Wararkii ugu waa weyna Wargeyska Warsugan Media Group ee maanta

0
1218

Liiska Musharixiinta Ugu Cad-cad Tartanka Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Iyo Kulammaddii Xalay Ee Siyaasiyiinta Somaliland

Muqdisho, 28 July 2020 (Warsugan)-Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shalay galay la-tashiyaddii ugu horreeyey ee uu ku soo magacaabayo Ra’iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii maalinimaddii Sabtidda xilka laga xayuubiyey Ra’iisalwasaarihii xukuumaddiisa ee Xasan Cali Khayre oo ay ka coddeeyeen 170 xildhibaan. Islamarkaanna uu Madaxweyne Farmaajo uu si deg-deg ah xilka Ra’iisalwasaaraha si ku-meel-gaadh ah ugu dhiibay ku-xigeenka ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Warar badan oo ka immanaya dhinaca Soomaaliya ayaa sheegay in musharixiin badanni ku sii qul-qulayaan Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya. Islamarkaanna CV-ga aqooneed la waddaagayaan Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta isu-taagay masharaxnimadda Ra’iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisalwasaarihii horre ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu isagu iska casilay xilkan ra’iisalwasaare. Islamarkaanna waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Barlamaanka Soomaaliya xukuumadda kala noqdeen kalsooniddii “Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay. Aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu tudho shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed…mid dhaqaale, amni iyo bulsho ayaan sida ummadda Soomaaliyeed igu baratay, waxaan u noqonayaa tusaale, inaan marna halkan xukun u joogin laakiin aan u joogay inaan shacabka Soomaaliyeed u adeego.”ayuu yidhi Xasan Khayre

Si Kastabba waxa jira magacyo lala xidhiidhinayo cidda bedelaysa Ra’iisalwasaarihii horre ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Magacyadda sidda weyn loo hadal hayo ee xilka lala xidhiidhinayo ayaa ahaa:

1-Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursadde)

2- Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii horre ee Galmudug

3-Cali Maxamed Geeddi ahaanna Ra’iisalwasaarihii horre xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf

4-Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Madasha Xisbiyadda

5-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo  laga yaabbo inuu iska casillo xilka Madaxweynaha  Galmudug

Dhinaca kale, wararku waxay sheegayaan inuu xalay qasriga Madaxtooyadda Soomaaliya uu Madaxweyne Farmaajo ku qaabilay Siyaasiyiin deegaan ahaan ka soo jeedda Somaliland. Islamarkaanna inta badan kula talinayey inuu indhaha ku eeggo cidda u qalanta xilka ra’iisalwasaare si Somaliland loogu waajaho hab-cilmiyeed oo keeni karta in Somaliland ka tannaasusho goosashadeedda.

 

Saylici: 64-jir Cabasho  Toban Jirsatay Ku Ganay Kursigiisi Madaxweyne Ku-xigeen

 

Hargeysa, 28 July 2020 (Warsugan)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa ku baaqay in wax ka bedel lagu sameeyo awoodaha uu dastuurka Somaliland siiyay Madaxweyne ku-xigeenka.Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu xaddidanyahay hawlaha shaqo ee Madaxweyne ku-xigeenku qabto oo aannu hayn meel uu ku gudbiyo wixii tallo iyo fikrad ah ee qaranka u dan ah.

Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu sidan ka sheegay  hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu xusayay toban guurrada ka soo wareegtay markii xisbiga Kulmiye uu talladda dalka ku guulaystay sannadkii 2010-kii.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ku dooday in haddii aan arrintaasi wax ka bedel lagu samaynin in ay tahay caqabad ay la kulmi doonaan qof kastoo soo mara  Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland.

Saylici oo arrimaha ka hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweyne ku-xigeenka dastuurka ayaan wax beden siinin. Waxaan is leeyahay qaranka Somaliland aqoon yahankiisa, iyo marka hawsha dib loo eego.Madaxweyne ku-xigeenka xilkiisa iyo dastuurkiisa, halkaa Madi-nimo ayaa ku jirtee, cid waliba way soo mari doontaaye, in wax laga saxo ayay u baahan tahay”.Ayuu yidhi Saylicii

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannu jirin meel uu ku gudbiyo fikirkiisa iyo awoodiisa “Sababtoo ah, qofka wax kastoo ku jira, meel uu mariyo ma helayo ninka madaxweyne ku-xigeenka ahi.Wax kastoo ku jira, caqli, garraad, wax kastoo maskaxdiisa ku jira, meel uu mariyo ninka Madaxweyne ku-xigeenka ahi ma helayo”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Saylici wuxuu sheegay in distuurka la bedelo oo awood dhammaystiran la siiyo Madaxweyne ku-xigeenka “Sababtoo ah awoodda Madaxweyne ku-xigeenka waxaa qariyay dastuurka. Markaa waxaan leeyahay halkaa inta madinimadda halaga saaro qaranka jamhuuriyadda Somaliland.Dastuurka wax halagaga noqdo xagga madaxweyne ku-xigeenka, danta qaranka ayay tahay. Anigu waaban ka dhamaystay, oo waan ka sii socdaa. Laakiin, ninkastoo halkan (xafladda) fadhiya qaar baa noqon kara, ilmihiinaa noqon kara.Sidii qarankani laba qof oo is-taageertaa, oo tallo iyo tusaale isku biirisaa ay u iman lahaayeen, oo qaranku u dhismi lahaa, halaga wada fikiro” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

 

 

Waabeeye Iyo Samaale Oo Kaftan Isu-Weeraray,  Xilli Uu  Jidkii Rejaddu Kala Leexiyey

 

 

Hargeysa, 28 July 2020 (Warsugan)-Munaasibad uu shalay qabsaday xisbiga talada haya ee Kulmiye oo lagu soo casuumay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland horena uga tirsana Kulmiye, balse wakhti xaadirkan ka mid ah xisbiga mucaaridka ee Waddani iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale,  ayaa hadalo kaftan ah isku waydaarsaday madasha kulankaasi.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo wasiirka maaliyada ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo, isla markaana ka mid ah saraakiisha xisbiga Kulmiye oo ugu horayn madasha hadal kooban oo kaftan u jeediyay xildhibaanka ayaa waxa uu yidhi “Marti sharafta kale ee qiimaha leh ee uu Waabeeye ugu horeeyo, Waabeeye waa Kulmiye mise Kulmiye ayuu ahaa?.  Kaftanka  Axmed baa ku horeeyay, waa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye ayuu ahaa, haddu iska samri lahaa maanta isaga uun baa ahaan lahaa, Axmed raali ahaw”

Intaasi ka dib xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo hadalka lagu soo dhoweeyay ayaa ka jawaabay hadalka Cabdicasiis Samaale, waxaanu yidhi “La iima sheegin sababta, waxaan u qaatay-ba in madaxweyne ku xigeenku gabadh bixinayo markii hore.

Laakiin markaan arkay in munaasibadu ku saabsan tahay muddada ay toban jirsatay xukuumada, Kulmiye taana kamaan nixin oo waa xisbi aan ka tirsanaan jiray, golaha wakiiladana ku fadhiyo, asxaabtiisiina aanu wali isku sii xidhanahay.

Siddeedana xisbiyadu awooda lagu gaadhayo madaxtinimada mooyee cadaawad badani iyo wax badan oo inoo dhexeeya ma jirto.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkana si shakhsiya ayaanu saaxiib u nahay, laakiin waanu yara kala tagnay barri dhoweyd, Cabdicasiis Samaale baa yidhi hadu joogi lahaa, horta Cabdicasiis iyo Xinif way na sii raaceen oo markii hore ina mariya ayay yidhaahdeen, meel dhexe uun bay nagaga soo noqdeen. Marka haddii tiinii ilaahay idiin qarxiyay inaa nagu sii digataan may ahayn”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here