WARARKA MAANTA EE WARGEYSKA WARSUGAN Culimada Somaliland Oo Mar Kale Ka Digay Ansixinta Xeerka Bangiyada Ganacsiga Oo Dood Xaasaasi Ah Ka Abuuray Golaha Wakiillada

0
581

Culimada Somaliland Oo Mar Kale Ka Digay Ansixinta Xeerka Bangiyada Ganacsiga Oo Dood Xaasaasi Ah Ka Abuuray Golaha Wakiillada

“Sheekh Dirir Oo Bulshada U Akhriyay Talooyin Nasteex Ah Oo Culimadu Siinayso Wakiillada iyo Ganacsatada”
(Hargeysa Cadadkii 31aad ee Wargeyska Warsugan) Culimada ugu miisaanka culus Somaliland gaar ahaana Hargeysa ayaa golaha wakiillada iyo ganacsatada mar kale uga digay in la meel mariyo xeerka bangiyada ganacsiga oo golaha wakiillada horyaalla. Xeerkan oo jidaynaya hannaanka reer galbeedka ee Dulsaarka leh ayaa culimadu ku tilmaantay mid cidhib xumo u keenaya dalka iyo dadka Somaliland sidaasi darteedna ay tahay in laga fogaado. Warbixin 7 bog ah oo culimada iyo guddi goluhu xeerka u saaray ayaa golaha wakiillada dorraad buuq ka abuurtay kadib markii badi mudaneyaashu dooneen in la ansixiyo xeerkaasi.

Sidaasi darteed ayaa culimada ay ugu horreeyaan Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Almis Yaxya iyo culimo kale oo miisaan lehi shir jaraa’id ku qabteen shalay Hargeysa, islamarkaana nasiib darro ku tilmaameen buuqa warbixintooda ka dhashay iyo rabitaanka mudaneyaasha ee ah in la ansixiyo xeerkaasi, waxaanay golaha ku boorriyeen in xeerkaasi daaqada laga tuuro.

“Waxay Culimada ugu waaweyn Caasimada ama guud ahaan Somaliland isugu yimaadeen inay ka dareen celiyaan xeerka ka ganacsiga hawlaha baananka oo muddo dheer hor yaallay golaha, kalfadhiyadii isaga dambeeyayna ku jiray. Sanadkii 2014 dayabaaqadiisii waxaa shir isugu yimid guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Cirro iyo culimada, waxaana la isla qaatay in guddi golaha wakiillada ka tirsan iyo guddi culimo ah loo diro oo ay soo axadhaan xeerka golaha hor yaalla, kadib culimadu iyagoo xeerkaasi u bandhigaya shareecada Islaamka, dastuurka qaranka, iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla ee xeerka bangiga dhexe ka mid yahay, waxay culimadu soo axadheen oo u soo gudbiyeen guddidii golaha wakiillada ka tirsanaa ee ay hawsha ku mataanaysnaayeen, guddidii wakiilladuna waxay golaha hor keeneen Shalay(Dorraad) talo bixintii culimada iyo go’aankoodii oo ku lifaaqan in gabi ahaanba xeerkaasi khilaafsan yahay shareecada Islaamka,hase ahaatee waxaa nasiib darro noqotay buuqii ka dhashay golaha wakiillada een dheg loo dhigin nasteexooyinkii culimadu soo jeediyeen iyo nasuustii mid sharci iyo mid dastuurba lahayd ee ay xeerka u cuskadeen” ayaa hadalka Culimada ka mid ahaa.

Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi, oo ka hadlay shirka jaraa’id ee culimada dalka ayaa soo bandhigay ceebaha sharcigan bangiyada ganacsiga iyo qodobada aasaas ahaan khilaafsan shuruucda dalka iyo shareecada Islaamka “ Xeerkan ganacsiga bangiyada markii aanu akhrinay waxaa noo soo baxday inuu ogol yahay inuu Ribo ama Dulsaar kula dhaqmo macaamiishiisa. Waxa qodobada si cad u qeexaya Dulsaarka waxaa ka mid ah qodobka 13-aad farqaddiisa 2-aad iyo farqaddiisa 5-aad oo Dulsaar ku qeexaya in loola jeedo in Daynta qofka la siinayo uu ku soo celiyo dulsaar iyo Ribo, kaas oo si cad u qeexaya inuu ribadii ku macaamilayo. Waxa kale oo dhalliisha uu leeyahay ka mid ah in xeerkani asaaska uu ka ganacsanayaa tahay Lacag kaliya, islamarkaana ay ka reeban tahay inuu ka ganacsado wax kale oo alaab ah, taas oo macnaheedu yahay in lacag aan waxba la galin macaash laga helo, taas oo Islaamku u yaqaan Ribo, waxa kaliya ee macaashka laga ogol yahayna tahay in wax la kala iibsado. Waxa kale oo dhalliishiisa ka mid ah in qodobka 12-aad farqaddiisa 7-aad tilmaamayso in lacagta ammaahda ah ee dulsaarku saaran yahay bangiga ganacsi ku maalgaliyo mashruuc kasta, iyadoon loo eegin inuu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay, xattaa haddii uu khamri iyo mukhaadaraad yahay,” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.
Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa talooyin nasteexo ah u soo jeediyay ganacsatada waddanka iyo mudaneyaasha golaha wakiillada ee xeerka ganacsiga bangiyada wakhtigan hor yaallo “ Shir jaraa’id maanan qaban jirin ee waxa maanta keenay waa in laga digo go’aammada wixii keenaya cidhib xumo ee dadka iyo dalkaba ku keenaya cidhib xumo. Waayo qaraar marka la yidhaahdo wuu ka duwan yahay shay hal mar la fuliyay oo waxaa laga yaabaa qarniyo badan inuu jiri karo. Waxa jiri karta inay adkaato qaraar la dhigay in dib looga codeeyo ama meesha laga saaro, sidaas darteed cidhib xumo ayuu ku leeyahay dalka iyo dadkaba iyo cidda go’aankaas gaadhaba,” ayuu yidhi Sheekhu.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir wuxuu tilmaamay in ribada oo ganacsiga gashaa bulshada wada saamayn doonto sidoo kalena saamaynayso cibaadada qofka muslimka ah “ Dalliilada lagagaga waramay dhibta Ribada waxaa ka mid ah Nabiga NNKH oo sheegay in 36 jeer oo qofku sinaysto waxaa ka daran shilin Ribo ah oo uu cuno. Waxa laga yaabaa qofka haddii la yidhaa 36 jeer ayuu sinaystay in madaxa la qabsado oo la yidhaa muxuu ahaa kan waalan ee waddanka helay laakiin, hal Dirham ama Shillin oo la cuno ayaa ka daran ayuu Nabigu yidhi SCW isagoo miisaanka inoo saaraya.”

Sheekh Dirir wuxuu sidoo kale akhriyay talooyin nasteexo ah oo ay Culimadu u jeedinayaan ganacsatada iyo golaha wakiillada, isagoo tilmaamay muhiimadda xeerka ganacsiga ee bangiyada islaamiga ah “Xeerka goluhu hore u ansixiyay ee ganacsiga bangiyada islaamiga ah waa in golaha loo sharaxo in caalamka loogu shaqo tagi karo, mar aanu eegaynay Internet-ka sideed boqol(800) ban ayaa ka shaqeeya caalamu islaami oo adduunyada la shaqaysta, markaa macnaheedu maaha haddii bangiga Islaamiga la qaato aduunyada ayaa laga xidhxidhmayaa, kan ribadana adduunyada ayaa loo furmayaa, laakiin doorka bangiyada ganacsiga waa in xukumadda, golaha iyo ganacsatada ba loo sharaxo,” ayuu yidhi Sheekhu
Talooyinka culimada ee Wakiillada iyo ganacsatada:

1. Qolada ganacsatada ah waxaanu leenahay xoollihiinu waa xoolahayagii. Waxaynu kala leenahay ma jiro. Xoolaha aad tabcaysaan anaguu na soo gaadhayaa, qaadhaankii baanu idinka qaadaynaa, waddankii ayaa lagu maalgalinayaa, haddii uu xaaraan noqdo anaga kaayagii oo xaaraan noqday ayuu ka dhigan yahay, sidaas darteed waanu soo dhaweynaynaa in Illaahay maal idiin kordhiyo waanan idiinku ducaynaynaa Allena ha idiin barakeeyo. laakiin, waxaanu ka digaynaa maalkii inuu xaaraan noqdo maadaama aanu idinka idinku eeganayne duul-duulkiisu cid walba gaadhayo.

2. Arrintani Somaliland oo kaliya maaha ee waa walaalaha Soomaalida oo dhan. Way na waydiiyaan masalada ribada, marka jaaliyaddaheena dibadda u tagno waxyaabaha ugu badan ee ay ka cabanayaan waa ribada iyo baanankaas ribadu dhibkay ku hayaan, markaa ganacsiga islaamka iyo umaddaa afka Soomaaliga ku hadlaysa maadaama ay is dhexmarayaan oo wada shaqaysanayaan waa in aad looga feejignaado baananka ribada ah. Ribaddii waxay saamaynaysaa Cibaadada oo qofka xaaraan cunaya inaan cibaado laga aqbalayn ayuu Nabigu sheegay SCW.
3. Maanta gaaladii ayaa ka qaylinaysa Ribada oo waxay isticmaalaan wax gunti giijis la yidhaa oo ribadii ayaa dumisay dhaqaalahoodii oo Illaahay maalka ribadu ku jirto wuu baabi’iyaa, meelihii baananka islaamiga ah ee ganacsigu ka shaqaynayeen way sii nool yihiin laakiin, iyagu way dumeen. Ra’isal wasaaraha Ingiriisku wuxuu ku faanayay oo lahaa waxaanu nahay hadda dalkii u horeeyay ee Yurub ah ee ogolaada in Baan islaam ah laga furo, iyagoo taasna faa’iidadii ay ka dareemeen, sidaas darteed maalku wuu inaga dhexeeyaa waxaanu jecelahay in wixii wanaagsan wax kus oo kordhisaan.

4. Walaalaheenna golaha wakiillada waxaanu leenahay waa lagama maarmaan masuuliyadda inaad dareentaan oo masuuliyaddan Illaahay baa idinkula xisaabtamaya umadduna waa eegaysaa. Waxa laga yaabaa raadka aad dhigto maanta in adigoo xabaalan lagugu cadaabo xumaanta uu leeyahay, markaa waa in masuuliyadda la dareemo oo mabaadiida la ilaaliyo. Waxa masaaliixda la yidhaa mabaadiida ayaa ka horaysa, masalan haddii la leeyahay waxbaa ka soo kordhaya dee ribo iyo khamri wixii ka soo kordha haddii mabaadiidii Islaamka lagu duminayo laguma xisaabtamayo sida Qur’aankuba sheegayo.
5. Golaha wakiilladu marka uu doodayo, fikirayo ama go’aammo qaadanayo waa inuu ka duwanaadaa siday umaddaha shisheeye u fikiraan, waayo inagu mabaadii iyo dareen gaar ah ayaynu leenahay, markaa waxaynu mar walba ka fogaanaynaa wixii mabaadiidaas duqaynaya.

Ugu dambeyn Sheekhu wuxuu sheegay inay culimo ahaan bangiyada hanaanka Islaamiga ah qaatay ee dalka ka shaqeeya bulshada u dhimaan qiimaha macaashka ah ee ay saarayaan, islamarkaana fududeeyaan inta macaashka ah ee ay ka siinayaan dadka waxa ay ka iibiyaan. Sidoo kale inaanay maal galin kaliya dadka hantida haysta balse ay nidaamkooda ku daraan hannaan dadka danyarta ah lagu maalgaliyo, sidoo kalena nidaamkooda ay si sax ah u waafajiyaan shareecada Islaamka.