Wararka Maanta ee Wargeyska WarsuganMagacyada iyo Xilalka Masuuliyiin Musharax Jamaal Cali Xuseen U Magacaabay Ololaha Cardiff

0
510

Magacyada iyo Xilalka Masuuliyiin Musharax Jamaal Cali Xuseen U Magacaabay Ololaha Cardiff

Cardiff Cadadkii 31aad ee Wargeyska Warsugan Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Magacaabay guddi u qaabilsanaan doonta ololaha Gobolka Wales Magaalada CARDIFF ee carriga Ingiriiska. Musharax Jamaal ayaa magacaabay 17 xubnood oo isaga u qaabilsanaan doona ololaha jaaliyadda Somaliland ee taageersan xisbiga Ucid ee Cardiff. Jamaal ayaa sidoo kale dhawaan magacaabay masuuliyiin arrimaha dibadda kala talisa iyo ololeeyeyaal Yurub ah.
Magacyada iyo Xilalka xubnaha la magacaabay
1. Gudoomiyaha Kaambaynka ee Cardiff, Mudane Caydaruus Xasan Huriye
2. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Kaambaynka Cardiff, Mudane Axmed Muuse
3. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kaambaynka Cardiff, Mudane Farxaan Xuseen Nabadiid
4. Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Kaambaynka Cardiff, Marwo Saamiya Maxamed Khayre
5. Gudoomiye ku xigeen Garabka Haweenka ee Kaambaynka Cardiff, Marwo Yaasmiin Xasan Aadan
6. Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Kaambaynka Cardiff, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Gambo
7. Xoghayaha Xidhiidhka Kaambaynka ee Cardiff, Mudane Aniis Cabdi Maxamed
8. Madaxa Abaabulka Kaambaynka ee Cardiff, Marwo Aamina Cartan Ibraahim,
9. Afhayeenka Guddida Kaambaynka ee Cardiff, Mudane Cabdicasiis Quule
10. Xoghaynta Guddida Kaambaynka Cardiff, Marwo Suhuur Cabdi Cilmi
11. Kasnajiga Guddida Kaambaynka CArdiff, Marwo Rooda Cabdi Cali
Guddida Musdanbeedka Kaambaynka ee Gobolka Wales Magaalada Cardiff ee Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID
1. Cali Cadceed
2. Cabdi Xaliim Xuseen
3. Cabdiqaadir Huriye
Xaalufka Iyo Nabaad-guurka gobolka KaJira Maanta Dhuxushii Buuraha Ayay Maraysaa “Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka G/Sanaag).
Ceerigaabo(Warsugan) Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka Iyo Reer-miyiga Gobolka Sanaag Xuseen Cismaan (Talaahi) ayaa isagoo ka hadlayey munaasibad magaalada Ceerigaabo lagu soo bandhigay Gaasta dabeeciga ah ee dadku isticmaalaan wuxu sheegay in xaalad ba’an oo xaaluf iyo nabaad-guur ahi kajirto gobolka Sanaag gaar ahaanna dhuxusha ama dhirta la gubayo ay xilligan maayso dhulka buuraha ah. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi
“Duruuf aad iyo aad u adag oo aan jiri-jirin oo xaaluf iyo nabaad-guur adag ah oo aynu ka wada warqabno ayaa maanta ku xeeran gobolkeenna Sanaag oo dhuxusha hadday tahay dhinaca bariga iyo dhinaca galbeedkaba buurta iyo aroorradii bay maraysaa”
Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Gobolkeennu waa gobol fog oo ay kajiraan duruufo badan oo aynu gobollada kale jkaga duwan nahay sidaas darted waxa loo baahan yahay in gacmana lays qabsado sidii sannadka loosoo afjari lahaa
Wuxuna intaas kusii daray “Mashruucan ay inoo keeneen dhallinyarada oo muddada badan debedda kazoo abaabulayey daraasad bandanna ku sameeyey sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag ee ka taagan gobolkeenna Sanaag gaar ahaan magaala-madaxda Ceerigaabo iyo inta kuxeeran qaar hore oo SOMGAS kamid ahayd ayaa ku fashilmay qorshahane waxannu rajaynayaa in arrintani manta wax badan ka tari doonto waxanna farriin u dirayaa dhammaan dadka ku hawl-lan arrimaha xaalufka iyo nabaadguurka”