Warrarka laga helayo Soomaaliya ayaa shaageya in duqeyn xagga cirka ah xalay maqribkii lagu qaaday xarunta idaacadda Alshabaab ee Al-Andalus ee degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida laga soo xigtay boggaga internet ka ee taageera Alshabaab duqeyntaas waxa ku dhaawacmay sedex qof oo rayid ah oo joogay guri ku dhegan dhismaha idacaadda iyadoo uu burbur weynna gaaray idaacadda.
Duqeynta ayaa la rumeysan yahay inay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drons-ka.
Illaa hadda ma jiro wax warra oo ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee loo yaqaano Africom oo weerrarda noocaan ah Soomaaliya ka fulinayay dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.