Wararkii Maanta ee Wargeyska Warsugan Media Group

0
433

 

Daahir Rayaale Kaahin Oo Ka Sheekeeyey Qaabka Xukuumaddiisu U Maarayn Jirtay Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Iyo Xiisadda Qabyaaladda

 

 

“Xisbiyadda Haddii Shaadh Qabyaaladeed Loo Galiyo, Sheekaddu Qabiilka Ayay Dib Ugu Noqonaysaa.Xisbiyaddu Ummadda Ha Ku Hoggaamiyaan Xisbinnimo…”Daahir Rayaale Kaahin

 

 

Boorama-01-October-2019-(Warsugan)-Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayaa waxaa uu ka hadley tabashada reer Awdal ka qabaan saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo qaabkii uu xalin jiray arintaasi wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa.Islamarkaanna wuxuu xisbiyadda kula dardaarmay inay ummadda ku hoggaamiyaan xisbinnimo, balse aanay ku hoggaamin Qabiil.

Madaxweynihii horre ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu sheegay in qabyaaladdu marayso meel aad u daran.

 

 

Madaxweynihii horre wuxuu sidan ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishinka Sahan, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Tabashaddu maalinbaa meel bay maraysaa, Laakiin waxa la tabbanayo in la waddahadalo oo la wadda-fadhiisto miiska ayay u baahantahay, xalnaa loogga gudbo, wixii maanta la qabanayo la qabto, wixii maanta aan la qabanaynaa berri loo maro.”Ayuu yidhi Daahir Rayaale

Sidoo kale, wuxuu Rayaale carrabka ku dhuftay in saami-qaybisigga Kuraasta Baarlamaanka ku waddeen awood xisbinimo “Annagu xisbinnimo ayaannu ku wadnay oo waxaad moodaa in laynkii xisbinnimadda laga baxay oo taasi ay waxyaabbo badan keentay. Marka xisbinnimadda ha lagu noqdo ayaan leeyahay”Sidaa ayuu yidhi Rayaale

 

Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynihii hore Somaliland wuxuu ka hadley saamaynta xiisada qabyaalada aloonsan“Qabyaaladdu waa wax innagu tallaalan oo ilaahay dadkan ku tallaalay. Laakiin mid uun baan odhan lahaa oo xisbiyadda waxa aynnu u samaysanay in aynnu qabyaaladda kaga baxno. Xisbiyaddu maba’diida ay wax ku raadinayaan maba’dii xisbi ha noqoto oo ayay noqonin maba’dii Qabiil, taasbaa mustaqbalka fog lagaga bixi karraa qabyaaladda. Laakiin haddii shaadh qabyaaladeed loo galiyo xisbiyadda marka sheekaddu qabiilka ayay dib ugu noqonaysaa.Marka waxaan xisbiyadda odhan lahaa xisbinnimo ha ku hoggaamiyaan ummadda oo ayay Qabiil ku hoggaaminin.” Ayuu yidhi Rayaale

 

 

“Cid Nolosha Lagu Gubo Waxa Innoogu Dambeeyey Nebi Ibraahim, Farmaajanna Wuxuu Sawir La Galay Nin Dadkeenna Nolosha Ku Gubay….”Faysal Cali Waraabe

 

“Geelle Dhex-dhexaad Kama Ahaa Waddahadaladda Somaliland Iyo Soomaaliya…”

 

 

Hargeysa-01-October-2019-(Warsugan)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali  Waraabe, ayaa kulan dalka Maraykanka ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Sarkaal Tuke oo horre xasuuq gubid ah ka gaystay Gabilay ku tilmaamay cadawad Farmaajo u qabo reer Somaliland. Islamarkaanna wuxuu carrabka ku dhuftay Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in aannu ahayn shaqsi daacad ka ah waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sidda ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishinka Horn Cable Tv, waxaannu ka xisbi ahaan tilmaamay in waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya bilaabi doonnaan marka la helo madax la soo doortay oo miirqaba.

 

Guddoomiye Faysal oo arrimaha ka hadlayaa wuxuu yidhi “Waxan uu sameeyey, markii horrena aynnu ogayn innuu xooggiisa saaray inuu Somaliland curyaamiyo kii oo aan lahayn awood uu ku curyaamiyo. Maantanna uu ninkii  dadka nolosha ku gubay in qof la gubbo waxa innoogu dambaysay Nebi Ibraahim oo la damcay in la gubo tuke taasu samayn jiray. Marka taasi waxay inna tusaysaa labba arrimood oo ninkaasi ku dheel-dheelayo oo innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu inna leeyahay ma jirtaan inagii xasuuqa la innagu sameeyey. Ta kalenna raggii isagoo 21 maalmood joogay ee doortay ee yidhi Madaxweyne noqo oo uu shalaynaa u diidayay inay Kismaayo taggaan.”Ayuu yidhi Faysal Cali

 

Sidoo kale, Faysal wuxuu tilmaamay in Farmaajo maalin walba Ismaaciil Cumar Geelle ka baryo in la waddahadashiiso Somaliland “Farmaajo maalin walba wuxuu la soo hadlayaa Geelle oo uu leeyahay annaga iyo Somaliland haannu waddahadalno.Haddaba annaga siyaasaddaydda xisbiga Ucid waxay tahay iyo bulshadda reer Somaliland la fadhiisan mayno isaga iyo qayrkiibba.Wadahadaladda Somaliland iyo Somalia marka yimaadaan dad miirqabba oo la soo doortay oo garanaya xaqiiqadda maanta taagan, oo waan ku jirin aarsi iyo qabyaalad cunsuriyad ah maalintaas baannu la fadhiisanaynaa Soomaaliya.”

 

Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Jabuuti ku tilmaamay shaqsi u xagliya dhinaca Muqdisho, islamarkaanna aan dhex-dhexaad ka ahayn waddahadaladda Somaliland Iyo Soomaaliya “Ismaaciil Cumar Geelle waxaan u sheegayaa in annaga iyo Soomaaliya aanan shir ku qabsanayn Jabuuti, waxaannu qabnaa in aannu Ismaaciil daacad ka ahayn arrintayadda oo Muqdisho ayuu ku xidhanyahay oo Somaliland ma oggolaa.”Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

 

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadlay Shir Ganacsi Oo Ay Ka Baxeen

Hargeysa-01-October-2019-(Warsugan)-Wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa sheegay in aanay ka qayb-gelin shirkii Ganacsi ee ay u tageen dalka Turkiga oo lagaga hadlayay arrimaha Ganacsiga, islamarkaanna ay ka soo qaybgaleen 43 dal oo afrikaan ahi.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo warbaraahinta kula hadlay caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa sheegay in shirkaasi iska bedelay qaabkii waddeen oo isu-bedelay shir siyaasaddeed, sidaasinna ay uga joogeen ka qayb-galkiisa.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahan ka hadlay wuxuu yidhi “Casuumad baannu ka helay hay’addo ka mid ah hay’addaha degan waddankan Turkiga, casuumadda waxa ku saxeexnaa ilaa Toddoba hay’addood oo ahaa hay’adaha ugu waawayn Turkigga iyo wasaaradda Ganacsiga iyo Maayarka magaaladda Ankarra.Markii aannu helay kaadhkii waxaannu u gaynay safaaradda ama qunsulka degan Somaliland oo dukumantigii wuu naga eegay si ixtiraam leh buu nooga qaaday oo aad iyo aad buu inoogu farxay in aannu hawlahaa qabbanno.Kaadh casuumadeedka waxa ku qornaa ama nalagu soo wargeliyay in sadex iyo afartan dal oo afrikaan ahi meesha isugu imanayaan oo ay qabanqaabinayaan niman maalgashayaal turki ahinna waddan.”Ayuu yidhi Jamaal Caydiid Ibraahim Waxaannu raaciyay Hadalkiisii “Arrinkaas oo aannu u soo diyaargarownay annagoo is leh dhinacyo badan oo ganacsiga khuseeya oo ah maalgashigga oo shuruucaha maalgashiga oo dalkeenna wax badanni ka diyaaryihiin, nabadgeliyadda dalka ka jirta, ganacsiga faraha badan ee ka jiraa iyo iibka turkiga wax laga soo iibsaddo oo aynnu u badannahay iyo qoddobo badan oo aannu is lahayn waad ku soo jiidanaysaan baannu halkan (Turkiga), la nimmi.”

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, wuxuu tilmaamay in shirka laga leeyayay majarihii Ganacsiga oo loo leexiyey majarro siyaasadeed oo isugu jirra Madaxda Soomaaliya iyo Wasiiro“Turkiga markii aannu nimi waxaannu halka ugu nimi shirkii oo weji kale yeeshay, shirka waxaannu ugu nimi madax Soomaaliyeed, wasiiro joogga oo annaga ballankayagu wuxuu ahaa  in aannu shirkaasi shir siyaasiya ahayn.“Haddii uu shir siyaasiya yahay in annagunna cidbaannu u lahayn oo siyaasadda dawlad baa noo qaabilsanayd, waannu ka waddatashanay wasiirka ganacsiga oo waa nagu soo boggaadiyay oo waa nasoo amba-bixiyey. Haddii wasiirro iyo Madaxweynayaal imanayaan annagunna ku wayga ayaannu wargelin lahayn.Laakiin markii aannu aragnay wajiggaa inuu wejiggii ka bedelmay ganacsiga ahaa oo uu weji siyaasadeed yeeshay, waxaannu go’aansanay annaga oo waddatashi badan ka yeelanay iyo sahamin aannu shirka laftigiisa sahaminay inuu shirkaasi noqday  mid aan miqaamkayaga iyo miiqaamka dalkayaga midna aan ku wajahnayn waxaannu go’aansanay in aannu shirka dibadda ka joogno.”Ayuu yidhi Jamaal Caydiid Ibraahim

 

Suldaan Maxamed Oo Ka Dareen Celiyey Hadal Xanaf Leh Oo Lagu Duray Madax-dhaqameedka Somaliland

 

“Madax-dhaqameedku wuxuu ka shaqeeya Nabadaynta Iyo Isu-wadka Bulshadda…….” Suldaan Maxamed Sul. Axmed

 

Hargeysa-01-October-2019-(Warsugan)-Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo ka mida Salaadiinta Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Gudoomiya Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay inay madax dhaqameedka iyo Salaadiinta reer Somaliland aanay haynin shaqadoodii,  isla markaana ay ka shaqeeyaan xasarada iyo isu-dirka beelaha Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed wuxuu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Badda-cas 24, wuxuunna tilmaamay inuu xildhibaankaasi garaadkiisa hadla,  isla markaana madax dhaqameedku uu door wayn ku leeyahay dib-u-dhiska dalka iyo nabadaynta walaalaha.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo arrimaha sharraxaad ka bixinaya wuxuu yidhi “Madax dhaqameedku door wayn ayay ku leeyihiin bulshada, dib-u-dhiska, nabadaynta iyo isu wadka ummada ayuun-bay ilaa wakhti dheer ka soo shaqaynayeen intii ay jireen-baa oo qarniyo gaadhaysa, xildhibaan Kaahin waa qof bani’ aadaama oo rayigiisii uun buu hadlay doorka madax dhaqameedkuna maaha mid la inkiri karro, waa isu-dirayaal in la yidhaahdana ma qabato madax-dhaqameedka Somaliland.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Axmed

 

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay xeer ay isla qaateen Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka oo lagu xakamaynayo madax dhaqameedka “ Marka horre arrintu waa go’aan Golle marka uu goluhu arrintaa wax ka yidhaahdo, waa hawl guurtida u taalla. Laakin annigu ma qabo inay tahay arrin halkaa sii dhaafaysa,  wuxuun baan u arkaa inay tahay arrin nin Xildhibaanni ka dhex yidhi golaha oo aan sidaa u waynayn”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed

 

“Dalka Waa In Loo Kala Qaybiyo Waaxda Barriga Iyo Waaxda Galbeedka……” Xuseen Deyr

 

 

Hargeysa-01-October-2019-(Warsugan)-Xuseen Aadan Deyr oo soo noqday Afhayeenkii iyo wasiirkii Ganacsiga xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu magaaladda Burco u raro qaar ka mid ah Wasaaradaha buux dhaafiyay caasimadda dalka ee Hargeysa. Islamarkaanna miisaaniyadda qarranka loo kala qaybiyo laba qaybood oo sannadka ka ugu horreeya laga dhiggo 25% oo hay’ad kasta fadhiisato Burco.

 

Xuseen Aadan Deyr wuxuu farriintan dhexmariyey Telefishinka Saab, wuxuu tilmaamay in dalka loo kala qaybiyo laba waaxood oo kala ah Galbeedka iyo Barriga.

 

Xuseen Deyr oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Talo ahaan waxaan Madaxweynaha Qarranka u soo jeedin lahaa 28-kii sannood ee inna dhaafay way inna dhaafeen, wixii la qabtaynaa waa la qabtay oo qarranku itaalkiisu soconayaa in Madaxweynuhu ku noqdo xukuumaddiisa oo qorshe cad oo lagu hawl-gallo loo sameeyo saddexda Gobol ee berriga. Annigu talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa hay’adaha dawladda ee halkan (Caasimadda) is-dul buuxiyey qaybo ka mid ahi degaan magaaladda Burco oo adeeg gaadhsiiyaan saddexda Gobol barriga.”Waxa dhici karta in umadda jamhuuriyadda Somaliland in ay filayaan inuu dalku isu mid yahay oo halka horumarka isu mid yahay, waxa muuqta in saddexdii gobol ee galbeedku inay aad uga horumareen saddexda gobol ee Galbeedka.”Ayuu yidhi Xuseen Deyr

 

Sidoo kale, Xuseen Aadan Deyr wuxuu tilmaamay in dalka loo kala qaybiyo laba waaxood oo kala ah Galbeedka iyo Barriga“Haddii 28-kii sannood ee u dambeeyey haddii miisaaniyadda xukuumadda dhexe in madaxweynuhu eeggo in miisaaniyadda qarranka loo qaybiyo labba oo sannadka ugu horreeya 25%  hay’ad kasta oo xukuumadda ka mid ahi ay magaaladda Burco fadhiisto oo dalka loo kala qaybiyo waaxda barriga iyo waaxda Galbeedka.”Sidaa ayuu yidhi Xuseen Deyr

 

Nin 17 Sanno God ku dhuumanayay Oo Nolol Lagu Qabtay

Bejin01-October-2019-(Warsugan)-Ninkan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ugu danbeyntii gacanta lagu dhigay kaddib muddo 17 sanno ah oo uu God uga dhuumanayay ciidamada Booliiska dalkaas oo ku raad joogay.

 

Song Jiang oo hada 63-sano jir ah ayaa mudo 17-sanno ah ku dhuumanayay  god yar uu ka dhex samaystay dhul buuraley ah , waxaana ninkan sannadkii  2002-dii uu ka baxsaday xabsi uu ku xidhnaa .

 

Ninkan ay soo qabteen ciidamada booliiska dalka Shiinaha ayaa mudo 17-sanno iska ilaalinayay in uu arko qof bani’aadam ah, waxaana ninkan uu ku noolaa god yar oo buuro ku hareeraysan, waxa uuna ninkan sannado badan ku noolaa calleenta geedaha iyo biyo.

 

Booliiska dalka Shiinaha ayaa soo qabashada Jinag iyo helida xogtiisa u adeegsaday diyaarado aan duuliyo laheyn, kadib markii  booliska horraantii bishan heleen war sheegaya in ninkaas uu ku nool yahay godka ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed  Shiinaha.

 

Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ninkan markii la soo qabtay awooddi waayay in uu hadlo maadaama sannado badan aannu dad arag, waxaana Song Jiang mar kale dib loogu celiyay xabsigii uu 17-sanno ka hor ka soo baxsaday.

 

Qarax Lala Eegtay Ciidammo Talyaani Ah Oo Ku Sugan Muqdisho

Muqdisho-01-October-2019-(Warsugan)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qarax ismaadiin ah lala eegtay ciidamo Talyaani ah oo marayay waddo ku taal halkaas.

 

Ugu yaraan 1 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxaas halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen markii weerarka lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen militariga Talyaaniga.

 

Warar ayaa sheegaya in markii uu qaraxa dhacayay in ciidammada Talyaaniga ay kasoo baxeen xarunta Xalane, waxay ku wajahnaayeen xarunta wasaaradda gaashandhigga.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya mid kamid ah Gawaadhidii ay wateen Ciidamada Talyaaniga dab-qabsaday . Islamarkaanna Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya  joogoayaa la sheegay in tababar siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.