War-degdeg ah: Golaha Wakiilada Somaliland Oo meel mariyey Heshiiskii Dekeda Berbera Ee DP World + Mudaneyaal ku keliyeystay Diidmada + Kuwo Albaabka Boobay iyo Muuqaalo Is Akhriyaya oo Aanu idinka Hyano

0
485

Wardegdeg ah: Golaha Wakiilada Somaliland Oo meel mariyey Heshiiskii Dekeda Berbera Ee DP World + Mudaneyaal ku keliyeystay Diidmada + Kuwo Albaabka Boobay iyo Muuqaalo Is Akhriyaya oo Aanu idinka Hyano.

Hargeysa(WArsugannews) Saaka Subaxnimadii hore ayaa golaha wakiilada Somaliland u fadhiisteen sidii balanku ahaa shalay oo isniin ahayd inay isugu soo noqdaan kulanka xiga kaasi oo ku beegnaa Maanta oo Salaasa ah waxaana kulankaasi ka soo xaadiray Mudaneyaal tiradoodu dhan tahay 73 Mudane.
Ka dib Gudoomiye Cirro oo shirka gudoominaayey ayaa halkii ka sii waday markii goluhu furmay in doodii shalay halkeedii ka soo socoto, waxaanu ku bilaabay xildhibaanadii shalay is qoray inay ka doodaan, kuwaas oo markii mid mid loo xaadiriyey dhamaan ka cudur daartay inay dooda sii wataan goluhuna doodii labaad galo balse sided xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii lagu bilaabay ayaa diiday inay wax dooda ka qabaan heshiiska dekeda.
Ka dib ayaa la guddo galay in golaha loo qaybiyo Miniteskii golaha waxaana markiina looga gudbay in cod loo qaado heshiiska waxaana cod gacan tag ah loo qaaday cidii ka soo horjeeda kuwaas oo noqday 4 xildhibaan, oo iyagu ka soo horjeestay, heshiiska waxaanay kala ahaayeen
1. Xil. Siciid Xilmi Rooble
2. Xil. Siciid Cartan
3. Xildhibaan Xaamud
4. Xil. Axmed Waysacade
halka laba ka mid ah xildhibaanadaasina ay golaha ka baxeen kuwaasoo kala ah
1. Xil. Xoog
2. Xil. Qabile
Halka ay cod aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen majooritiga Xildhibaanadii fadhiyey kuwaas oo 69 Mudane ay u gacan taageen.
K adibna waxa sida caadada ah ku dhawaaqay in heshiiskaasi ansax yahay gudoomiyaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Cirro sidaasi ayaana lagu soo xidhay fadhigii golaha ee maanta.
DSC_0001

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0005

DSC_0006

DSC_0014

DSC_0023

DSC_0032

DSC_0034

DSC_0035

DSC_0038

DSC_0040

DSC_0041

DSC_0042

DSC_0043

DSC_0045

DSC_0046

DSC_0047

DSC_0048

DSC_0049

DSC_0050

DSC_0051

DSC_0052

DSC_0053

DSC_3045

DSC_3047

IMG_3813

IMG_3837

IMG_3842

IMG_3843

IMG_3868

IMG_3871

IMG_3878

IMG_3894

IMG_3897

IMG_3901

IMG_3913

IMG_3916

IMG_3927

IMG_3931

IMG_3945

IMG_3961

IMG_3964

IMG_3969

IMG_3979

IMG_3991

IMG_3997
Hargeysa/ Office/Somaliland
www.warsugannews.com
Warsuganmedia@gmail.com
Warsugan15@gmail.com