Wararka Wargeyska Warsugan iyo Cadadkii 38aad ee Maanta

0
474

Xukuumadda Oo Faahfaahin Dheeraada Ka Bixisay Kulan Ganacsatadda Iyo Madaxweynaha Ku Dhex Maray Qasriga Madaxtooyadda & Qodobada Farta Lagu Fiiqay

Madaxweynaha, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo kulan Muhiim ah la yeeshay Ganacsatada Waaweyn ee Dalka.

Hargeysa (Warsugan) Ganacsatadda dalka iyo madaxweynaha oo shalay kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ayaa si adag uga wada hadlay sidii meel loo aamini lahaa lacagta Somaliland, isla markaana qiimo loogu yeeli lahaa. Waxaana kulankaasi markii uu dhamaaday war qoraal ah ka soo saaray afhayeenka madaxweynaha.
Nuqul ka mid ah qoraalka afhayeenka oo lagu faafhaahiyey qodobadii la isla qaatay ayaa u dhignaa “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta (23.01.2016) kulan ballaadhan oo muhiim ah la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee dalka. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, W. Madaxtooyada, W. Maaliyadda, W. Ganacsiga & Maalgashiga, W. Qorshaynta Qaranka, W. Duulista Hawada, W. Difaaca, W. Dawlaha Madaxtooyada, W. Dawlaha Amniga Qaranka iyo Madaxda Sare ee Baanka Dhexe JSL iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda. Weftiga ganacsatada ee Madaxweynaha la kulmay waxa hoggaaminayey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka.
Ujeedada ugu muhiimsan ee kulanku wuxuu ahaa:
1) In Xukuumaddu ay Ganacsatada Dalka kala hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo adeegsiga Lacagta Shilinka Somaliland iyo sidii Xukuumad, Ganacsato iyo Shiciba la isaga kaashan lahaa ka hortagga qiimo dhaca lacagta Qaranka Jam. Somaliland.
2) In war-bixin laga dhagaysto Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray (03.12.2015) inay xog buuxda ka soo ururiyaan sicir-bararka, isla markaana ay ka soo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallili karo.
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Silaanyo oo shirka furay wuxuu ugu horraan Ganacsatada uga mahad-celiyey sida xurmada leh ee ay codsigiisa u ajiibeen ee ay kulanka uga soo qayb galeen, waxana uu yidhi:
“Mudanayaal, Sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idiinku yeedho kulankan qaybo ka mid ah ganacsatadiinii dalka. Shirkan waxa ay ujeeddadiisu tahay in aynu isku dhiiri-gelino isticmaalka lacagteena, isla markaana war-bixin ka dhagaysanno Guddidii aan u saaray in ay ka soo talo-bixiso sicir bararka iyo qiima-dhaca shillinka Somaliland. Sida aad la socotaan dal kasta wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Haddaba, Qarankani lacagta uu leeyahay waa shillinka Somaliland. Sidaa darteed, ummad ahaan waxa waajib inagu ah in aynu aamino oo ilaalino qiimaha ay leedahay. Waa ceeb iyo quudh in aynu lacagteenii ka cararno ama isticmaali wayno Shacbi iyo Dawladba. Arrintani maaha mid la aqbali karo, mana aha mid dib loogu dulqaadan karo.”
Madaxweyne Axmed Silaanyo mar uu Ganacsatada Dalka kala hadlayey doorka uga bannaan kor u qaadidda kalsooonida Lacagta Qaranka wuxuu yidhi:
“Mudanayaal, Ganacsatada halkan fadhida iyo kuwa maqanba ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan sidii qarankan lacagtiisa loo aamini lahaa, loona isticmaali lahaa. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hormood ka noqotaan meel marinta mashruucan lagaga hortagayo qiima dhaca shillinka Somaliland. Isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu waa talaabooyinka ugu mudan ee Xukuumad ahaan aannu Sannadkan (2016-ka) xaqiijinayno Insha Allaahu. Waxaan Ganacsatada halkan fadhida iyo kuwa maqanba ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan sidii qarankan lacagtiisa loo aamini lahaa, loona isticmaali lahaa.”
Madaxweyne Axmed Silaanyo isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:
“Mudanayaal, Qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagta dalkeenu waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Haddaba, si siyaasadan loo meel mariyo, waxay Guddidii aan u saaray arrintaas ay ka soo jeedin doonaan warbixin iyo go’aamo. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hormood ka noqotaan meel marinta mashruucan lagaga hortagayo qiima dhaca shillinka Somaliland. Sidoo kale waxaanu dhiniciina soo dhaweynaynaa wixii talo iyo tilmaamo ah ee wax lagu toosinayo. Waxaan soo dhaweynayaa wixii dhaliilo ah ee aad Xukuumaddayda u soo jeedinaysaan.”
Madaxweyne Axmed Silaanyo mar uu Ganacsatada Dalka kala hadlayey doorka ay ku leeyihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Qaranka wuxuu yidhi:
“Mudanayaal, Maamulkaygu wuxuu garwaaqsan-yahay in ganacsatadu tahay laf-dhabarta horumarka, door weyna ay ka qaataan shaqo abuurka, dib-u-dhiska, adkaynta amniga iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, aniga oo munaasibadan ka faa’iidaysanaya waxaan jecelahay in aan idinku hambalyeeyo hal abuurka iyo himilooyinka Qaran ee aad hirgaliseen.” “Isku-duubni, dedaal iyo dal-jacayl ayaa inoo dardaaran ah”, ayuu Madaxweynuhu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyey.
Kulankii uu Madaxweynuhu la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee dalka waxa iyaguna ka hadlay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Maaliyadda iyo Duulista Hawada kuwaasoo dhinacooda sheegay in dulucda shirku ahaa sidii Xukuumadda iyo Ganacsatadu uga wada hadli lahaayeen kor u qaadista, aaminaada iyo isticmaalka lacagta Somaliland isla markaana looga hortagi lahaa in qiimo-dhac ku yimaad Lacagta Dalka. Wasiirradu waxay Ganacsatda u xaqiijiyeen inaan xanuunka la daaweyn karin ilaa aad garwaaqsato inaad bugto. Sidaa darteed, arrinta ay Xukuumaddu dawaynayso ma aha Sicir-barar dalka ka jira, waayo sicir bararku waa wax gaar ah. Laakiin, arrinta ay Xukuumaddu ka daaweynteeda ka shaqaynayso waa Sarrif-barar taasoo keentay in lacagtii Somaliland uu qiimo dhac ku yimid taasina ay u baahan tahay talo qaran oo loo dhan yahay.
Wasiirka Wasaardda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray talo-bixinta sicir-bararka oo kulankaasi si mug leh uga hadlay wuxuu sheegay sida ay Qaran ahaan muhiim u tahay inaynu gacmaha isku qabsano oo aynu u midowno wanaajinta lacagteena, waayo waa wax aynu wada leenahay. Wasiirku wuxuu sheegay in qiimo dhaca lacagteenu uu soo taagnaa ilaa 1994-kii ilaa maalintii la daabacay, intaana waxa lagu waday xal ku-meel-gaadh ah, laguna dawaynayey, maanta waxa aynu u baahanahay xal waara oo salka u dhiga qiimaha lacagteena iyo aaminaadeeda. Xukuumad, Ganacsato iyo Shacbigaba waa inaynu lacagteena isticimaalno oo ay aamino.
Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu Ganacsatada si luxdan ugu sheegay in loo baahan yahay inaynu dhammaanteenba ka hor tagno in lacagtii Qarankeenu ay ku soo ururto Baanka oo kaliya iyo nin Sarrifle ah, waana sida ay hadda ku socoto haddii aanay xal helin. Wasiirku wuxuu sheegay in qaybaha kala duwan ee Hay’adaha Dawladda iyo bulshada Somaliland ay si waddaniyad leh u isticmaalaan lacagtooda ah Shillinka Somaliland, iyadoo madaxda qaranku ay iyagu iska bilaabaan dhiirigelinta iyo isticmaalka lacagta dalka. Gebagabadii hadalkiisa Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Ganacsatada u faah-faahiyey qodobo dhawr ah oo ay Xukuumaddu soo saartay kuwaasoo wax lagaga qabanayo qiime dhaca iyo aaminaad la’aanta Shilinka Somaliland.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL ayaa isaguna ka hadlay kulanka waxana uu Xukuumadda ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto si wax looga qabto qiime dhaca lacagta dalka iyo la dagaallanka sicir-bararka. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qiimo dhaca lacagteenu uu soo taagnaa ilaa 1994-kii, ummaddeenuna ay qabatimeen lacag aynaan dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaan toona lahayn, taasina ay tahay ta keentay kalsooni darrada iyo aaminaad la’aanta lacagta dalka. Guddoomiyaha iyo ganacsato dhawr ah oo iayaguna kuanka ka hadlay waxay soo dhaweeyeen tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si loo kobciyo kalsoonida ay ummadeenu ku qabaan lacagtooda. Waxay hoosta ka xarriiqeen in loo baahan yahay in la tayeeyo Baanka Dhexe ee Dalka si uu awood ugu yeesho jaan-goynta siyaasadda lacagta qaranka. Sidoo kale waxay Xukuumadda si adag ugu boorriyeen in Xukuumaddu si dhab ah u fuliso tallaabo kasta oo lagu soo celinayo kalsoonida iyo qiimaha lacagta qarankaka, taasoo ah masuuliyadda Dawladda.
Isku soo wada duuboo, kulankan uu Madaxweyne Axmed Silaanyo la yeeshay Ganacsatada Dalka ayaa ku dhamaaday Is-afgarad iyo Guddoon wacan kaasoo salka ku haya in la iska kaashado sidii lacagta Dalka loo aamini lahaa, loona isticmaali lahaa, taasoo ay ku jirto danta iyo maslaxadaha Qarankeenu.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Cali Guray Oo Ka Hadlay Khilaafka Soo Noq Noqday Ee U Dhaxeeya Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Marashax Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay khilaafka soo noq noqday ee u dhaxeeya gudoomiyaha xisbiga UCID iyo murashaxa Jamaal Cali Xuseen, waxaanu tilmaamay in aanu jamaal Cali Xuseen xaq u lahayn magacaabida guddi hoosaadyada, balse uu xaq u leeyahay inuu magacaabto cida isaga u ololayn doonta
Cali Guray oo ugu horayn ka hadlay xilalkii is burinaayey ee ay isku maan dhaafeen Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi “Qaab dhismeed ayuu leeyahay xisbiga Ucid ama gudoomiye gobol ama mid degmo ah ama gudoomiye fulineed ah ama gudoomiye ah oo jamaal magacaabay ma jiro. Jamaal waa musharax ololihiisa iyo dadka ololaha uu isleeyahay waxbayaa kaa tarayaan waa xaq uu leeyahay, marka laysku wanaagsan yahayna waa wax laga tashan karo” wuxuu sidaasi ka sheegay guodomiye xigeenka saddexaad mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale Cali Guray ayaa ka hadlay diiwaangelitna wajigeedii koowaad shalay la soo afjaray iyo ee gobolka Togdheer iyo sababta ay u dirsan waayeen munaaqibiin xisbi ahaan, waxaanu yidhi “Waxay ahayd in komishinka doorashooyinka, saddexda xisbi qaran, wakiiladda, guurtida, xukuumadda, warbaahinta iyo ururadda bulshadda rayidka ah oo wada socda inay wada marayaan dhamaan goboladda dalka oodhan iyaga oo gudbinaya hal farrin oo kaliya ee aan kolna hoosta wax uga sheegayn cid gaar ah, taasi may dhicin. Diiwaangelinti way bilaabmatay waxaa laga yaabaa inaad u jeedo maxaad munaaqibiin u geyn waydeen, ma gaynayno Togdheerna maanu gayn kuwa kalana gayn mayno waayo munaaqibka waxa la yidhaahdaa doorashada marka lagu jiro cida goob kasta u joogta komishinka. Imika doorasho ma jirto haddii aanan ku kalsoonayn farsamada imika la isticmaalayo oo ay nooga muuqato goldaloolooyin, laakiin maanta waxaanu samaynaan wax la yidhaa kooxaha kormeerka iyo daba galka qaabka ay u socoto diiwaangelintu”
Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sababaha Sixir Bararka Keenaya iyo Go’aammo Lagu Dejinaayo
Xukumadda iyo Ganacsatada Oo Isla Qaatay In La Dardar Galiyo Isticmaalka Lacagta Somaliland
Hargeysa (Warsugan) Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sharaxaad ka bixiyay natiijada baadhis ay sameeyeen guddi uu madax u ahaa oo soo daraasaysay sababaha keenay sixir barar ba’an oo bulshada Somaliland saameeyay, waxaana arrinta ugu weyn lagu sheegay inay tahay shilinka Somaliland oo noqday mid aan shaqayn balse bangiga iyo ganacsatada sarrifka uun ku kaydsan. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa 3-dii December,2015 wuxuu guddi shan xubnood ah oo madaxweyne xigeenku guddoomiye u yahay u igmaday inay baadhis ku sameeyaan sixir barar uu ku sifeeyay mid ba’an oo bulshada saameeyay, arrimahaasi oo ay dhawaan tala bixinteeda soo gudbiyeen guddida loo xilsaaray.
Madaxweyne xigeenka oo kulan xukumadda iyo ganacsatada u dhexeeyay shalay kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay inay ogaadeen in dhibka ugu weyn ee sixir bararka iyo sarrifka saldhigi waayay yahay lacagta Somaliland oo aan sideeda loo isticmaalin, balse bulshadu ku wada tiirsatay Doolarka “Runtii hawsha waxaanu ku soo jirnay muddo bil iyo jarjar ah. Waxaanu u kuur galnay waxa sixir bararka inoogu wacan, waxaanu kulamo iyo waraysiyo la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada, bangiyada, dadka lacagta ka ganacsada, wasaaradda maaliyadda, xogahaas markaanu isku gaynay dhibaatada ugu weyn ee meesha ka soo baxday waxay noqotay qiima dhaca weyn ee lacagteena labadii sanno ee u dambeeyay ku yimid, taas oo sababtay in lacagteenu istaagto, taas oo aynu dhammaanteen eed ku leenahay dawlad ahaan iyo shicib ahaanba, maadaama aynu lacagteenii inaynu isticmaallo ka cararnay, inagoo ku wada tiirsanay Doolar keena lacagta yar u baahan iyo ka lacagta badan u baahanba, taasina waxay keentay in lacagteenu ku ururto hay’addaha lacagta sarrifa iyo bangiga,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Somaliland.
Madaxweyne xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Saylici wuxuu tilmaamay in markii arrimahaasi la arkay la go’aansaday dhiiri galinta shilinka Somaliland “Waxaa la isla qaatay maanta laga bilaabo in lacagta Somaliland qiimo loo yeelo lana isticmaalo. Waa in qofka mushaharka ku qaadanaya iyo cid walba shilinka qiimo galiso oo quwayso. Waxa kale oo la gartay in bangiga Somaliland la xoojiyo oo qiimo loo yeelo oo dawladdu meel kasta ha uga doontee siiso raaso maal uu ku ilaaliyo qiimaha shilinka,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku, waxaanu intaasi raaciyay inay ganacsatada isla garteen dardar galinta shilinka “ waxaanu la shirnay ganacsatadii, intii timid waanu u mahadnaqaynaa, inta naga maqana waxaanu leenahay nala qaata, waxaanu ganacsatada isla garanay khalkhalaadka jiray ee dhinac walba ka jiray ee lacagteenu ku qiimo dhacday, runtiina way nala qaateen. Waxaanu isla garanay ganacsatadii in la dhiiri galiyo socodsiinta lacagteenna. Maadaama aynu nahay qaran 24 jirsaday waxaa inagu waajib ah inaynu lacageena qiimo galinno,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.
Madaxweyne xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in si la iskula fahmo baaxadda dhibaatada islamarkaana aanay xukumadda uuni amar soo roggin wada tashi badan loo sameeyay, islamarkaana bangiyada gaarka loo leeyahay, dadka sarrifka lacagaha ka ganacsada, ganacsatada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso la siiyay fursad la iskula fahmo dhibka jira, sidaasna la iskula qaatay hirgalinta isticmaalka lacagta “Umadda Somaliland waxa laga rabaa inay lacagtooda Somaliland isticmaalaan, shilinka qiimo galiyaan, jeebabkooda ku dhacdo, akoonnadooda ku dhacdo, islamarkaana bedelaan inay mar walba doolar ku isticmaalaan adeegyada,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu bulshada Somaliland ku baraarujiyay inay jirto abaar baahsan oo saamaysay dad iyo duunyo “ Ganacsatada intii halkan joogtay waanu u sheegnay, dalka waxaa ka jirta abaar xoog leh, gaar ahaan gobolada Galbeedka, umadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan. Abaar baahsan baa jirta oo dadkii saamaysay oo xoolihii aad ugu le’anayaan, marka xooluhu dhintaana waxaa ku xigaya dadka, markaa waxaan leeyahay taasna ha loo diyaar garoobo sidii aynu iskaga kaashan lahayn, sidii aynu qaadhaan ugu ururin lahayn dadkeena dhibaataysan een maanta biyana haysan baadna haysan,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.
Geesta kale guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, ayaa sheegay in kulanka madaxweynuhu ugu yeedhay ganacsatada ee ah sidii loo isticmaali lahaa lacagta Somaliland ay la qaateen “ Shilinka Somaliland oo astaantii qaranka ah, halbawlihii jiritaanka Somaliland ah, soo jeedintii Madaxweynaha ee ahayd xukumad iyo shicibba in la isticmaalo shilinka, halka imika aynu Dollar ka dhiganay in Somaliland Shilin la isticmaalo oo iyada wax lagu iibsado,marka aanu nahay ganacsatada Somaliland waanu la qaadanay madaxweynaha. Waanu ku dhaqmaynaa soo jeedinta iyo taladaas madaxweynaha, waanu isticmaalaynaa, waxna waanu ku iibinaynaa,” ayuu yidhi mudan Maxamed Shukri.
Geesta kale wuxuu Maxamed Shukri u jeediyay shacabka Somaliland lacagtooda ay aaminaan “ Sidoo kale shacabku waa inay lacagta aaminaan. Ganacsaduhu, marka lacagta la aamino ee jeebabka iyo guryaha ay ku dhacdo ee ay qaybsanto ee qof waliba in haysto qiimo ayay yeelanaysaa, markaa ganacsadaha wax ku khasbaya inuu doolar raadiyaa ma jirto,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay in ganacsato, shacab iyo xukumad ba meel looga soo wada jeesto dardar galinta iyo hirgalinta isticmaalka shillinka Somaliland.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo labadii cisho ee u dambeeyay qiimaha doolarku hoos u dhacay, islamarkaana halka doolar oo muddooyinkii u dambeeyay cago cagaynayay Sideed kun hadda ku soo dhacay Lix kun iyo dhawr boqol oo shilin. Arrintan ayaa ka dambeysay culayska xukumadda iyo sidoo kale lacag sanadkii hore la soo daabacay oo xukumaddu sheegtay inay khasnadaha dib ugu celisay, hase ahaatee dadka ayaa dareen ka qaba maciishada oo aan wali wax isbedel ahi ku iman halka lacagtii doolarka ahayd wax weyni ka dhacay.
Wajigii Koowaad Ee Diwaangalinta Codbixinta Gobolka Togdheer Oo La Soo Gabogabeeyay
Saddexda Xisbi Oo Komishanka Ku Bogaadiyay Hawsha Diwaangalinta Codbixiyeyaasha
Burco (Warsugan) Guddida doorashooyinka qaranka iyo hoggaanka xisbiyada ayaa shalay wada jir u sheegay in wajigii koobaad ee diwaangalinta gobolka Togdheer oo ahaa muddo todoba cisho ahi soo dhammaaday, islamarkaana wajiga labaad oo 14 cisho ahi ka bilaami doono magaalooyinka Burco iyo Oodweyne.
Guddida doorashooyinka Somaliland waxay sheegeen in si nabadgalyo ah ay diwaangalintu uga qabsoontay dhammaan goobihii loogu talo galay, islamarkaana qalabkii iyo shaqaalihii oo nabad qabaa ku soo laabteen Burco. Waxay mahadnaq balaadhan u jeediyeen bulshada degggaannada diwaangalintu ka dhacaysay oo marti galiyay qalabka iyo shaqaalaha, islamarkaana si fiican isu diwaangaliyay.
Guddida doorashada ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqday inay intii aan is diwaangalin ka faa’iidaystaan 14-ka cisho ee u hadhay bulshada Togdheer, islamarkaana si hufan ay isu diwaangaliyaan. Komishanneerada Burco ku sugan waxay ka digeen in dadku isku dayaan ku noqnoqoshada diwaangalinta iyagoo soo bandhigay waraaqaha dad isku dayay inay ku noqnoqdaan, kuwaasi oo qalabku qabtay islamarkaana sidaasi ku lumiyay codkii ay xaqa dastuuriga ah u lahaayeen.
Geesta kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa u mahadnaqay komishanka iyo dhinacyada kale ee ku lugta leh diwaangalinta “ Waxaan u mahadnaqayaa Komishanka doorashooyinka qaranka iyo guud ahaan shaqaalaha komishanka, muraaqibiinta asxaabta, goob joogeyaashii kale ee ka qayb qaatay hawshan. Waxaan anigu qabaa inay tahay tijaabo qaran ama hawl qaran oo lagu guulaystay,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Guddoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna ka hadlay diwaangalinta isagoo ku dooday in Burco xaq u yeelatay in diwaangalinta lagu bilaabo “Aniga waxay ila tahay Burco xaq bay u lahayd in lagu tijaabiyo oo waa halkii lagu aasaasay 18-kii May dib ula soo noqoshadeena xorriyadda Somaliland, maantana inay tii xaqiijiso oo iyadu ugu horrayso aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa,” ayuu yidhi mujaahid Maxamed Kaahin.
Xoghaye kuxigeenka xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodox, ayaa isna sheegay in hawsha ilaa hadda la qabtay tahay hawl qaran oo cid waliba qaybteeda ka qaadatay “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Komishanka, waa hawl la soo wada qabtay, mid u yaraystay iyo mid u badsaday ba, waana guul weyn oo qarankeenu maanta gaadhay,” ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax.
Diwaangalinta codbixiyaha oo ah qodobka ugu muhiimsan ee doorashada qorshaysan 2017 ku hirgali karto ayuu gobolka Togdheer noqonayaa kii ugu horeeyay ee laga qabto, islamarkaana qalabka diwaangalintu tijaabada kaga baxo. Guddida ayaa sheegaysa inuu dhammaan dadkii isku dayay inay ku noqnoqdaan qalabku soo qabtay, islamarkaana guul ku tilmaamay habka uu u shaqaynayo.
Wasiiro iyo Masuuliyiin Kale Oo Dalka Ku Soo Dhaweeyey Arday Kaalinta Kowaad ka Galay Abaal Marinta Zayed Future Energy Prize Ee Imaaraadka

Hargeysa (Warsugan) Saddex arday oo ka socday Dugsiga SOS oo dhawaan ku soo guulaystay abaal marin caalamiya oo lagu qabtay imaaraadka carabta ayaa waxaa soo dhaweyn u sameeyey masuuliyiinta ka socday wasaaradda madaxtooyadda, wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda waxbarashadda ee Somalialnd, kuwaas oo ku soo dhaweeyey garoonak Cigaal Airport.
Wasiirka maaliyadda oo ka hadashay soo dhawaynta loo sameeyey maamulka iyo ardadya SOS ee guusha soo hooyey ayaa tidhi “Waxaanu saaka halkan ku soo dhaweynay saddex arday oo reer Somaliland ah oo ka qayb galay markii sideedaad Zayed future energy prize oo wadamo badani ka soo qayb galeen oo iskuul ku yaala Somaliland oo Sheekh ku yaala oo la yidhaahdo SOS uu ku soo guulaystay kaalinta koowaad, waxaan leeyahay waxay taasi tusaysaa waxbarashadeenu heerka ay marayso, waxay tusaysaa iskuulkani meelo badan ayuu ku yaalaa, laakiin sida aynu inagu u isticmaalno uma isticmaalaan. Horta iskuulku wuxuu ku yaalaa meel aad waxbarasho loogu tala galay oo Sheekh la yidhaahdo oo ardaygu intaa fasalka iyo waxbarashada uu ku jiro mooyee aanu inta kale suuq iyo meel ku dhex jirin, meel kobcinaysa inay qofka maskaxdiisu dhisanto oo qurux badan oo runtii markaad tagto aad is odhanayso haka tagin oo carruurta”
“Waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa saddexdaa arday ee sida dhiiranida ah ee wanaagsan Somaliland magaceedii kor u qaaday oo meeshii ay isa soo taageen hadal fiican ka jeediyey ee aynu ku faanayno. Somaliland waa mucjiso rabaaniya, waynu xiijaynaynaa dad badan runtii, markaa ha xiiqaane kolay Somaliland meel la gaadhi karo maaha runta marka la sheego. Yurub wadamo badan ayaanu soo marnay oo waa la ogyahay meel Somaliland ka wanaagsan oo lagu noolaan karaa ma jirto”
“Waxaana halkaasi ay wasiirka maaliyadu shahaado ku gudoonsiiyey dugsiga SOS, waxaana u gudoomay arday kaalinta koowaad soo galay oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey”
Khadar Cali Gaas oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda ayaa ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyey ardayga guulaystay iyo guud ahaan maamulka SOS oo abaal marinta ka qayb galay, waxaanu yidhi “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah in aynu halkan ku soo dhawayno ardaydii ka socotay Iskuulka SOS ee Sheekh kuna guulaystay qaabka Iskuuladu u isticmaalayaan tamarta casriga ah. Iskuulo badan oo caalamka ah ayaa ka soo qayb galay oo kun tiro u dhaafay ayaa la tartan siiyey, waxaa iskugu soo hadhay tiro kooban. Iskuulkeena Sheekh wuxuu galay kaalinta koowaad Iskuuladii ka socotay qaaradeenan Africa, rutiina waa wax aad loogu farxo oo magaca Somaliland waxay u soo hoysay sharaf badan, waxaana inagu filan in magaca Somaliland halkaas laga sheego oo dadku is waydiiyaan talow dalkani muxuu ahaa?
Gudoomiyaha SOS ayaa ugu danbayntii ka sheekeeyey qaabka iyo sida ay ku helaan ka qayb galka tartanka, waxaanu sheegay inay madasha Somaliland ay guusha ka soo hoysay ay goob joog ka ahaayeen madaxweynayaasha aduunka iyo kuwo martida loo ahaa. Waxaanu hambalyo u diray wasaaradda waxabrashada iyo guud ahaan xuukumada oo ku amaanay kabka ay ugu deeqaan Dugsiga SOS.