Wararka Maanta ee Wargeyska Warsugan Wasiir Ku Xigeenka Amniga Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Beeniyey Baasaabooro la sheegay in Wasiir Waran Cade Siiyey Dad Aan Muwaadiniin Ahay, Markalena Digniin U Diray Dadka Ajaanibka

0
289

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Beeniyey Baasaabooro la sheegay in Wasiir Waran Cade Siiyey Dad Aan Muwaadiniin Ahay, Markalena Digniin U Diray Dadka Ajaanibka

(Hargeysa Cadadkii 31aad ee Wargeyska Warsugan)Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Canbaro) oo si wada jira shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay warar warbaahinta qaarkeed baahisay oo sheegay in Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade uu baasaaboorka somaliland siiyey shaqaale ajaaniba oo ka shaqeeya gurigiisa, waxaana arintaasi daa dafeeyey islamarkaana waxba kama jiran ku tilmaamay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxaana uu xusay inan wararkaasi waxba ka jirin islamarkaana ay yihiin warar ka fog xaqiiqada sidoo kale waxa uu balan qaaday inuu sharciga la tiigsan doono warbaahinti warkaasi baahisay loogana baahan yahay cadayntiisa Taliyaha Laanta Socdaalka waxaa ka mid ahaa hadaladiisii sidan “ Warkaas ay ku qoreen jariirada wuxuu sheegayaa war aan sal iyo raad toona lahayn in wasiirka daakhiliga ama wasiirka arimaha gudaha uu siiyey Baasaaboor dad aan sharci u lahayn taasina ma dhicin mana dhici doonto qofka muwaadinkaa ee somalinaderkaa ee xaqa u leh ayaa la waydiiyaa aqoonsi ilaa ay gaadhay heer wasiiro soo doontay lagu yidhi la kaalay aqoonsigaaga ama warqadada diiwaan gelinta oo xaqiiqa markaa qof aan lahayn diiwaan gelin ama kaadhka muwaadinka ma siino mana dhacdo, waxaan filayaa inaan sida sharcigaa u wada dhaqmi doono meesha uu warkan ka keenay xaqiiqdiisana raadiso xeer ilaalinta qarankana aan u gudbin doono “.

Dhanka Kale Wasiir ku xigeenka Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay saarista dadka ajaanibkaa ee aan wadana Somaliland u dhalan isagoo tix raacaya qodobadii ay dhawaan soo saartay xukuumada Somaliland oo mid kamida sheegayey in dadka aan u dhalan somaliland dalka kaga baxaan mudo soddon cisho ah hadii kalena ay qaataan sharciga waxaana wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa” Dadka la saarayo bill baynu siinay ee ka baxaya meesha ee kafiil lahayn ee dadka iska jooga ama tahriibayaashaa waxaanu leenahay bishaa gudaheeda waa inay ku diyaar garoobaan dhammaanba ciidamada goobaan u cayimi doonaa dadkaasi laga qaadi doono layska eryan maayo uun haka digtoonaadaan dadkaasi waxaynu dib ugu celinaynaa halkii ay kasoo galeen waxaynu sheegnay in irridaha dalka laga soo galo laguna soo geli karo”.

Dhankastaba ha ahaatee waxaa mudo koobani ka hadheen wakhtigii Xukuumada Somaliland u qabatay dadka ajaanibkaa inay kaga baxaan wadanka, waxaana laga war dhawrayaa marka uu dhamaado wakhtigaasi talaabada ay qaado xukuumada somaliand iyo hay’addaha ay khusayso saarista ajaanibku.