Wargeyska Warsugan Media Group oo ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta “10/12/2015” oo Khamiis ahayd ay ugu buuxdaa maalintii Todobaad ee uu si xidhiidha uga soo baxay caasimada dalka

0
555
?

Wargeyska Warsugan Media Group oo ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta “10/12/2015” oo Khamiis ahayd ay ugu buuxdaa maalintii Todobaad ee uu si xidhiidha uga soo baxay caasimada dalka Somaliland.

Marka hore waxa Mahadi u sugnaatay ALLAHA weyn ee inoo saamaxay in aynu wadaagno warar la hubo oo leh tixraac iyo baahin sugan oo aad looga baran-degay, oo ay ku soo gudbiyeen Bahda Warsugan Media Group ee ku sugan gobolada Dalka, Aduunka intiisa kale iyo Xarunta koowaad ee wargeyska warsugan ku leeyahay Hargeysa.

Bahda Warsugan Media Group waxay halkan mahadnaq aan la soo koobi karayn u dirayaan dhammaan shacbiga Sharafta mudan ee sida hagar la’aanta ah, la barbar istaagay wargeyska iyo Shebekeda warsugannews oo ah warbaahin ku cusub shacabka balse kalsooni iyo dhiirigelin ku salaysan fikiro caafimaad qaba ka helay taageero laxaadleh Akhristayaashii la kulmay wargeyskan mudadii uu soo baxaayey.

Waxa aanu si gaara ugu mahadnaqaynaa Masuuliyiinta, ruugcadaaga, waxgaradka, waayeelka, Weriyeyaasha da’a yar iyo bahda saxaafada oo hambalyada iyo talooyinka wax-ku-ool ah na soo gaadhsiiyey, bahda warsugan na waxay leeyihiin alle ha idinka abaalmariyo dhiirigelinta iyo taageerada ay hambalyadu ku ladhan tahay ee aad noo muujiseen, anagoo idinka gudoonay dhamaantiinba.

Ugu danbayn waxa aanu Akhritayaasha qiimaha badan ee ku dhaqan gobolada dalka u balan qaadaynaa hadii eebbe qadaro in aad noogu soo hagaagi doontaan warar iyo dhacdooyin muhiima oo sugan, balankeenuna waa raaligelinta indhihiina iyo maskaxdiina sidii aanu ugu dedaali lahayn qofna ma doonayno in aanu sumcadiisa sharaftiisa, karaamadiisa iyo dadnimadiisa qalin ama Cod wax ugu geysano, balse waxa aanu ku dedaalaynaa sidii aad noola wadaagi lahaydeen fikirkiina, aragtidiina iyo baahiyaha arrimaha bulshada gaar ahaan bulshada Danyarta ah een awoodin inay soo gudbiyaan dareenooda dadnimo ama baahiyeed ee ku qotoma mid guud iyo mid gaar ahaaneedba.

Fiiro gaara:
Xarunta Wargeys iyo Shebekada Warusgan waxa aad ugu soo hagaagi doontaan shacabka ama dhismaha cusub ee ku yaala halka looga laabto Wasaaradda Qorshaynta, iyo Arrimaha Gudaha ama Xarunta Tulbataariyada.
wixii dheeraada ee faahfaahin ahna noogu soo hagaaji E-mail ladan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
ama baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee Twitter ka, Face book ga iyo Linked ka oo aad dhamaan ku baadhi kartaan warsugan.

ALLAA MAHAD LEH
BAHDA WARSUGAN MEDIA GROUP