Dawladda Maraykanka iyo Somaliland Oo Washington Ku Yeelanaya Shir Muhiimad U Leh Qaddiyadda Somaliland
Washington (Warsugan) Dawladda Somaliland iyo Maraykanka ayaa shir balaadhan kuwada xusaya 25 guurada ka soo wareegtay gooni isu taagga Somaliland. Kulanka oo 20-ka bisha May ee soo socota ka furmaya magaalada Washington ee caasimada Maraykanka ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa isku xidhka Somaliland iyo dawladda Maraykanka.
Shirkan waxaa ka soo qayb galaya dhinaca Somaliland madax ka socota xukumadda Somaliland, hoggaamiyeyaasha xisbiyada Somaliland, Guddida doorashooyinka, Ganacsatada, jaaliyadda reer Somaliland ee waqooyiga America, halka ay Maraykanka uga qayb galayaan madax dawladda ka socota, ururka mufikiriinta Washington iyo bareyaal sare oo jaamacaddaha wax ka dhiga.
Ajandaha shirkan oo wargeyska Warsugan ka soo xigtay mareegta shirkan oo ah Somalilandconference.com, waxaa lagu sheegay in shirkaasi gudaha Maraykanka kor u qaadi doono astaanta Somaliland, sidoo kalena xoojin doono isku xidhka dawladda Maraykanka iyo Somaliland. Sidoo kalena kulankan ayaa isku xidhaya bulshada Somaliland, iyadoo la kulan siinayo madaxda dawladda, madaxda asxaabta, aqoonyahanka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland ee Maraykanka iyo Canada. Kulankan ayaa sidoo kale la rajaynayaa in laga soo saaro baaqyo, qoraallo loo qoro dawladda Maraykanka iyo in lala kulmo xubnaha Baarlamaanka Maraykanka( US Congress). Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo bandhigi doonaa dhaqanka iyo heesaha Somaliland.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Africa, si gaar ahna dawladda Itoobiya oo geeska Africa ugu awood badani u arkaan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland. Sidoo kalena waxaa lagu falanqayn doonaa siyaasadda khaarajiga ee Maraykanka ee ku wajahan Somaliland iyo Somalia. Waxaa lagu eedi doonaa horumarka dimuqraadiyadda ee Africa, gaar ahaana doorashada 2017 ee Somaliland.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa horumarka Somaliland iyo caqabadaha jira 25-kii sanno ee Somaliland madax bannaanideeda haysatay. Waxaa sidoo kale la eegi doonaa habkii Somaliland u xallisay khilaafaadka iyo nidaamka dal ku dhisan nidaamka dhaqanka iyo dhismaha dawladnimada, iyadoo kale awoodda dhismaha hay’addaha dawliga ah ee la soo doortay. Sidoo kalena sii wadida nidaamka furfuran ee islaamiga ah ee Somaliland ayaa la eegi doonaa sida uu u sii socon lahaa, maadaama ay jiraan ururo laga walaacsan yahay oo aragixiso.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Hay’addaha UN-ka Ee Nairobi Iyo Heshiisyo Uu La Galay
Nairobi (Warsugan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed oo safar shaqo ku jooga Wadanka Kenya gaar ahaan Caasimadda Nairobi ayaa kulamo kala duwan la qaatay Hay’addo caalamiya oo fadhigoodu yahay Nairobi sidoo kalena Agaasimaha ayaa kulamo la qaatay qaarkamida wakiilada dalalka aadka u daneeya somaliland ee iyagu ku sugan Wadanka Kenya.
Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxa uga qabsoomay safarkiisa uu ku jooga Nairobi iyo natiijada kasoo baxday kulamadii uu la qaatay Hay’addaha kala duwan waxaana uu yidhi” Runtii safarkan aan ku imi Kenya ama Magaalada Caasimada ee Nairobi wuxuu la xidhiidhayey lama arimood oo ah buug Hay’addan UN-Habitat la yidhaahdo ay qortay soona bandhigay kana soo qeyb galeen haya’do badan oo UN-ta ah buugaasoo runtii ka hadlaaya gudiga garnaqsiga dhulka shirkaasina ay gudoomiyeen aniga iyo Madaxa UN-Habitat u jooga dalkan Kenya, waxaa kae oo uu daarnaa socdaalkaygan waxaa jirta Mashaariic GPLG la yidhaahdo oo ah maamul daa dejin lagana wado somaliland sanadkii imika ugu danbeeyey ahayd Toban Milyal oo Doolar tii oo maanta la galay sanadkii kale la galay cusboonaysiintiisi oo laba qodob iyaduna usii kala baxaysa shirkaasoo sanad walba dhici jiray bisha 12aad “.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay inay hay’addahaasi soo kala saxeexdeen heshiisyo , waxaana uu xusay inay jiraan 28 qof oo mashaariicda GPLG kala shaqeeya dawladaha hoose ee dalka kuwaas oo ay beryihii u danbeeyey lagala raagay musharkoodii waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu arintaasi oo dhameeyey kala soo hadlay hay’adda haasi UN ta sidoo kalena ay kusoo heshiiyeen in lasii wado mashaariicda GPLG ee maamul daadejinta dawladaha hoose ee somaliland
Hargeysa: “Gaasta Iyo Kabriidka Ayaan Sidaas Isku Daba Wadaa Oo Dabku Haddii Uu Ka Bakhtiyo Cidi Dab Kuma Siinayso” Hooyo La Nool Xanuunka HIV-ga
Hargeysa (Warsugan) Hooyo la nool xanuunka HIV-ga oo degan magaaladda Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujisay takoor uga yimi bulshadda ay la nooshay, iyadoo codstay in laga daayo faquuqa lagu hayo. Hooyadan ayaa haysta ilma yar oo isna qaba xanuunka HIV-ga, isla markaana carruurta iyo dadka degaanka kala kulmay takoor.
Hooyaddan ayaa Warsugan oo ay la soo xidhiidhay siisay waraysi, waxaanay ugu horayn ay ka hadlaysaa takoor uga yimi ehelkeeda “Hablihii aanu walaalaha ahayn way i tuureen, dadkaygina uu i tuuray wax laygu falaa ma jirto waa layska-kay nacay, qof AIDs qaba yaa wax ku falaya ILLAAHIISII abuurtay ayaa og. Dhibaatadu sidaas ayey ii haysaa awlaadii cidlo kagama tagi karaayo sidaas ayaanu isugu duubnahay oo meel ayaanu ku wada bakhtiyeynaa”
Carruurta ay dhashay hooyadani oo qaar ka mid ahi ay caafimaad qabaan ayaa goobaha waxbarasahda kala kulma takoor/faquuq iyo niyad jab “Iskuulkii ayaa laga soo eryayaa oo kolba iskuul cusub markaa carruurtii waxaa ka dhacday mooraal jab in kasta oo ay is adkeeyaan wuxu waa rag waxba iima sheegaan laakiin marwalba iyaga oo ku wada sheekaysanaya oo leh sidaas ayuu kaasi igu yidhi ee aynu midiyo u qaadano oo aan doox dooxno gabigoodaba ayaan marmar ku soo baxaa markaas ayaan ku idhaahdaa hooyo dhiig hayna galinina oo dhibaatada inaga daaya. Carruurti sidaas ayey u dhiban yihiin ilmaha yar ee kale ee xanuunka qaba dartii ayaan ugu sheegaa si ay dhiiga iskaga ilaaliyaan iyo sakiinta. Aniga ayaa cidiyaha ka gura, laakiin macalimiintu waxay yidhaahdaan maxay hooyadaa cidiyaha kaaga gurtaa markaa qaar ayaa ku yidhi way xanuusanaysaa, dabeeto haddii aad cidiyaha iska gurtida iyo hadaanad iska gurin baxsan maysid”
Hooyadan ayaan kala sheekaystay sida ay nafteeda u ilaaliso maadama oo dadkii la jaarka ahaa ay cadaawad ku abuureen iyadda iyo carruurteeda “Halkaa waxaan deganaa sagaal sanadood haddii aan doonayo in aan ficil xun ku dhaqmo jaarka inata igu wareegsan waan wada gaadhsiin lahaa, laakiin ilaaha raxmaanka ah ayaan ka hoos galay in aan umadayda walaalahayga ah iyo carruurta yar yar aan dhibaateeyo. Gaasta iyo kabriidka ayaan sidaas isku daba wadaa oo dabku haddii uu ka bakhtiyo cidi dab kuma siinayso, markaa waxaan doonayaa in aad meesha iga rartaan haddii ilaahay ka dhigo walaal”
Hooyadan ayaa bulshadda ka codsatay in laga taageero dhanka nolosha, iyadoo xustay inay ku nooshay nolol adag, isla markaana u baahan tahay taageero dhanka hoyga ah.
Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Doorashada Oo Maanta Ka Bilaamaysa Gobolka Saaxil iyo Madaxda Komishanka iyo Asxaabta Oo Bulshada Ku Boorriyay Diwaangalinta
Berbera(Warsugan) Diwaangalinta codbixiyeyaasha ayaa sabtida maanta ka bilaamaysa gobolka Saaxil, halkaasi oo la sheegay in ilaa 84 goobood laga bilaabi doono in dadku iska diwaangaliyaan. Masuuliyiinta guddida doorashooyinka ayaa ugu baaqay bulshada reer Saaxil inay soo dhaweeyaan shaqaalaha komishanka ee qabanaya hawsha diwaangalinta codbixiyeyaasha, sidoo kalena dadweynuhu ka faa’iidaystaan wakhtiga diwaangalinta loo qabtay ee labada todobaad ah.
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa deggaannada diwaangalintu ka bilaamanayso ugu baaqay inay iska xil saaraan ilaalinta shaqaalaha diwaangalinta “Dadka deggen miyiga iyo kuwa magaaladaba waxaynu caan ku ahayn marti soor oo la inagu yaqaanay, carruurtaas yaryari(Shaqaalaha diwaangalinta) waa carruurtiinii, waa carruur yaryar, waa carruur ay hadda ugu horrayso shaqadu, soo dhaweeya, marti soora, meel wanaagsan seexiya, gacmihiinna ayaanu ku ognahay Illaahay ka sakow,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdiqaadir.
Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah xubnaha guddida doorashooyinka ayaa madal shalay lagu sii kala dirayay shaqaalaha iyo qalabka diwaangalinta waxay bulshada ku boorrisay inay is diwaangaliyaan “Gobolka Saaxil dadweynihiisa waxaanu leenahay waa inay ka hawl galaan shaqaalaha goobaha jooga, dadkuna isku diwaangaliyaan sidii loogu talo galay, sababtoo ah diwaangalinta aynu samaynaynaa waa furihii doorashada, markaa qof walba ha ka hawl galo sidii uu isku diwaangalin lahaa si kaadhkiisa cod bixinta loo siiyo,” ayay tidhi Marwo Kaltuun.
Geesta kalena saddexda xisbi wakiilladooda arrimaha doorashada kala shaqeeya komishanka ayaa soo dhaweeyay bilaabashada diwaangalinta gobolka Saaxil, waxaanay is diwaangalinta ku boorriyeen dadweynaha gobolka Saaxil iyo degmo doorashooyinka Hawd iyo Gabiley oo diwaangalintu mar kala bilaamayso Berbera. Waxay dadweynaha ugu baaqeen in la la is diwaangaliyo.
Guddoomiyaha Hay’adda Diwaanka Sakadda Oo Bulshada Ku Baraarujiyay Muhiimada Nimcada Amnigu Leedahay
Sheekh Siciid Maxamed Faarax Oo Bulshada Uga Digay Inay Ku Noqnoqdaan Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Doorashada
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha hay’adda diwaanka sakada Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa dheeraaday muhiimmadda amniga iyo xilka bulshada oo dhan ka saaran ilaalinteeda. Sheekha oo arrintan kaga hadlay khudbaddii salaadda jimcaha ee shalay ayaa sidoo kale bulshada kula dardaaramay inay ilaaliyaan nidaamka diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka ka dambeeya oo uu tilmaamay inay amniga iyo qorshaha qaranka qayb ka yihiin. Waxa uu sheegay in Somaliland Illaahay ku mannaystay nimcada nabada islamarkaana ay wax lagu tusaalo qaato ay tahay dhibaatooyinka ka taagan dalal badan oo caalamka ah.
“Amnigu walaalayaal waa nolosha, noloshuna waa amniga, labadaasi waa laba arrimood oon kala maarmayn oo isku xidhan. Haddii amni la waayo nolol baa la waayayaa, haddii aan nololi jirinna amni ma jiro. Qofku goorma ayuu ubadkiisa iyo qoyskiisa ku raaxaystaa, oo haddii Alle dhaqaale siiyay ku raaxaystaa? Waa marka Alle dadkaas iyo dalkaas amni siiyo, qofku markuu amni helo ayuu fakaraa, qofku markuu amni helo ayuu tarmaa laakiin, qofka iyo umadda oo isku xidhan haddii amnigu meesha ka baxo qofka noloshiisu qabyo ayay noqotaa, hurdadu way ka tagtaa, nolosha dhadhankeeduna wuu ka dhaqaaqaa. Waa idinka arkaya dalalka inala jaarka ah ee carabta ah, hadday Liibiya tahay, hadday Yemen tahay, hadday Ciraaq tahay, hadday Suuriya tahay iyo hadday dalkan jaarkeena ee Somalia tahayba, hooyo ooyaysa iyo aabbe la waayay mooyaane wax kale arki maysid marka dhibaato dhacdo. Maalin dhawayd waxaa telefishannada laga daawaday ilma yar oo laba sanno iyo badh jiray oo meel uu isku qariyo markuu waayay taayir gaadhi hoostii isku qariyay isagoo ooyaya,” ayuu yidhi Sheekh Siciid
Sheekhu wuxuu bulshada Somaliland ku baraarujiyay nimcada ammnigu leeyahay “Mid uun bay tahay inaynu walaalayaal ogaanno, horta in Illaahay nimco ina siiyay oo nimcada amniga ina siiyay inaynu qirno weeye. Qofku inta badan nimcooyinka Illaahay siiyay ma arko ee nimcooyinka uu qayrkii siiyay ayuu arkaa, Illaahay wuxuu ina siiyay nimcada amniga oo qofku saddexda iyo afarta habbeenimo dariiqa marayaa, iyadoo wax allaale wuxuu ka baqanayaa aanay jirin. Salaadda subax ayaa qofku 5-ta gurigiisa ka soo baxayaa isagoo wax cabsi ah iyo wax argagax ah oo uu ka warwarayaa jirin. Illaahay bay tahay inaynu mahad u celinno, waa hadiyad Illaahay bixiyo, Illaahay ka sakowna waxaa sabab u ah dadkaa Boolis ha noqdaan ama Sirdoon ha noqdaane dadkaa dawladda ka tirsan oo ay tahay in Iyana loo duceeyo waayo iyaguna way soo jeedaan, anaguna guryaheenna ayaynu ku nasanaynaa waynu hurudnaa, iyagoo mushaharkii iyo waxay qaadanayaana aad ugu yar yahay,” ayuu yidhi Sheekhu.
Guddoomiyaha hay’adda sakadu wuxuu tilmaamay in amniga lagu ilaashan karo Kitaabka iyo Sunnaha oo la barto iyo sharciga oo aqoon loo yeesho si looga baxo jahliga dadka saamaynta taban ku yeelanaya “Waxaynu amniga ku ilaashanaynaa in qof walba wanaagga naftiisa iyo dadkaba faro, inaynu wixii xun dhinac uga soo wada jeedsanno, in wixii shaki inaga galo ee dhib ah uu qof walba dawlad ka noqdo, inaynu meel uga soo wada jeedsanno wixii amnigeenna, deggenaanshaha, dadnimada iyo wada jirkeenna wax yeelaya oo dhammaanteen dad soo wada jeeda noqonno. Amniga waxaa lagu helayaa marka caddaalad la helo; marka madaxweynuhu caddaalad la yimaaddo, Wasiirradu caddaalad la yimaadaan ee xildhibaannadu caddaalad la yimaaddaan, hoos u soco marka qofka loo shaqeeyaa caddaalad la yimaado ee qofka qoyskiisa caddaalad u sameeyo, waxaa amniga la helayaa marka tarbiyadda caruurta iyo dhallinyarada la hagaajiyo, kuwaasi waa asbaabaha amniga lagu helayo,” ayuu yidhi Sheekh Siciid.
Sheekh Siciid ayaa sidoo kale dadka ku waaniyay inay ilaaliyaan nidaamka doorashada ee diwaangalintu ka mid tahay oo muhiim u ah ammaanka “Imika waxaa socota diwaangalin loogu talo galay doorashooyinka soo socda, laba gobol Illaahay si amni ah ayuu inoogu dhammeeyay, Sabtidana waxay ka bilaamaysaa Saaxil, intii kalena way hadhsan tahay, haddii aan amni jirin ma doorashaa la gali karaa, haddaan amni jirin ma tartan saddex xisbi baa dhici kara, ma dhacayso. Haddaan amni jirin diwaangalin saxsan baa la heli karaa? Jawaabtu waa maya. Haddii nidaam la samaystay, nidaamkana asxaabi ka mid tahay, diwaangalini ka mid tahay, doorasho ay ka mid tahay waxa weeye dadku inay la shaqeeyaan oo u hoggaansanaadaan. Waxa jira dad diwaangalinta laba jeer iyo saddex jeer ku noqonaya- culimadu waxay marka horeba isku haysataa doorasho ma la gali karaa mise lama gali karo, ka warama iyadoo taas la isku haysto ay haddana dhacdo in qof laba jeer ku noqdo doorashada? Indhihii baa laga sawirayaa baa la yidhi, gacmihii baa laga sawirayaa haddana waxaa laga yaabaa in qofku laba jeer ama saddex ku noqdo, qofkaasi inuu khaayin yahay maanu ogayn, qofkaasi inuu been sheegayo maanu ogayn, taasna Alle ha laga cabsado. Qofkii maskaxdiisa ka keena inuu diwaan galinta ka qayb galo oo runtii ay tahay in laga qayb galo waxa weeye inuu mar kaliya galo, sababtoo ah amnigeennaa ku jira, qorshaha mustaqbalka ee dalkaa ku jira, laakiin haddaad xariif iska dhigto oo aad tidhaa laba ama saddex jeer baan galayaa si tirade qabiilkaygu kor ugu kacdo, maxaa qabiilka kaa galay qabri baad galaysaaye reer hebelna kulama galayee,” ayuu yidhi Sheekh Siciid.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Dalka Ku Soo Laabtay iyo Ganacsatadda Suuqa Waaheen Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey
Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana lagu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, kadib markii uu dalka UK ugu tagay safar shaqsi oo uu mudo ku maqnaa. Soo dhaweynta kadib waxaa magaaladda Hargeysa hadhimo sharafeed ugu sameeyey qaar ka mid ah ganacsatadda suuqa Waaheen.
Gudoomiyaha oo ugu horayn ka hadlaayey safarkiisa ayaa yidhi “Waxaan ku tagay booqasho yar oo gaaban oo ii gaar ah, runtii waa lagu nabad qabay dhulkii aanu ka nimi bulshada degan UK runtii si fiican ayey ii soo dhaweeyeen aad iyo aad ugu mahad naqayaa, waxaanan ka qayb galay shirkii lixaad ee xisbiga Kulmiye”
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan wuxuu xusay in gobolka Togdheer ay wali ka jirto abaar waxaanu ilaahay uga baryey guud ahaan dadka degaanka iyo gobolka inuu abaartaas ka soo jabiyo “Waxyaabaha ugu badan ee imka la eegayo waxaa ka mid ah roobka waxaanan ilaahay uga baryeynaa inuu roob inoo keeno abaar ayaa jirta gobolkii aan waliba gudoomiyaha ka ahaa qaylo dhaan ayaa isaga laftiisa ka soo baxaysa bil ka horna waxaanu caawinay gobol kale”
Gudoomiyaha gobolka Togdheer wuxuu farrin u diray shacabka ku dhaqan gobolka Saaxiil oo maanta ay ka bilaabmayso diiwaangelinta codbixiyaasha, waxaanu yidhi “goboladda ay ka bilaamayso ee Hawd, Saaxil iyo Gabileyna waxaan leeyahay waxaa laydinka fadhiyaa sidii quruxda badnayd ee ay ka yeelaan labadii gobol ee hore ayaa la idinka fadhiyaa”
Geesta kale gudoomiyaha iyo xubno kale oo la socday waxaa hadhimo sharafeed u sameeyey qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa, waxaana munaasibad loogu sameeyey Hotel Dalxiis ee caasimadda. Masuuliyiinta hadhimo sharafeedka ku maamuusay gudoomiyaha ayaa sheegay inay majeerteen doorka muuqda ee gudoomiyuhu ka qaaday hawlaha gobolka, waa sida ay hadalkooda u dhigeene.
Gudoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta kale ee hadhimo sharafeedka loo sameeyey ayaa ka dareen celiyey, isla markaana u mahad naqay ganacsada maamuustay.
Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Berbera iyo Bulshada Oo Isla Eegay Qorshaha 2016 iyo Baahiyahooga
Berbera(Warsugan) Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa samaysatay qorsheheeda sanadka 2016-ka, kaasi oo ku yimid wada tashiyo lala sameeyay xaafaddaha kala duwan ee Berbera oo baahiyahooda ku saleeyay qorshahaasi. Maamulka degmada iyo guddiyada xaafaddaha Berbera ayaa sheegay in qorshaha hawl qabad ee dawladda hoose ku salaysan yahay siday u kala muhiimsan yihiin baahiyaha bulshadu islamarkaana ay ku timid waydiimihii bulshada wax la waydiiyay.
Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Ciddin), maayarka Berbera oo ka hadlayay kulan dhex maray bulshada xaafaddaha Berbera iyo dawladda hoose oo lagu faaqidayay qorshaha 2016 ayaa tilmaamay in qorshaha sanadkan ee dawladda hoose yahay mid bulshada ka yimid “Qorshaha 2016-ku muu ahayn mid aanu soo jeedinay ama anagu aanu soo diyaarinay. Wuxuu ahaa mid afarta xaafadood ba mid walba gaarkeeda loogu tagay, shir lala galay oo iyagu sheegteen baahiyahoodu siday u kala mudan yihiin,” ayuu yidhi Maayar Ciddin.
Qaar ka mid ah guddiyada horumarka ee xaafaddaha ayaa sheegay in baahiyaha ay soo jeediyeen wax looga qabtay horraantii 2016 “Baahidii aanu soo xaraysanay waxaa nooga hirgalay afar mashruuc, Saldhigii waa noo hir galay, xannaanadii waxaa lagu hayaa gacanta…wada tashigu waa muhiim, waxa halkan lagaga hadlayaana waa wixii aynu soo qoranay maxaa qabsoomay iyo maxaan qabsoomin,” ayaa ka mid ahaa hadallada madaxda guddiyada Berbera.
Cabdinaasir Cumar Jaamac, agaasimaha arrimaha bulshada degmada Berbera ayaa tilmaamay waxyaabaha la waydiiyay dadka dawladda hoose waydiisay qorshaheeda “Xaafaddaha aanu la kulannay waxaanu u sheegnay waxyaabaha qorshaysan, waxyaabaha gobogabada ku dhaw iyo waxyaabaha qorshaysan.”
Dawladda hoose ayaa tilmaantay inay wada shaqayn la leedahay dadweynaha islamarkaana waydiinayso waxyaabaha u baahan in wax laga qabto maadaama cidda loo shaqaynayaa tahay dadweynaha degmada Berbera. Waxayna tilmaameen in baahiyahooda oo qorshaha lagu saleeyaa wax weyn ka tari doono horumarka degmada.
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Degaanka Dhagax-dheer Ee Ka Tirsan Degmadda Balidhiig
Hargeysa (Warsugan) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali Xassan Maxamed ayaa gaadhi boolis ah ku warejiyay degaanka dhagaxdheer oo ka tirsan degmadda balidhiig, iyado saldhiga booliska degaankaasi aad ugu baahnaa.
maayar ku xigeenka degmadda bilidhiig Saleebaan Maxamed Cali ayaa u mahadnaqey wasiirka hawlaha guud, isagoo ka marakacay waxqabdka iyo deeqaha faraha baddan ee uu soo gaadhsiiyo degmaddan ayaa yidhi “Si weyn ayaan ugu mahadnaqayaa Wasiir Cali oo deeqdan gaadhiga ah nagu wareejiyey, Isagoo Xildhibaan iyo maanta oo uu Wasiir yahay waa shakhsiga kaliya ee deeqo noocan nasoo gaadhsiiya, hadey tahay maamul iyo maanta oo Bolice-kii Degmadda gaadhigan nagu wareejinayo, runtii waa Masuul ku suntan waxqabad iyo in Ummadiisa baahiyaheed ka jawaabo”. sdiaasi waxaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka.
Jiif Caaqil Barkhad Cabdi Haybe oo isna goobta gaadhigan lagu wareejinayey ka hadlay ayaa sheegay in Wasiir Cali Xasan Maxamed yahay shakhsiga kaliya ee isagoo xildhibaana iyo maanta oo Wasiir yahay ummadiisa dib wax ugu celiya, isagoo ku tilmaamay Masuul ay abaal ugu hayaan, caaqilku wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Wasiir Cali wuxuu ku suntanyahay waxtarka, waxqabdka iyo ka warheynta shacabkiisa, isagoo Xildhibaana iyo maanta oo Wasiir yahay waa masuul aan ka seexan bulshadiisa, haddanu madaxdhaqameedkii nahay waa mid aanu abaal weyn ugu hayno, waxaan leeyahay waan kaaga mahadcelinaynaa Wasiir, waana abaal aan kuu hayno”.
Taliyaha Bolice-ka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan ayaa gaadhiga kala wareegay Wasiirka ayaa kalmad mahadnaqa goobta kasoo jeediyey, isagoo sheegay in Wasiir Cali xataa isagoo xildhibaana deeqo faro baddan soo gaadhsiiyey, gaadhigan uu hadda ku wareejiyeyna baahi weyn oo dhinaca amaanka ah ka tari doono Maagaladda Dhagaxdheer.
“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed, maaha markii ugu horeysay ee Bolice-ka wax taro, xataa markii xildhibaanka uu ahaa deeqo faro baddan ayaanu ka helnay ka Bolice ahaan, aad ayaan kuugu mahadnaqayaa mudane Wasiir, runtii waa mid aad ugu baahnayn oo wax baddan oo dhinaca amaanka ah naga caawin doona”.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa isna dhinaciisa ka hadlay deeqdan gaadhiga ah ee uu maanta ku wareejinayo Taliska Bolice-ka, isagoo ku dardaarmay inay ilaashadaan oo hawsha loogu talo galay ugu adeegaan, Wasiir Cali wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Maanta waxaan gaadhigan ku wareejinayaa Taliyaha Bolice-ka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan, iyaguna waxay gaadhsiin doonaan Xarunta Bolice ee Magaaladda Dhagaxdheer ee Degmadda Balidhiig ee Gobolka Togdheer”
“Magaaladdan oo baaxad weyn Bulsho weyna ku dhaqantahay ayaa Talisku wuxuu hore ugu dhisay Magaaladda Dhagaxdheer xarun Bolice iyo ciidankeedii, waxa ka dhinaa gaadhigii ay ku hawlgali lahaayeen, aniguna gaadhigaas ayaan ku wareejinayaa maanta, furihii gaadhigana waxaan ku wareejinayaa Taliyaha Bolice-ka si uu ugu wareejiyo Degmadaas”.
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud
C/raxmaan C/laahi Wirdaani