Warbaahinta Kenya Oo Qortay In Soomaaliya Ku Fashilantay Shirkii Urur Gobolleedka IGAD

0
314

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya ay ku fashilantay Isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii  urur gobolleedka IGAD.

War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii urur goboleedka IGAD laguma xusin wax ku saabsan ashtakadii Soomaaliya ay ka gudbisay dowladda Kenya ee ahayd inay faro galin ku hayso midnimada iyo madax bannaanida.

Dowladdaha ku shiray magaalada Jabuuti maalintii ayaa waxa ay weydiisteen Soomaaliya inay diirada saarto jadwalka doorashooyinka iyo sidoo kale barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo amniga dalka.

Soomaaliya ayaa dalbatay in koox madaxbanaan oo ka socota IGAD loo diro xadka ay wadaagaan labada dal, halkaas oo ay Soomaaliya ku eedeysay in Kenya ay gacan siiso jabhad, inkasta oo eedeyntaas ay Nairobi beenisay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku cadaadiyeen Soomaaliya in lagu xalliyo arrinta Kenya wadahadal iyo is afgarad.

Wasiirka wuuxuu sheegay tallaabada ugu horreysa in ay noqon doonto xasilinta xaaladda iyo xiisadda labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here