Wararka Wasiirka Hawlaha Guud Cali mareexaan Iyo Waftigii la socday ee Wadada Ceerigaabo oo Maanta goobo badan isu maray + Sawiro

0
886

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisa Waxaa Iyana Si Balaadhan Oo Maamuskeedu Sareeyo Loogu Soo haweeyay Gudaha Degmada Gar dag.

Ceela-afweyn (Warsugannews)21/04/2016 Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisa Waxaa Iyana Si Balaadhan Oo Maamuskeedu Sareeyo Loogu Soo haweeyay Gudaha Degmada Gar dag.

Waxaana Soo Dhaweynta Waftiga Wasiirka Ka Qaybqaatay Maamulka Degmada Gar Adag Xildhibaanada Golaha Degaanka Gar Adag Waxgardka Degaankaasi Bulshada Qaybaheeda Kala Gadisan.

Waxaana Wasiirka Oo Ay Hareero Socdaan Bulshada Degaankaasi Lasoo Galbiyay Ilaa Hotelka Mangalool Ee Magaalda Gar Adag Waxaana Hal Ku Dhigyadii Ay Bulshada Degaankaasi Gar-Adag Ku Dhawaaqayeen Kamid Ahaa “Waa Geesigii Guntiga U Xidhay Jidkiii Na-goblamiyay ‘’.

Dareenka Rabitaanka Buslhada Degaankaasi Ee Gacal Tooyo Soo Dhaweynta Wasiirka Waxaa Wajiyadooda Laga Dheehanayay Rabitaanka Iyo Inay Ka Dharagsanyihiin In Wasiirku Wadadii Sanaag Waa Cusub U Baryiyay,
Maayirka Degmadda Gar-adag ayaa Wasiirka Hawlaha Guud kusoo dhaweeyey Degmadda, wuxuuna carabaabay siday reer Gar-adag ugu faraxsanyihiin inay maruun dhaayahooda ku arkaan in laamidii Jidka Ceerigaabo oo dhex marey, wuxuuna mahad buuxda ujeediyey Wasiir Cali.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa fagaarahaa kala hadlay dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyey, wuxuuna usheegay reer Gar-adag in jidkii ay inta baddan sugayeen ay maanta arkayaan iyagana looga baahanyahay in xoolihii iyo maalkii ay ku balan qaadeen inay bixiyaan.

Q2

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisu Waxaa Kaloo Ay Cagta Dhigeen Goobta Ay Kasocoto Ciid Dhigistu Ee Tuulada Tuurar Oo Jahada Galbeed Kaga Beegan Magaalda Gar –Adag.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisu Waxaa Kaloo Ay Cagta Dhigeen Goobta Ay Kasocoto Ciid Dhigistu Ee Tuulada Tuurar Oo Jahada Galbeed Kaga Beegan Magaalda Gar –Adag Waxaana Waftigu Booqdeen Banayn Lagu Sameeyay Buurtii Adkayd Ee Cadaad Kulaaleed Oo Horay U Ahayd Buur Adag Balse MaantaAy Wadadu Tahay Mid Siman Buur Ilaa Banaan.
Waxaana Halkaasi Ka Warbixiyay Sida Ay U Qabteen Shaqadan Adag Engka Guud Ee Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Cabdulaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawahar Oo Sheegay Inay La Soo Mareen Banaynta Buurta Ay Maanta Baneeyeen Hawl Adag Oo Ay U Adkaysteen Waxaaana Uu Wasiirka Hawlaha Guud Uga Mahadceliyay Mudada Uu Xilka Wasaarada Hayay Sida Hawl Karnimada Ah Ee Uu Ula Shaqeeyay.
Geesta Kalena Maaayirka Degmada Gar Adag Mudane Faarax Aadan Ciise Ayaa Ka Markhaati Ka Cay In Intii Uu Wasarada Hawalaha Guud Majaraha U Hayay Wasiir Cali Maxamed Xasan Ay Si Xawli Ah Shaqada Wadadu Usocotay wax baddana laga qabtay Wadada.
Buurtan cadaad kulaaleed ee maanta iyadu ah Wadada siman ayaa hore waxa raafaad ugu qabay bulshadda degaankaasi, waxaanan ka dhalan jirey wakhtiyadda roobaadka khataro aad u waawayn oo gaadhida iyo dadkaba ay halis ku gali jireen, walawse buurtu maanta tahay mid siman oo isku dheeli tiran.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa ka sheekeey dhibtii laga mudan jirey buurta hadda la dumiyey ee banaanka laga dhigay, isagoo Wasiirku tibaaxay in Dadka iyo Gawaadhiduba aad ugu dhib mudan jireen halkan, wuxuuna sheegay in hawshaa intaa leeg lagu qabtay mudo aad uya oo bil iyo badha.

Q3
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisa Waxaa Iyana Si Balaadhan Oo Maamuskeedu Sareeyo Loogu Soo dhaweeyay Gudaha Tuuladda Yufleh, Waxaana Soo Dhaweynta Waftiga Wasiirka Ka Qaybqaatay Maamulka Degmadda Ceerigaabo iyo Maamulka Gobolka Sanaag.
Ceerigaabo 22/04/2016 Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Waftigiisa Waxaa Iyana Si Balaadhan Oo Maamuskeedu Sareeyo Loogu Soo haweeyay Gudaha Tuuladda Yufleh, Waxaana Soo Dhaweynta Waftiga Wasiirka Ka Qaybqaatay Maamulka Degmadda Ceerigaabo iyo Maamulka Gobolka Sanaag.
Dareenka Rabitaanka Buslhada Degaankaasi Ee Gacal Tooyo Soo Dhaweynta Wasiirka Waxaa Wajiyadooda Laga Dheehanayay Rabitaanka Iyo Inay Ka Dharagsanyihiin In Wasiirku Wadadii Sanaag Waa Cusub U Baryiyay iyo in Wadadii ay maanta yufleh dhaaftay oo dhinacaa Galbeed umartay 10km.
Badhsaabka Gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay ayaa Wasiirka iyo Waftiga la socda kusoo dhaweeyey Guud ahaan Gobolka Sanaag gaar ahaan Tuuladda Yufle, wuxuuna sheegay in Wasiirku afar bilood ka hor oo halkan marayey ay reer Yufleh Wasiirka ku canaanteen in aan Wadadii lasoo gaadhsiin maantana ayba dhaaftay oo dhinacaa Galbeed udhaaftay 10km, hadda laamigiina saaranyahay 40km.
Waxgaradka Deegaanka Yufle oo Wasiirka si wayn usoo dhaweeyey ayaa sheegay in Wasiirku intuu xilka hayey shaqo baaxad weyn qabtay, Wadadii ay lahaayeen Afar bilood ka hor maanay naba soo gaadhayn maanta indhahooda ku arkayaan in ay dhaaftayba oo usii jeedo dhinacaa iyo Ceel-afweyn, waxayna sheegeen in qaadhaankii ku hadhay si dhakhso ah usoo bixinayaan.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta balaadhan ee ay umuujiyeen dadka deegaanka Yufleh, wuxuuna xasuusiyey afar bilood ka hor maalintii ay lahaayeen Wadadii maanay nasoo gaadhaynba maantana arkaan iyadoo dhaafaty, wuxuu Wasiirku usheegay in dhismahaa ay arkaan lagu wado kharashkii loo galiyey miisaaniyada, laakiin aanay waxaba ka hayn deegaanka, wuxuuna ku boriyan kol haddi Wadadii loo sameeyey indhahoodan ku arkayaan inay soo bixiyaan wixii ay ku balan qaadeen.

Q4
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed iyo waftigii balaadhnaa eeuu hogaaminayey ayaa sii kormeeray halka ay Wadadu ka socoto marka laga yimaado dhinaca Ceerigaabo, oo ay ka socoto dhigista daamurku.

Ceerigaabo 22/04/2016 Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa sii kormeeray halka ay Wadadu ka socoto marka laga yimaado dhinaca Ceerigaabo, oo ay ka socoto dhigista daamurku.
Maareeye Ku Xigeenka Hayadda Wadooyinka Mudane Maxamuud ayaa Wasiirka u sheegay in halkani tahay meesha ay ka socoto daamur dhigistu markaa laga yimaad Ceerigaabo, wuxuuna tilmaamay in goobtan markii xilka uu la wareegay Wasiirku uu daamurku saarnaa 14km oo kaliya laakiin ay hadda Daamurkii dhigeen 40km taasna ay tahay dadaal uu la yimid Wasiirku.

Sacdiya Aw Muuse oo ku hadlaysay Afka Gudida Qaadhaan ururinta Wadada Ceerigaabo ayaa sheegtay in Wasiirkan hadda hogaanka uqabtay maamulkan Wadadani dadaal dheer la yimi, ka gudi ahaan aad ugu mahadcelinayaan, waxayna qurbajoogta ugu baaqdey inay kaso qeyb qaataan Wadada Ceerigaabo.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa isna dhinaciisa ka hadlay shaqaddan Daamur dhigista ee halkan ka socota, wuxuun tilmaamay inuu ugu yimid oo xilka kula wareegay iyadoo daamurku saaranyahay 14km oo kaliya, laakiin hadda mudo Afar bilooda gudahooda ay saareen oo daamurkii dhigeen 40km oo laamiya, wuxuuna dhinaca kale Wasiirku fariin adag udiray kuwa waji ku macaashka ah ee meelahaa dacaayadaha xun ka fidinaya Wadada, wuxuuna sheegay inaan la dhageysan oo shaqadda la wado.

Dhinaca kale Wasiirku wuxuu soo kormeeray goobta cartuulka looga qaado dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco, wuxuuna aad ugu mahadceliyey shaqaalaha meel kasta ka wada dhismaha Wadadan ee fasaxa lahayn, wuxuuna Wasiirku fuulay gaadiidka Cagaf-cagta loo yaqaan ee Ciida qaada oo dirawaliintii waday halkooda ku soo salaamay.
Q5
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa sii kormeeray labadda karashar ee ay Dawladu leedahay oo soo saara jayadda lagu dhisayo Jidka Wey nee Ceerigaabo iyo Burco.

Ceerigaabo 22/04/2016 Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa sii kormeeray labadda karashar ee ay Dawladu leedahay oo soo saara jayadda lagu dhisayo Jidka Wey nee Ceerigaabo iyo Burco.

Waxa uga warbixiyey Wasiirka halkaasa Eng. Maxamed Cabdi Qoorsheel, wuxuuna carabaabay in halkan uu ooli jirey Hal-karashar laakiin ay hadda lagu soo kordhiyey mid kale, taasina ay siyaadisay wax soo saarkii badnaa ee ay sameynayeen.
Maareeyaha Hayadda Wadooyinka aya isna Wasiirka usheegay in shaqadda bartan ka socotaa ay libin laabantay, isagoo tibaaxay in jayadda halkan taalaa iskugu jirto noocyadii kala duwanaa ee ubaahanayd in Wadada lagu dhiso, wuxuuna ku sheegay inuu yahay da’daal uu la yimid Wasiir Cali Xasan Maxamed.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa isna dhinaciisa uga mahadceliyey shaqaalaha ku hawlan habeen iyo dharaar sidii Wadadaas usameyn lahaayeen, wuxuuna usheegay inaanay is mahadin oo halkaas kasii wadaan, dalka iyo dadkuna ay u ogyihiin shaqadaa ay qabanayaan.

13087868_771688126301168_3809983172195870927_n

13087811_771738332962814_1227845368971848139_n

13087733_771699849633329_6841837510812356463_n

13087656_771736389629675_6393132213414986258_n

13087487_771687659634548_7030554635261657246_n

13087414_771698182966829_7219554328548675438_n

13087313_771698696300111_8067748406988041409_n

13083345_220121105028756_67332529633217612_n

13083345_220120388362161_4250032263347946337_n

13077049_771688032967844_5113842362459670705_n

13076921_771697466300234_2533072296215141962_n

13076862_771711072965540_6127675210302842298_n

13076839_220130368361163_691058585611130678_n

13076802_771699832966664_3131049434633106265_n

13076735_220130711694462_3390273921789679306_n

13076649_771713479631966_3422678948955764813_n

13062533_771687492967898_3801771150903638848_n

13062456_771698536300127_2908428212564908985_n

13062446_771696042967043_4072532226519998732_n

13062393_771696782966969_5986753550407332103_n

13061988_771738862962761_8757873117742999154_n

13061988_771735112963136_2500796438965494611_n

13055513_771690042967643_9201463415462847156_n

13055403_771698469633467_7211083533080119702_n

13055354_771696646300316_5736151328746941342_n

13055292_771735649629749_5382902407506890414_n

13051696_771710596298921_6450245626996175807_n

13051687_771739009629413_6699677259935523353_n

13051630_220121231695410_9160055157147985618_n

13051609_771690102967637_6064114617197742257_n

13043771_771697029633611_9046276798284442873_n

13043671_771734959629818_2778892961817660335_n

13043594_771735629629751_7627411188467267060_n

13043539_771738366296144_7402726070527837769_n

13043318_771698802966767_8343340685456100170_n

13043271_771698376300143_6208482309349920810_n

13015693_771696169633697_1315759590553961271_n

13015607_771734799629834_8911416398409952123_n

13015495_771736886296292_2099295523654878696_n

13015459_220120328362167_155010192784767140_n

13015426_771696456300335_1760723216928097370_n

13015385_771687792967868_7497649119889523553_n

13015381_771696769633637_2077314183944962304_n

13015366_771696122967035_9003414371460528098_n

13015309_220120758362124_2773928106678179625_n

13012882_771736366296344_9213228940402918437_n

13012592_771688149634499_4503368586770775002_n

13010849_220130281694505_8596276491856650916_n

13010842_771737769629537_6641271933882651235_n

13006640_220130818361118_5442477461524985058_n

13006617_771710656298915_7294586918247537056_n

13006491_771698819633432_7830768783104330100_n

13006490_220130115027855_814538441960363042_n

13001153_220120438362156_7905598698697540644_n

13001068_220121141695419_7478719325752323323_n

13001050_220130455027821_1977613098960543398_n

13000321_220120908362109_6672601365368140545_n

13000319_220130551694478_5817944222898857491_n

13000198_220120248362175_8329332173022173159_n

13000121_771722286297752_6175992037874701008_n

12987185_771710909632223_783320250414409029_n

942248_771735019629812_9125496943957319295_n

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.