Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Waxbarashada Ee Geedoolo.

0
411

Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Waxbarashada Ee Geedoolo.
warsuganews
schooladii dawladdu waxay noqdeen meel ay isugu hadheen caruur aan afsomaliga akhriyi karin oo lagu leeyahay waa arday dhigata fasalada Dawladda fadhiidka ah ee siilaanyo waxay ku tiraabtaa in schoolada dawladda ee hoose dhexe laga dhigay bilaa lacag ayna ka faaiidaysataan kumanaan caruura oo danyara.lkn xaalada dhabta ah taas way ka duwantahay waa schoolo ay iskaga tageen dhamaan macalimiintii wax ka dhigi jiray sababtoo ah waxay heleen schoolo gaar loo leeyahay oo lacag fcn laqaadanayo waxaana uu yimaadaa uun schoolada dawladda maalinta bisha la qaadanayo.intaasna waxa sii jooga dadkale oo kashaqeeya schoolada danna aanka lahayn maalin walbana iska maqnaada.caruurtii danyartu mahaystaan macalimiin wax u dhiga, mahaystaan maamulayaal daacada ah,mahaystaa lacag ay ku galaaan schoolada privateka,mana garanayaan cid ay u qaylshadan dhibaatada haysatana uga garaabta ama codkooda u

gudbisa.schooladii dawladdu waxay noqdeen meel ay isugu hadheen caruur aan afsomaliga akhriyi karin oo lagu leeyahay waa arday dhigata fasalada 5 ama 6lixaad.waa meel ay ku hadheen danyar aan ciirsi u lahayn meel uun ay caruurtooda geeyaan.dhamaan waalidiinta danyartu aad bay uga xunyihiin uga cabanayaan dhibaatada iyo mustaqbal xumada waxparasho ee haysata caruurtooda.nin beenaala ah oo aan ALLE garanayna intuu TVga soo istaago ayuu yidhaah daa”schoolada dawladdu waa bilaash”.waa arin laga lagula kacay shacabka aan waxba galabsan ee danyarta ah.waa arin niman tuug ah oo ka kooban wasiiro warbaahinta been ka sheegaya iyo maamulayaal aan alle garanayni isku bahaysteen oo ay ummada mustaqvalkooda ku ciyaarayaan.

> Faadumo waa gabadh caruurteedu ay dhigtaan schoolka maxamed mooge waxay ii sheegtay sidatan”waxaan leeyahay laba caruura waxay dhigtaan schoolka maxamed mooge,lacagtii waa laygu kordhiyey waxaana layga qaadaa 40000 oo shiling bisha 5teedna waa lasoo eryaa caruurta ana mahaayo wax lacaga danyarna waanu nahay,waxaaba inta dheer sanad dusiyeedkii dhamaaday caruurtayda finalkii imtixaanka waa loo diiday in ay galaan waayo lacagta oo 40000 kun ayaa layga rabay manaan hayn”wa hadal calool xanuunkeeda leh waa hadal muujinaya dayacnaanta umadda waa hadal ku tusinayaa in aanay wadankan joogin wax umadooda kanaxaaya.hadaba wasiir waxaa lagaaga fadhiyaa inaad in aad arinkan wax ka qabato umadaadana u soo jeeesato schoolada dawladana timaadid waalidka la shirtid waxay kacabanayaan aad waydiisid beenta wadanka ku dhaqaysaan aa joojisaan umadan lahadashaan.intaasi haday dhici waydo anaguna dhalecayn iyo fadeexad marag madoonto ah ayaanu TVyada iyo warvaahinta ku faafin doonayaa aanu kaga cabanayno u garaabis la aanta wasaaradaada ee danyarta.

sadaam mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here