Warbixin: Berbera Oo Saddex Sano Gudahood Dareentay Is-badal La Taaban Karo iyo Doorka Uu Ka Qaatay Maayar Cabdishakuur Maxamuud Cidin

0
720

Berbera (Warsugan) Maayarka magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa ka war bixiyey dib u dhiska magaaladda Berbera oo haatan laga yagleelay wadooyin casri ah iyo dhismayaal dawlada hoose ku soo kordhisay laamaha dawladda.

Duqa magaaladda oo ugu horayn ka hadlay mashaariicda ay fuliyeen laga soo bilaabo sanadkii 2013-ka, waxaanu maayarku sidaas ku sheegay barnaamij gaar ah oo uu diyaariyey Universal Tv, waxaanu yidhi “Waxaan runtii aad ugu faanaynaa sanadka 2013 mashaariicdii aanu bilawnay ee wada yagleesha ahaa mashaariicda qaar waa kuwo dib u habayn lagu sameeyo waxna waa wax cusub oo halkoodii laga bilaabo waxa aanu ka bilawnay isla bishii ugu horaysayba in magaaladda markaanu aragnay duruufteeda magaaladu waa magaalo xeebeed waa magaalo todoba bilood kulayl tahay shan biloodna ay qabow tahay laba bilood oo xidhiidh ahna waxa dhaca dabaylo waxa ka yimaada dab magaaladu may lahayn xarun dab-damis waxaanu u dhagax dhignay xaruntii dab-damiska. Ilaahay SWT wuxuu noo sakhiray isla sanadkaa gudihiisa inaanu meeshii banaanyd dhisno, qalabayno, ciidankii dab-damiska samayno, tabobarno qalabkii ay kula dagalamayeen oo dhamays tirana aanu u keeno”

Cabdirashiid Saleebaan Jaamac oo ah agaasimaha waaxda dab-damiska ee dawladda hoose ee Berbera ayaa sheegay in xaruntu shaqayso 24 saacadood oo xidhiidh ah isla markaana ay galaan saddex kooxood oo kala duwan, isla markaana kala shaqeeya min sideed saacadood, kuwaas oo qayb laf dhabar ah ka qaatay shaqadii iyo gurmadka dabka ee laga soo sheego xaafadaha kala duwan. Sidoo kale kooxda dab-damiska ee dawladda hoose ee Berberi waxay ka hawl galaan badbaadinta booyadaha shidaalka iyo nafaha saaran ee dabku ka kaco marka ay shilalka galaan.

Maayarka magaaladda Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa ka war bixiyey wadooyinka ay ka fuliyeen magaaladda Berbera “Wadooyin cusub oo qorshihii magaaladda la waafajiyey waxa aanu yagleelnay oo aan hore u jirin oo cusub sagaal KM oo magaaladda gudaheeda ah sideed KM waxa aanu saarnay wado roog (Asfal) ah oo sanadkan ay u dheertay wado 1Km iyo shan boqol oo miter ah oo iyadu 2016-ka ah, laakiin saddexdii sano ee la soo dhaafay waa sagaal KM oo dhulka laga soo bilaabay oo la dhamaystiray iyo sideed KM oo wadooyinka casriga ah (Asfal ama roog) oo waliba qaarkood ay la socdaan sida loogu tala galay meelihii dadku marayeen”

Faa’iidooyinka wadooyinka isaga oo ka hadlay wuxuu mar kale yidhi “sanadkii afar milyan oo neef ayaa ka dhoofa magaaladda waxay kiciyaan boodh aad u fara badan waxay dadka ku hayaan caafimaad daro waxaanu isku daynay in aanu marka hore laami samayno, wax yar ayuu dhimay, imikana waxaanu ku darnay 1km iyo badh”

Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa sheegay inay dadaal u galayaan sidii ay dib u habayn ugu samayn lahaayeen wadooyinka labada kaantarool ee magaaladda “Horta marka hore xaga sharciga marka la eegayo labada kaantarool wixii ka sokeeya degmadda ayaa shaqo ku leh waana sababta wasaaradda hawlaha guud ay u soo dhaaftay waana sagaal iyo toban Kiilo mitir (19KM) marka saddex sanadood intaa aan soo sheegay nagu qaadatay marka aan eegno kala mudnaanta waxa aanu nidhi magaaladda dhexdeedi inaad ka fuudh yeeshaan, mana odhan karno 19KM sida dawlada dhexe ayaanu u dhigi doonaa, laakiin kab kab waanu ka qaban doonaa Insha Allah, waxaanan balan qaadayaa inaanu halkaa sii dhaafin googa’u”

Maayarka magaaladda Berbera Cabdisharkuu Maxamuud Xasan (Cidin) oo kaashanaya golihiisa degaanka ayaa ku guulaystay inay dhisaan xarun cusub oo saldhiga u noqota dawlada hoose, iyagoo hore ugu jiray dhisme duug ah oo la dhisay xiligii Ingiriiska. Dhismaha cusub ee golaha degaanka Berberi yeeshay ayaa haatan ka koobaan saddex dabaq “Xafiiskan imika aynu ku jirno waxaa dhisay Ingiriiskii waxa lagu sameeyaana waa dib u habayn waxaanu ka yagleelnay barbarkii mid labadii leeg oo saddex dabaq ah”

Maayarka oo ka hadlayey waxqabadka uu ku soo kordhiyey ee dhanak dhismayaasha ah ayaa yidhi “Waxa aanu aragnay xafiiska gobolka ee caafimaadku inaanu lahayn xarun laga maamulo waxa aanu u dhisnay fooq wayn oo aanu ka dhisnay cisbitaalka guud hortiisa. Waxa aanu yagleenay rugtii Kutubta oo taariikhda Berberi aanay waligeed hore u yeelanin oo dadka dhalinyaradda iyo aqoon-yahanku wax ku akhristaan”

“Mashaariicda aanu qabanay 2014-ka waxaa ka mid ah sidii dadka danyarta ah dhaqaalahooga sare loogu soo kicin lahaa oo waxaanu u samaynay dhaqaale gaar ah oo dadka nolashoodu hoosayso sidii ay sare ugu soo kici lahayd aanu ka caawinay aanu siinay lacag amaah oo maanta xaafaduhu awood u leeyihiin (Guddiyada xaafaduhu) in akaan xaafadu leedahay ka amaahin karaan oo aanu gacanta u galinay boqolaal kun oo doolar ayey gacanta ku hayaan afarta gudoomiye xaafadeed iyaga oo aanay maayarna u soo marin qofka tabaalaysan ee dadaalaya laakiin sare loogu qaado