WARCELIN KU SOCOTA MAQAAL LAGU XAG-XAGANAYO SUMCADDA HOGGAANKA HAWL-GELINTA CIIDAMADA BOOLISKA SOMALILAND

0
705

WARCELIN KU SOCOTA MAQAAL LAGU XAG-XAGANAYO SUMCADDA HOGGAANKA HAWL-GELINTA CIIDAMADA BOOLISKA SOMALILAND

Marka Hore salaam guud, marka xiga waxaan doonayaa inaan ka war celiyo maqaal lagu xag-xaganayo isla markaana sumcadda lagaga xumaynayo hoggaanka hawlgelinta ee ciidammada booliska Somaliland Gaashaanle sare Maxamuud Ducaale Cali oo habeennadii u dembeeyey lagu baahinayay qaar ka mid ah mareegaha wararka.

Hor iyo horraanba waxaan jecelahay in aan idiin sheego in aanay fiicnayn in website-yada qaarkood ay saraakiisha qarankan amnigiisa ku hawlan ceebeeyaan, tusaale ahaan warka laga qoray ku saabsan in xilka laga qaadayo hogaanka hawl gelinta ciidanka buliiska Somaliland waxaan leeyahay warkaasi waa hadal tiro aan jiritaankiisa wax sal iyo raad toona ahi lahayn. Maxamuud Ducaale Cali waa shakhsi shaqadiisa ka adag buliiskuna aad u jecel yahay, waxaase jira dad tiro yar oo dano gaar ah leh oo neceb nidaamka iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta, had iyo jeerna fadeexeeya madaxda qaranka, kuwa wax ka qoray masuulkanina waxa ay ka mid yihiin kuwaas neceb dawladimada.

Waxaan ku dardaarayaa shacbiga Somaliland inay meel uga soo wada jeestaan midnimadooda iyo adkaynta amaanka dalkooda, dhalinyarada warbaahinta ka shaqeeyana waxaan kula talinayaa in ay ka dhawrsadaan waxyaabaha kala fogaynaya dadkooda, isla markaana ay saaxiibka koowaad ka dhigtaan booliska waayo hadh iyo habeen waxa ay ciidamadeenu u taagan yihiin adkaynta nabadgelyada qaranka, markaa waxaan leeyahay waa in aynu la shaqayno oo garab istaagno bilayska. Ciidamada Booliska laftooda waxaa aan leeyahay waad ku mahadsan tihiin shaqada aad ummadiina u haysaan, ee alla ha idin dhawree halkaas ka haya waajibaadka aad haysaan.

Allaa mahad leh

Qalinkii: Garaad Mahad Maxamed Cabdi

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here