Waraysigii ugu Dambeeyey ee Maxamed Siyaad laga qaado..Q…2.aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
710

Waraysigii ugu Dambeeyey ee Maxamed Siyaad laga qaado..Q…2.aad
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waraysigan waxaa Maxamed Siyaad Barre laga qaaday bishii May 30-keedii sannadkii 1987. Waxaa ka qaaday Uthman Mirghani oo ka tirsanaa wargeyska Al-Tadamun ee af-Carabiga ku soo baxa, waxaana lagu qaaday Muqdisho. Waraysigu wuxuu ku bilaabmayaa sida tan:

Al-Tadamun: Soomaaliya waxay ku eedeysay Ethiopia inay xoojisay ciidammada ka jooga xuduudka, isla markaana ay qorsheynayso inay qabsato Soomaaliya. Weli ma rumeysan tahay in Ethiopia ay diyaarinayso dagaal ballaadhan oo ay ku soo qaaddo Soomaaliya?

Siyaad Barre: Kama jawaabi karo su’aashaan si sax ah iyo si qaldanba. Itoobiyaanku xor ayay u yihiin inay sameeyaan waxa ay ka sameynayaan gudaha dhulkooda. Waxaa laga yaabaa in waxyaabo badan ay ku xambaareen inay rumeystaan inaan qorsheynayno weerar aan iyaga ku qaadno sidaa darteedna ay xoojiyeen ciidamadooda xuduudda. Ma ogin waxa ay Itoobiyaanku ku fekerayaan. Ma xaqiijin karo in Ethiopia ujeeddadeedu inay tahay inay dagaal nagu soo qaado. Arrimahaas waxaa laga yaabaa inay salka ku hayaan warar qalad ah oo ay heleen labada dhinac, laakiin kama hadli karo qorshahooda.

Al-Tadamun: Ra’iisal Wasaaraha Suudaan Saadiq Al-Mahdi waxaa laga soo xigtay inuu qorshayaal u gudbiyey Itoobiya looga gol leeyahay in faham heshiis nabadgelyo lagaga abuuro Geeska Afrika. Ma haysaa fekrad gooni ah oo la xidhiidha qorshahaas, mase jiraan wax wada tashi ah oo ku saabsana arrintaas?

Siyaad Barre: Ma jiro wax xidhiidh ah oo arrintaas ku saabsan oo nalala soo sameeyey laakiin fekraddaas laftigeeda ayaa wanaagsan gaar ahaan maadaama gobolka Geesku uu muddo dheer ahaa meel kulul. Isku day lagu soo celinayo nabadda gobolka guud ahaan waxay ahaan lahayd fekrad fiican. Waxaan rajeynayaa in tallaabadaasi ay jawaab kala kulantu Mengistu iyo annagaba.

Al-Tadamun: Iyada oo ay qayb ka tahay tallaabooyinka iyo baaqyada la xidhiidha nabadda Geeska Afrika ayaa shirkii shanaad ee wadammada Islaamka ee ka dhacay Kuwait bishii January wuxuu soo saaray qaraar lagu dalbanayo daadgureyn aan shuruud ku xirnayn oo dhammeystiran ee dhammaan ciidammada ajnabiga ee ku sugan Geeska Afrika. Ma aaminsan tahay inay macquul tahay inay tan dhacdo?

Siyaad Barre: Ma ogi halka ay Ethiopia ka taagan tahay arrintaan, laakiin inta annaga naga quseysa waxaan dhihi karaa ma jiro ciidan ajnabi ah oo ku sugan dhulkeenna, mana jirto sheegashada sheegaysa in Mareykanku uu saldhigyo ku leeyahay dhulkeenna. Waxaan rajeynayaa in nabaddu ay faafi doonto, gaadhina doonto saaxiibadeenna Itoobiya oo dhulkooda la sheego inay joogaan xoogag Cuban ah iyo xoogag ka socda waddan kale.

Al-Tadamun: Ma rumeysan tahay in siyaasadda Detente ee u dhexeysa Madaxweyne Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbaachev ay saameyn ku yeelanayso Geeska Afrika?

Siyaad Barre: Detente oo u dhexeysa labada quwadood ee waaweyn wey ku yeelanaysaa saameyn adduunkoo dhan. Haddii labada hoggaamiye ee Reagen iyo Gorbachev ay gaadhaan heshiis, natiijadu waxay saameynaysaa xaaladda qaybo badan oo adduunka ah.

Al-Tadamun: Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda Carabta 1974. Maxaad ugu yaboohdeen Jaamacadda Carabta xilligaas, maxayse iyadu idinkugu yaboohday?

Siyaad Barre: Kama aragno arrinta dhinaca faa’iidada iyo qasaaraha, mana aanan raadineyn faa’iido. Waxaan hadda kala qayb qaadanaynaa xubnaha kale arrimo kasta oo quseeya Jaamacadda Carabta, waxaana sameynaynaa inaan ku yaboohno wax suuragelin kara inay gaadho hadafkeeda, laakiin waxaan rumeysanahay in Jaamacadda Carabtu ay noqoto mid waxtar leh oo u shaqeysa ummadda Carbeed, isla markaana horumarisa sawirka Carabta dhinaca dibadda si loo dhowro xuquuqda Carbeed. Sababtaan awgeed Jaamacadda Carabtu waxay u baahan tahay awood badan iyo xikmad.
Al-Tadamun: Maxaad ku qiimeyn lahayd xidhiidhka u dhexeeya Carabta iyo Soomaaliya?

Siyaad Barre: (Wuu qoslay, wuuna saxay su’aasha). Ma waxaad ula jeedaa xidhiidhka Soomaaliya kala dhexeeya wadammada kale ee Carbeed. In la isticmaalo xidhiidhka Carabta iyo Soomaali waxay ka saaraysaa Soomaaliya guriga Carabta. Xidhiidhka Soomaaliya ay la leedahay wadammada kale ee Carbeed waa mid wanaagsan, laakiin wuu sii fiicnaan karaa.

Al-Tadamun: Siduu ku sii fiicnaan karaa? Ma waxaad dareemaysaa in Soomaaliya ay hesho gargaar dhaqaale oo badan? Waa meeshee meesha uu xidhiidhku ka sii wanaagsanaan karo?

Siyaad Barre: Waxaan rajeynayaa in aanan joogin meel aan u baahanahay inaan weydiisto gargaar. Si kasta ha ahaatee xidhiidh fiican ayaan la leennahay wadammada Carabta. Marka aan ka helno gargaar waddan ka mid ah waan uga mahadcelinnaa, marka aanan helinna kama caroonno mana sameyno dalabaad. Waxaan aaminsahay inay tahay danaha wadammada Carabta inay wada shaqeeyaan sababtoo ah wadanna ma taagnaan karo keligii isagoon la shaqeynaynin kan kale, gaar ahaan wadammada saaxiibada ah. Laakiin kuma qiimeyno saaxiibtinimadeenna dano maaliyadeed.
Al-Tadamun: Su’aasheenna ugu dambaysa waa, Xilliyadii hore waxaa lagugu tilmaami jiray shuuci dhab ah. Weli ma tahay shuuci, mise waad beddeshay dariiqii?

Siyaad Barre: Haa weli waxaan ahay shuuci inkastoo taasi aysan ahayn habka Yurub laakiin ay tahay habka iyo aragtida waddankeenna soo koraya. Tani waxay xidhiidh la leedahay xaqa qaybinta hantida la siinayo qof walba, ha noqdo shaqaale ama xubin hormuud ah ama xirfadle, saamigu wuxuu ku saleysan yahay shaqadiisa. Waxaan kaloo hubin lahayn inaysan jirin ka faa’iideysiga dadka iyadoo la dhaqangelinayo sharci ama la isticmaalayo xoog. Waxaan rumeysanahay inaan hadda joogo meel dhexe oo u dhexeysa aragtida shuuciga iyo hanti-goosiga. Annagu haddaan nahay wadammada dunida saddexaad ma aanan fahmin fekradda shuuciga iyo hantigoosiga noocooda reer galbeedka. Waxaa laga yaabaa inaad naga hesho meel labadoodaas u dhexeysa. Waxaan rabnaa in shaqsiyaadku ay gaarkooda u shaqeystaan laakiin qaranku waa inuu fara geliyaa si loo gaadho wax shaqsigu uusan ku guuleysan karin keligiis. Si kale hadaan u dhigo waa in Qaranku uu dhiirrigeliyaa dadaalka shaqsiga halka mashruucyada waaweyn ay ku jirayaan gacanta Qaranka inkastoo tani macnaheedu uusan ahayn in ganacsiga gaarka ah laga hor istaago shaqada.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
Calicoomay@hotmail.com
Dhammaad.