen shaqaaluhu wuxuuna yidhi” Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhamaan shaqaalihii ila soo shaqeeyey Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada sida qiimaha leh ee ay ila soo shaqeeyeen igu hagar baxeen iyaga la’aantoodna waxba iimay suurtogaleen markaa afhayeen waxaan ku leeyahay dhalinyartaa ku faro adayg u cadaalad soor waxaa weeye magac sharaf iyo maamuus bay leeyihiin milgahaa qarankaanay huwan yihiin waajibaadka uu faraybaanay ku adeegaan qarankay u adeegaan alle haydin karaameeyo waad na karaamayseen”.

“Afhayeenka Cusub mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi, wasiirka wasaarada madaxtooyada, afhayeenkii hore, wasiirka wasaarada cadaalada iyo dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxyaha wasaarada madaxtooyada, dhamaantiin waad salaaman tihiin, marka hore ilaahaybaa mahadle oo maanta igu simay inaan halkan kula wareego shaqada, marlabaad waxa mahadleh madaxweynaha Jamahuuriyadda somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilkan ii magacaabay waxa kale oo mahad leh marwada madaxweynaha, sidoo kale waxaan aad ugu mahad naqayaa wasiirka wasaarada madaxtooyada maxamuud xaashi cabdi oo ah shaqsi kaalin wayn runtii ka qaatay in halkan aan imaado, sidoo kale aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dhamaan dadkii isoo hambalyeeyey ee wasiirada iyo dadka kaleba lahaa ee aadka u tirada badnaa.

Xaga shaqada runtii wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga xusayn deyr ayaa ka Hadlay shaqadu waxa ay noqonaysaa markaan u fiirsaday maalmahan baahinta wararka shaqada ay madaxtooyadu u hayso qarankan iyo in mushtamacii ay hogaaminaysay ay gaadho dhinaca kalena uu ka yimaado dareen celintooda iyo sida ay shaqada madaxtooyada ka socota u arkayaan, markaad halkaa ka eegto waa xidhiidhin uun la xidhiidhinayo labada dhinac.

Xafiiskani oo aad iyo aad u muhiima sida uu sheegay xusayn deyr oo ah nin saxaafada aqoon u leh, waa xafiis aad iyo aad u mihiima oo sida xafiiska madaxweynaha iyo madaxtooyadu muhiim u tahay ayuu xafiiskana qaranka aad muhiim ugu yahay, sidaas awgeed wararkaa la iswaydaarinayo ee dadka iyo waxa ay ku sugan yihiin la ogaanayo iyo sida ay u fikirayaan wax togan iyo wax tabanba, Madaxtooyadana shaqada ay qabanayso loo baahinayo dadweynaha, ayaa qaadaya yaa weel u ah? Waxaa qaadaya warbaahinta.

Warbaahinta waxaan ku talo jiraa in aan sidii hore aan ula saaxiibo intaa iyo in ka badana aan ula shaqeeyo oo aanu xidhiidh wanaagsan wada yeelano oo aanu iswaydaarsano ixtiraam, si simana aynu ku soo dhawayno, muraadkooda iyo dantooda iyo wararka ay doonayaana ay ka helaan madaxtooyada, si fiicana aanu isku waydaarsano anagana taayada iyo ta madaxtooyada si fiican dadka u gaadhsiiyaan, si ay taasi u suurtowdo ayaan aad iskugu dayi doonaa, waxaan sal noo ahaan doona uun, kolba xeerka saxaafada ee ansaxsan ee miiska yaala ee shaqaynaya, hadii ay waxa cabasha ah ay jiraan, maan maqal waayadan danbe, balse hadii ay wuxuun ay jiraan waxaan isku dayi doonaa inaan saxno, saxaafada waan soo dhaweynayaa iyagana waxaan leeyahay I soo dhaweeya oo ila shaqeeya.

Mar uu ka hadlay Afhayeenka Cusubi Arrimaha Xisbiyada qarankana, waxa uu yidhi inagu waxa aynu nahay dal dimuqraadiya Somaliland oo markiiba waxa aynu qaadanay dimuqraadiyada si fiicana way inoogu socotaa, nidaamka xisbiyada badanbaynu ku dhaqanaa, xisbiyada sadaxda ahi ee tartamayaa waa xalaal waa sharci weeyaan, insha allaahu tacaalaa waxaan jecelahay had iyo goor inay sharaf ku tartamaan, sababta oo ah waxa inaga dhexeeya ayaa qaaliya, waxa inaga dhexeeya qarankii iyo dalkii, waa inaanay meelna inooga bixin hadal naxli ah oo dadka xisbiyada kala taageersan isku diri kara oo madaxa isku galin kara, oo danbaa inaga dhaxaysee si daacada aan u wada dadaalno marwalba.

Muhiimada xafiiskayga, mudane wasiir waan dareemay ahmiyada xafiiskaygu leeyahay intii madaxayga markii hore ku jirtay in ka badanbaa I gashay, inuu aad halbowle u yahay ayaan dareemay waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyar badan oo aan halkan ugu imiday, aad iyo aadbay dhalinyartu uga muuqataa madaxtooyada, waxaa kale oo aan aad iyo aad ugu sii farxay teamka xafiiska afhayeenka ka shaqeeya ayaan iyagana aad ugu farxay dadaalkooda, teankaasi waan u bogay waxaad moodaa markii aan arkay in ay baahnaayeen uun oday hogaamiya, waanan isku dayi doonaa inaanu tayo iyo horumar xafiiska gaadhsiino hadii illaahay yidhaahdo, si shaqada xafiisku sida ugu wanaagsan u guto hawlihiisa shaqo aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin dhamaantiin.

Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay ka mid ahaayeen wedhihiisi “Farxad wayn ayey dhamaanteen inoo tahay inaynu maanta halkan ku sii sagootino Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Xuseen Deyr, oo loo magacabay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo Wasaarad wayn ah, isla markaana aynu soo dhawayno Afhayeenka cusub Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo ay xilka isku wareejiyaan munaasibadeenu waa intaa. Waan u mahad naqayaa Deyr Afhayeenkii hore, haddana ah Wasiirka cusub ee Ganacsiga, waxaan illaahay uga baryayaa inuu xilka cusub ku garab galo oo ku kaalmeeyo.
Wasaaradda ganacsigu waa wasaarad aad u miisaan wayn waliba wakhtigan u baahan hogaamiye aqoon yahan ah wakhtigan oo ay Xukuumadu ku mashquul santahay in la diyaariyo heshiisyadii ganacsiga, kuwii Transit-ka, kuwii balaadhinta Dekedeena, Berbera Corridor iyo in Wadadda la sameeyo, si marsadeenu ay u noqoto mid ganacsiga Geeska Afrika qayb wayn oo hal-bawle ah ka qaadata, sidaa darteed waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u arkay inuu Xuseen Deyr kaalintaa buuxin karro.

Afhayeenka cusub-na waxaan Illaahay uga baryayaa inuu xilka cusub ee loo magacaabay ku garab galo, dadka qaarkood ayaa waxay u haystaan in xilka lagu helo cayda iyo Canjala-jafaynta, waxa laga yaabaa inay khalad ka fahmaan dad Madaxweye Siilaanyo ka soo horjeeday oo xilal waaweyn uu u magacaabay, hoostaan ka calaamadiya, taas macnaheedu maaha Xukuumadani ay tahay mid Budh ku maalka taqaana. Axmed Siilaanyo-na maaha nin Budhku maalka wax ku bixiya hasayeeshee waa hogaamiye balaadhan oo qalbi furan oo bulshadda uu odayga u yahay dhex u ah.

Madaxweynuhu xisbi qudha oday uma ah ee Umadda oo dhan ayuu oday u yahay, waa Madaxweynihii qaranka, hogaamiyaha balaadhan waxa lagu gartaa inuu cafiyi karo cid shaqsiyan iskaga meel kaga dhacay. Inuu isku wadi karo bulsho kala aragti duwan oo uu kulmin karo, waa astaamaha lagu qiimeeyo, waxa laga yaabaa dhaqanka noocaas ah in dad u fahmay ama u turjuntay, malaa sanadkan cida wax cayda ayuunbaa wax halaysa,! waxaan leeyahay maaha sidaa, laakiin in qofka wanaagsani uu wax heli karo waxa ka markhaati kacaya labadan oday ee halkan fadhiya Deyr iyo Shamax, Siyaasadu abaal gudna way leedahay qiimayna way leedahay.

Wasiirka cusub kaalin muhiima ayuu inoo tagay, waa saaxiibkeen, waan ku hambalyeynayaa shaqadii uu halkan ka qabtay intii uu joogay, waxaan qirayaa in xafiiskani uu kor u kac weyn sameeyey, Shamax-na wax laga doonayaa oo wajib ku ah inuu shaqadda halkaas ka sii wado, qaranku waa aqalkaas la dhisayo oo ninba meel buu ka qaadayaa. Xafiiskani inuu xoog u shaqeeyo ayeynu doonaynaa hore ayeynu uga wada hadalnay, imikana wuu shaqeeyaa. Inuu laba shifti noqdo oo ilaa Tobanka habeenimo uu shaqeeyo ayeynu doonayaa, inaynu shaqada dardar galino oo aynu waraabino warbaahinta ayeynu doonaynaa, halkani waa halkii dalka looga talinayey, inuu warkeedu baahaa waa muhiim, waxa kale oo muhiim ah in dareenadda kala duwan ee bulshaduna ay soo gaadhana waa waajib. Shamaxna inuu hawshaas dhexda u xidho ayaan ka rajnaynayaa.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.

“Xiligii Wadooyinka la Dhisaayey Bay Gaadhay Waxaan Leenahay Dadweynaha Hala Baneeyo Sandaqadahana Yaan Loogu Imanin”
“waxay doorkan ka bilaabmaysa jidka Totol waxaana leeyahay dadweynaha jiingadaha iyo guryaha hortoodda haka guuraan”
Hargeysa (Warsugan) Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa beryihii u danbeeyey waxaa ka socday olole wado banayn ah kaasi oo ay waday Dawladda hoos ee Caasimadu, ololahaasi ayaa lagu banaynaayey hareeraha wadooyinka iyadoo dadka la siinaayey ogaysiis lagu baynaayo wadooyinka si dhawaan loo bilaabo dayactirka iyo dhismaha wadooyinka Magaalada .
Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa fariin u diray dadka ganacsatada yar yar ah ee ku teegsan hareeraha laamiga qabta Madaarka Caasimada iyo wadada marta dhakhtarka weyn dabadiisa isagoo xusay hore digniin u siiyeen kana guuraan goobahaasi wadada hareeraheeda ah si loo wanaajiyo bilicda iyo muuqaalka Caasimadda Hargeysa waxaana uu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlaayey warbaahinta.
Maayirka Caasimadda Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yidhi ““waxa jirta olole balaadhan oo jidad banayn ah oo aanu ku jirno, waxay doorkan ka bilaabmaysa jidka Totol waxaana leeyahay dadweynaha jiingadaha iyo guryaha hortoodda ka samaystay meheradaha waxaan leeyahay ka guura inta aanay hawlgalka dawladda hoose idin iman, waxana doonayna inay caasimaddu noqoto mid bilicle, wadaddan waa meeshaa aanu doonayno inaanu waddooyin casri ah ka bilaabmo, isla markaana qalabka cusub ku bilaabi doonno, sidaa darteed, dadweynahan wadooyinka dhex degan waxaan leeyahay ka sii guura inta aanu ololuhu bilaabmin”
Dhawaaqan kasoo baxay Maayirka Caasimada ayaa ah mid ku adan banaynta dhinacyada wadooyinka mara Caasiamda isagoo xusay in la doonaayo in la hagaajiyo korna loo qaado hanaanka bilic wanaaga caasiamda waxaana dadweyanaha lagu wargeliyey inay ka guuraan goobahaasi aan la ogolayn inta aan la gaadhin wakhtiga burburinta .
Xukumadda Oo Go’aan Ka Gaadhay Cabashada Caafimaad Ee Bulshadu Ka Qabto Warshadda Hargaha Ee Degmada Laasgeel
Hargeysa(Warsugan) Wasaaradaha degaanka, caafimaadka, warshadaha, madaxda warshadaha hargaha iyo maamulka degmada Laasgeel ayaa kulan ay shalay yeesheen waxay isla garteen in khubaro madaxbannaan loo diro warshadaha Hargaha iyo saamaha ee ku yaalla degmada Laasgeel, kadib markii laga cawday dhibaato caafimaad darro oo ay dadka iyo degaanka ku hayaan. Wasaaradda degaanka oo dhawaan bookhatay waxay sheegtay inay halkaasi ku soo arkeen suntan hadhaaga ah ee warshadda oo dayacan, islamarkaana qalabka suntan lagu xafido iyo dayr warshadda ku wareegsan aanay jirin.
Arrintan ayaa imanaysa maalmo kadib markii maxakamadda gobolka Maroodijeex xayiraad saartay warshadda Hargaha ee Laasgeel ku taalla oo nin Shiine ahi leeyahay. Garyaqaanka guud ayaa ku soo oogay dacwad ay qabaan dadka degaanka Laasgeel oo sheegay in xannuunno iyo dhibaato degaan oo ay filayaan in warshaddu sababtay ay ku dhaceen dadka deggaanka iyo dad warshadaasi ka shaqaynayay. Sidoo kalena dad tiro badan ayaa dacwado ka dhan ah warshadda ka furanaya maxakamadda kuwaasi oo dhibaato caafimaad ka sheeganaya warshadaasi Hargaha.
Hase ahaatee madaxda hay’addaha dawladda ee arrimaha degaanka, caafimaadka iyo warshadaha ku shuqul leh ayaa go’aansaday in baadhis rasmi ah oo cilmiyeed la sameeyo si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo fayo qabka degaanka, islamarkaana loo sii wado horumarka warshadaha oo dhaqaalaha muhiim u ah, waxaana la isla qaatay in baadheyaal aqoon u leh arrimaha laga cabanayo loo diro hawshaasi.
“Waxay noqotay inaanu baadhitaan ugu tagnay Warshadda, wixii aanu soo aragnayna waxaanu la wadaagnay oo u sheegnay madaxda dhulkaas warshadaha ku lahayd. Markaanu la wadaagnay waxaanu isla garanay inay wax ka qabtaan waxaas aanu soo aragnay. Waxa kale oo aanu isla garanay in khabiirro laga keeno bannaanka oo labadayada wasaaradood ba ku dadaalno, wixii halkaas ka soo baxana warshaduhu ku shaqeeyaan nidaamka caalamiga ah ee lagu shaqeeyo ay ku shaqeeyaan,” ayay tidhi marwo Shukri oo ka hadlaysay kulanka dhinacyadu ku yeesheen Hargeysa.
Wasiirka wasaaradda warshadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa isna tilmaamay muhiimada ay warshaduhu dalka u leeyihiin iyo sidoo kale in la is waafajiyo horumarka degaanka iyo warshadaha “ Wadanku wuxuu u baahan yahay warshado oo maanta wadamada aduunyada horumaray, waxay ku horumareen waa horumarin dhinaca warshadaha ah. Inagoo u baahan in wadanka warshado laga sameeyo oo warshadaha la horumariyo oo dhaqaalihii kor u kacayo oo shaqo abuur ay samaynayso, haddana waxaynu u baahannahay inaynu ilaalinno deggaanka, caafimaadka iyo dhinacyo kale oo faro badan,” ayuu yidhi wasiirka warshaduhu.
Waxa kale oo wasiirka warshaduhu tilmaamay in aad la iskaga xog waraystay warbixinta wasaaradda degaanka “Halkan xog waran badan baa ka dhacay oo ah sidii hawshaa la isula eegi lahaa, dhinacyo badan looga eegi lahaa, khubaro caalami ah oo aqoon u leh loo heli lahaa, markaa hadalka dulucdiisu waxa weeye in la wada shaqeeyo oo wasaaradda caafimaadka, wasaaradda degaanka iyo wasaaradda warshaduhu ka wada shaqeeyaan warshadahan arrimahooda inta badan laga hadlo ee soo noqnoqda. Markaa waxa soo baxay waxa weeye sidii loo heli lahaa khubaro caalami ah ama dalkeena u dhashay oo aqoontan leh oo baadha in waxa meesha yaal dhib leeyahay iyo inaanu lahayn,” ayuu yidhi wasiirka warshaduhu.
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Ka Qeyb Galay Heshiis Laba Ardaa Oo Walaalo Ah Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo
Hargeysa(Warsugan) Qaar kamida ardaayado walaalo ah oo wada Dega Gobolka Sanaag ayaa maanta xal waara ka gaadhay shaqaaqo hore uga dhacday Deegaaka Dhaabeeda oo halkaasi uu ka dhacay dil , labada ardaa oo shalay kulan balaadhan isku soo hor fadhiistay gudaha magaalada Ceerigaabo kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen maamulka her gobol iyo heer degmo ee Gobolka sanaag.
Waxgaradka, Cuqaasha iyo Salaadiinta kasoo jeeda laba daraf ee heshiisku dhex maraayey ayaa halkaasi kaga dhawaaqay heshiis oo buuxa oo laga gaadhay falkii ka dhacay degaanka Dhaabeeda iyadoo uu halkaasian mid ka mida ardaayadu uu qaatay dhibkii halkaasi ka dhacay dhinaca kale ee walaalahoodna ka dalbaday inay garowsadaan islamarkaana ay la gaadhaan xal buuxa si loo adkeeyo nabad gelyada iyo kuwada noolanshaha deegaanka.
Qaar kamida Odayaasha iyo waxgaradka laba dhinac oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday inay muhiim tahay xalinta dhibaata kasta oo timaada loona baahan yahay inay waayelka iyo waxgaradku ku dhameeyaan dariiqyada ku haboon, waxaana laba dhinac oo halkaasi ka hadlay ay si weyn ugu dheeraadeen ahmiyada nabad gelyada deegaan iyo gobolka iyagoo sheegay inaan marnaba la kala maarmayn sidoo kalena waxay hoosta ka xariiqeen inay ka odayaal ahaan xalinta hawshan mudo badan ay ku jiraan hadana ay ku guulaysteen iyadoo markii danbena halkaasi lagu gaadhay heshiis buuxa si wanaagsan oo kal iyo laab ahna laysu gacan qaaday.
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly oo shirkaasi goob joog ka ahaa ayaa xusay inay tahay wax ilaahay loogu mahad celiyo in badana ay Madaxdhaqameedku ku jireen dedaalkeeda iyo isu keenista darafyada walaalaha ah waxana uu halkaasi uga mahad celiyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay suurta galnimada madashaasi qurxoon isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxaa uu yidhi Badhasaab Fly “ Waxaanu ilaahay ugu mahadnaqaynaa hawsha halkaa kusoo geba gebowday ee inoo fududaatay kolay aniga waa ii farxad dhig weyn iyo warwar badana way nagu haysay hadii aanu nahay masuuliyiinta gobolka si gaarana anigay ii taabanaysay”.
Ugu danbayn waxay labada dhinac halkaasi ku gaadheen heshiis buuxa layskana shaafiyey shaqadaaqadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay heshiis ay goob joog ka ahaayeen maamulka gobolka ka degamda iyo saraakiisha amaanka ee gobolkaasi , waxaana sidaasi lagu soo afmeeray shirkaasi nabadeed.
Guddoomiyaha Hay’adda Diwaanka Sakada Oo Sharaxay Waxa Uga Qabsoomay Socdaal Citiraaf Raadis Ah Oo Uu Ku Tagay Dalka Kuwait
Hargeysa(Warsugan) Siciid Maxamed Faarax, guddoomiyaha xafiiska diwaanka Sakadda ee Somaliland oo ka soo laabtay socdaal uu wadammo Carbeed ku soo maray ayaa tilmaamay inuu kaalmo sako u raadiyay Somaliland. Waxa uu sheegay in ujeedadiisu ahayd sidii ay hay’adda diwaanka sakada u soo bari lahaayeen wadamada carabta, si ay kaalmo ugu fidiyaan Somaliland.
Guddoomiyaha oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sharaxay ujeedka socdaalkiisa isagoo tilmaamay inuu dalka Kuwait ku maqnaa 26 cisho “Walaalayaal meelo badan baa citiraaf laga daydayayaa, dalkuna citiraaf buu u baahan yahay, si loo ogolaado oo loo aqbalo, calankiisana aduunka meel walba laga taago, taasna waxaa ku shaqo leh wasaaradda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Sheekh Siciid.
Guddoomiyaha hay’adda diwaanka sakada ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisu u baahan yahay in la baro dalalka “Anaga laftayadu haddaanu diwaankii sakada nahay citiraaf doon baanu nahay. Waxaanu u baxnay si aanu citiraaf diwaanka sakada ugu soo helno oo aanu uga soo helno dalalka waaweyn ee wax bixiya ee Carabta ah, sida Khaliijka hadhowna aanu Carabta u gudubno, hadhowna dibadaha kale looga sii gudbo,” ayuu yidhi guddoomiye Siciid.
Isagoo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “Markaa socdaalkayagu wuxuu ahaa citiraaf doon nalagu barto, nalagu aamino oo nalagu ogaado, taasna Alle mahadii guul baanu ka soo gaadhnay. Citiraafka diwaanka sakadu wuxuu inaga caawinayaa maadaama aynu nahay dal sabool ah oo cusub oo baahi badani ka jirto inaynu helno mucaawimooyinkii aynu xaqa u lahayn.”
Sheekh Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay kulamo la qaateen dad Somaliland danaynaya “Waxaanu la kulannay tujaar badan oo dalkan danaynaya, waxaanu la kulannay culimo, waxaanu la kulannay hay’addo badan oo mucaawinooyinka bixiya oo soo dhaweyn fiican noo sameeyay, way na diwaangaliyeen, balanqaad fiicanna way noo sameeyeen,” ayuu yidhi sheikh Siciid.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay in baahiyaha ay u gudbiyeen qaybaha ay la kulmeen balanqaadyo fiican looga sameeyay “ Socdaalkayaga nuxurkiisu wuxuu ahaa citiraaf raadintaas aanu diwaanka sakada u citiraaf raadinaynay oo ahayd in la ina barto, wadanku halka uu ku yaal la barto, xaaladdiisa la ogaado, hay’addani inay cusub tahay la ogaado, wixii taakulo iyo tababar ahna naga caawiyaan, iyo in wixii mucaawino ah ee aanu u gudbinay ay balanqaadeen mustaqbalka dhaw iyo ka fog ba inay wax ka qaban doonaan.”
Xafiiska diwaanka sakada oo madaxweynaha Somaliland dhawaan aasaasay ayaa hawshiisu tahay inuu isku tubarido sakada umadda muslimka ah ee Somaliland aduunkooda ka bixinayaan, si loogu taakuleeyo cidda ku habboon in la siiyo, halka guddoomiyuhuna hadda dalalka islaamka ah ee kale kala macaamilayo sidii ay waxtarkooda u soo gaadhsiin lahaayeen Somaliland, taasi oo laga yaabo inay wax weyn tarto Somaliland.

Xoogagga Hoggaamiyaha Fallaagada Koonfurta Suudaan oo loo ogolaaday inay ku laabtaan Juba
Xoogagga Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka South Sudan, Riek Machar oo dhawaan uu Madaxweyne Salva Kiir u Magacaabay Madaxweyne ku xigeen ayaa loo oglaaday inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Juba ee xarunta dalkaas, sida ay Warbaahinta u sheegeen Guddiga la socodka Nabadda iyo Fulinta heshiiskii hore ay u gaadheen dhinacyada iskuhaya Awoodda Waddankaas.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo taageerayaasha Machar loo ogolaado inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Juba tan iyo Bishii December ee 2013-kii oo dalkaas uu ka qarxay dagaalka u dhexeeya Ciidamada kala taabacsan Salva Kiir iyo Riek Machar.
Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Waddamada kale ee awooda leh; ayaa cadaadis ku saaray labadaan dhinac inay kala saxeexdaan bishii Ogoosto ee Sannadkii hore heshiis lagu soo af-jarayo colaadda dalkaas ka taagan, heshiiskaas oo farayay dhinacyadda inay awooda maamulka dalka Wadagaan.
Sidoo kale, Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii lasoo dhaafay waxay ku sheegtay inay labada dhinac ee isku haya awoodda Koonfurta Suudaan ay heshiiskii wada gaadheen iyadoo xustay in lagu soo rogayo cunno-qabateyn la xidhiidha dilal ay geysteen intii ay colaaduhu socdeen.
Dhanka kale, Bishii lasoo dhaafay ayuu Madaxweyne Salva Kiir Wuxuu xili Madaxweyne ku xigeenkiisa u magacaabay Riek Machar, taasoo dib u soo celisay rajadii laga qabay inuu fulo heshiiskii ay wada gaadheen Mucaaradka iyo Xukuumadda South Sudan.
kulan ay shalay yeesheen guddiga la socodka fulinta heshiiskii kooxaha South Sudan, ayaa lagu sheegay in Ciidammo tiradoodu gaadhayso 1,370 Askari oo ka tirsan xoogaga Riek Machar loo soo daad-gureyn doono xarunta dalkaas ee Juba toddobaadka ugu horreeya ee bisha soo socota ee March, sida saxaafadda uu u sheegay Festus Mogae oo ah guddoomiyaha guddiga kor-joogtayntaee loo soo gaabiyo JMEC.
Afhayeen u hadlay hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar ayaa isaguna warbaahinta u xaqiijiyay in la fuliyey heshiiskan dhigaya in ciidammo mucaaradka ka tirsan Juba lagu soo celiyo, isagoo sheegay in tallaabadaas ay billaabanayso Toddobaadka soo socda.