WARARKA MAANTA EE WARGEYSKA WARSUGAN,Culimadeenna Badankoodu Waxay U Badaleen Shareecadii Inay U Isticmaalaan Baayac-Mushtari,” Boqor Buurmadow

0
410

“Culimadeenna Badankoodu Waxay U Badaleen Shareecadii Inay U Isticmaalaan Baayac-Mushtari,” Boqor Buurmadow.

“Culimadu Kama Hadasho Adeegyada Zaad iyo E-Dahab Oon Shareecadu Ogolayn Waayo Saamiyo Ayay Ku Leeyihiin,” Buurmadow”

(Hargeysa Cadadkii 31aad ee Wargeyska Warsugan) Boqor Cismaan Buurmadow, ayaa si kooban uga hadlay xeerka bangiyada ganacsiga ee wakhtigan xiisadda ka abuuray Somaliland, waxaanu eedo salka ku hayo lacag jacayl dusha ka saaray culimada oo uu ku tilmaamay kuwo Diinta lacag qaali ah ugu khidmaynaya. Waxa uu sheegay in barashada diinta iyo ku garnaqidda habka diinta Islaamku tahay lacag badan oo culimadu dadka ka qaado.

Boqor Buurmadow oo bartiisa internetka Facebook ku baahiyay qoraal uu arrintan kaga hadlay ayaa ugu horayn ka hadlay xeerka culimadu sheegtay inuu sharciga Islaamka khilaafsan yahay waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan wax yar ka idhaahdo buuqa ka cusboonaaday baarlamaanka iyo culimada qaarkood, marka hore dad islaama baynu nahay ma difaaci karno ribo shareecadu diiday. baarlamaanka isagana waxaan usoo jeedinayaa inay hubiyaan waafajiyaanna xeerka ay wadaan shareecada islaamka.”

Geesta kale Boqor Buurmadow wuxuu ku dooday inaanu rumaysnayn in culimada naqdiyaysa xeerkani ahayn kuwo ku foogan ilaalinta sharciga Islaamka balse ay iyaga laftooda dano dhaqaale jiiteen“Dhanka kale anigu uma arko culimo u danaynaysa shareecada islaamka. waxaan qabaa duunyo ribo in la saaro waxaa ka xun in Diinta ribo la saaro. culimadeena badankoodu waxay u badaleen shareecadii inay u isticmaalaan baayac-mushtari.”

Mudane Buurmadow wuxuu is barbar dhigay culimaddii wakhtiyadii hore kuwa hadda cilmiga diiniga ah leh “Anigu waxaan ahaa ragii la soo koray xarakooyin iyo dacwada cusub, sidaanu ku bilaabnay iyo hadda saaxiibadaydii siday wax u wadaan wax aad u kala fog weeye, xarakooyin ku bilaabnay eedaha ugu waawayn ee ay culimadeena qaadiriya iyo saalixiya kula doodi jireen waxay ahayd inay iibinayaan shareecada oo ay ku shaqaysanayaan . kudarso oo culimadaasi inanka marka Qur’aanka u dhameeyaan saddex sanno ama afar sanno ka bacdi ayay qaalin ka qaadi jireen ama qoon ay xaqeen bay shilin ka qaadi jireen. culimadeena casriga ah kolkay kuwaas saaxadii ka saareen inanka bishii 20 doolar ama 30 doolar hadaanu bixin way eryaan bisha kawdeeda. taasi waxay khilaafsan tahay manhajkii rasuulka SCW oo maydhicin wakhtigii rasuulka iyo saxaabadii iyo taabiciintii oo kafakhri badnaa qof wax la aan malcaamadii looga eryey,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Dhinaca kale Boqor Buurmadow wuxuu walaac ka muujiyay qiimaha culimadu khilaafka bulshada ku xalliyaan “ Waxaa marag madoon ah maxkamadaha shareecada ee ay gacanta ku hayaan kuwaynu nidhaahno way inoogu cilmi badan yihiin maxkamadaha dawladu masameeyaan waxay sameeyaan culimadu. ficilkii iigu yaabka badnaa ee aan ujoogay nolashayda hagarbay ama xaquqalin waxay ahayd maxkamadda ay waayeelka ka yihiin shiikh Dirir, Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo shiikh Cismaan Laangadhe waxay u garnaqayeen oo aan u keenay ganacsato isqabatay oo ahayd kuwa maxsharada xoolaha, waxaan fajacay markay yidhaahdeen ilaa aad bixisaan qolo waliba 20,000$ doolar sidaas goobtii waxay ku qaateen 40,000$doolar(afartan kun oo doolar daqiiqado gudahood). Shiikhyadan waxay ahaayeen kuwii xaaraamayn jiray Hagarbayga cuqaashu qaadato.”
Waxa uu tilmaamay in Adeegyada diiniga ah wakhtigan dulsaar badan la saaro “Ribada ugu badan hada waxay saaran tahay diinta islaamka maadaama culimadii ganacsato sheerar badan kuleedahay shirkadaha. kama hadlan Zaadka iyo Edahabka wax lagu iibsado. Waxa shareecadu banaysay in lagu kala iibsado dahab, fiddo iyo lacag naqad ah, sidaa awgeed shareecadu mabanaynayso lambaro aan jirin oo tignoolajiyada casriga ah ku shaqaynaya oo ku xidhan kumbiyuutarada oo khalkhala marna culimadu kamahadlin waayo? Sheerarbay ku leeyihiin. waxaynu ognahay dhiiga soomaaliya kadaadanaya waxa lagu daadinayaa shaadh culimo iyo ganacsato. waxa ugu wayn ee la doonayaa dalku inuu u xidhnaado ganacsato iyo culimo oo aan rabin in cidkale soo gasho saaxada. waxay eryaan baanankii caalamiga ahaa ee dalku kadhigi lahaa sida Taywaan(Thaiwan) oo kale shacabka waxaan usoo jeedinayaa inaan lagu khaldamin.”