Xil. Siciid Cilmi Rooble Oo Sheegay In Xeerka Bangiyada Ganacsiga Ee Dooda Xaasaasiga Ah Abuuray Ay Hor Taagan Yihiin Bangiyada Maxalliga Ah
“Waddanka Waa La Aaminayaa, Afaafka Citiraafka Weeye, Shirkaddina Maalgashan Mayso Waddanka Haddaan Baan Ajannabi Ah Oo La Aqoonsan Yahay Joogin,” Xil. Siciid
(Hargeysa Cadadkii 31aad ee Wargeyska Warsugan) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ku dooday in xeerka bangiyada ganacsiga ee golaha hor yaala oo la ansixiyaa qayb ka noqon doono citiraafka iyo horumarka Somaliland. Waxa uu ku dooday in shirkaddaha hannaanka bangiyada u shaqeeya ee Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank yihiin kuwa hor taagan in la meel mariyo xeerkaasi, waxaanu ku dooday inay diidan yihiin in baanan kale waddanka yimaadaan. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ganacsatada baananka lihi doonayaan in umaddu u xidhnaato oo dabaqado kala sarreeya la noqdo.
Xeerka bangiyada ganacsiga oo waafaqsan hannaanka reer galbeedka ayaa mucaaradad adag kala kulmay Culimada Somaliland oo ku talisay in la joojiyo kadib markii la sheegay inuu waajibinayo dulsaar ama ribo la dul dhigayo qorka lacagta la ammaahiyo. Xeerkan oo ugu yaraan 6 sanno ka mid ahaa ajandeyaasha golaha ayaa wakhtigan waxaa in la ansixiyo mooshin ku keenay 21 xildhibaan, halka tiro yari ka soo horjeedo ansixintiisa, islamarkaana fadhigii u dambeeyay buuq hadheeyay.
Xildhibaan Siciid wuxuu ugu horayn sheegay inuu dalka shaqo abuur iyo horumar u horseedayso bangiyo ganacsi oo dalka yimaada marka xeerkan la sameeyo, islamarkaana ay ka saareen wixii ribada ahaa una bedeleen khidmad yar oo qofka la dulsaaro marka lacag la ammaahiyo “ Dhalinyaradaa ka shaqaynaysa, hawshaa badanaysa, salla calee waddanka waa la aaminayaa, afaafka citiraafka weeye, shirkaddina maalgashan mayso waddanka haddaan baan ajannabi ah oo la aqoonsan yahay joogin,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.
Geesta kale xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu eedeeyay bangiyada maxalliga ah ee Somaliland ka jira oo uu ku tilmaamay kuwo hor taagan ansixinta xeerkan iyo in dalka bangiyo yimaadaan “Mid kale ayaan idiin sheegayaa, waxaan idiin sheegayaa labadan ban ee Salaama ban iyo Dahabshiil ban; ma waxaad moodaysaan in iyagu adduunka toos ay ugu xidhan yihiin? May, kuwaas ay inaga xidhayaan ayay la maraan oo macaamilaan. Kuwaas ay inaga xidhayaan ee ay leeyihiin Ribo ayay sameeyaan, ribaa la soo wadaa ayuun bay la macaamilaan uun, iyagaa ribada dabeeto lagu siiyaa oo qaata, inaguna halkan waxaxynu odhanaynaa Salla calee. Hadda ma maqlaysaan midhkaa Caalamka toos uguma xidhna, baanan ajanabi ah ama Mid Ingiriis ah ama Faransiis ah ayay sidaas dunidu ula macaamisho ula macaamilaan. Markaa Aayadna waad akhriyaysaa Aayadna waad ka tagaysaa,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa uu sidoo kale mudanuhu ku dooday in bangiyada sharcigan golaha hor yaalla diidani saamayn ku leeyihiin golaha wakiillada si loo joojiyo xeerkaasi “Dahabshiil bank iyo Salaama bank ayaa hor taagan, golihiina iyaga laftooda ayaa hagaya ilayn xukumaddii ka weynayd ayay hagayaane. Waxa meesha ku burburay dantii shacbiga iyo umaddii faraha badnayd ee danlayda ahayd ee Illaahay iyo xukumadda iyo golahooda arrin ka sugayay ayaa meesha ku baaba’ay.”
Dhinaca kale xildhibaan Siciid Wuxuu bulshada Somaliland u diray farriin ah inaanay xeerka ku jirin wax ribo ah “ Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa haddii la idin odhan doono, ama khudbaddaha jimcaha ha lagu soo qaato ama meel kale tororog ha laga yidhaahdo e haddii la idin odhan doono Ribo ayaa la doonayaa, Shacbiga Somalilandnow waa been. Xeerkii waanu ka bedelnay, waxaanu ku qornay Khidmad. Khidmadi waa adeeg. Ninka leh khidmadi waa xarraanow kaalay. Bangiyadaas haddaynaan keenin 50 sanno oo dambe ayaynu halkaas ku xidhnaanaynaa, waxaanan ka baqayaa inaynu kala noqono dad Xamaaliin ah iyo dad Bilyan dheer ah. Dabaqado maynaan lahayn reer Somalilandnow, waxaynu ahayn dad isku nool, ka madaxweynuhu dhalay, ka ninka ugu taajirsani dhalay iyo ka aan waxba haysani isku iskuul ayay ahaan jireen, sina way u wada socon jireen, barriisna way wada cuni jireen, nidaamka Somaliland kaas ayuu ahaa. Xukumadda lafteedu qayb ayay ka tahay in dalkani dabaqado noqdo.”
Ugu dambeyn xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu ku dooday in ansixinta xeerkani wax weyn ka tarayso qiimaha miciishada Somaliland oo hoos u dhaca, islamarkaana xoolaha ay bulshadu dhoofiso loo heli doono suuq fudud. Waxa uu sheegay in shuruucda caalamiga ah ee Somaliland aqoonsan tahay ay dhiiri galinayaan bangiyada hay’addaha caalamiga ah.