WARSAXAAFADEED – Kulan Dhexmaray Hoggaanka KULMIYE iyo Mac-had caalami ah‏

0
472

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE) Date: 27/02/2016
Warsaxaafadeed
Ujeeddo: Kulanka hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Mac-had Caalami ah

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare xisbigu waxay kulan ballaadhan la yeesheen wefti ka socda Mac-hadka Arrimaha Doorashooyinka ee Joogtaynta Dimuqraadiyadda Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EISA (Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa) oo fadhigiisu yahay Koonfur Afrika, maanta oo taariikhdu tahay 27/02/2016.

Hoggaanka sare KULMIYE oo xafiiska Murrashaxa xisbiga ku qaabilay weftigan oo ka kooban lix xubnood oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Mac-hadka EISA Mr. Denis Kadima iyo khubaro wehelinaysa, kuwaas oo ururka Midowga Yurub u soo wakiishay xogogaal u noqoshada iyo qiimayn ay ku sameeyaan xaaladaha iyo duruufaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee waqtigan ka socota dalka iyo doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ee u qorshaysan horraanta sannadka dambe ee 2017-ka.

masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xubnaha weftigu waxay ka wadahadleen habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha ilaa hadda laga hirgeliyey Gobollada Togdheer iyo Awdal oo weli ay ka socoto, sidoo kalena waxay wax iska waydiiyeen hawlaha u diyaargarowga doorashooyinka iyo wixii caqabado ah ee hortaagan qabsoomidooda iyo weliba aragtida xisbiga ee doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbigu waxay weftiga siiyeen xog-warran ku saabsan hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka, iyagoo u sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ilaa hadda si fiican u socoto oo aanay jirin wax caqabad ah oo ka horyimi, isla markaana waxay carrabka ku adkeeyeen in Komishanka Doorashooyinku u baahan yahay in loo dedejiyo taageerada beesha caalamka si aanay hawlaha samaynta kaadhadhka codbixinta iyo dhammaystirka hirgelinta diiwaangelintu hakad uga galin.

Waxa kaloo madaxda KULMIYE u sheegeen weftigaasi inay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba diyaar u yihiin doorashooyinka oo ay dhammaystireen wixii kaga beegnaa dhankooda, kuna kalsoonyihiin inay si ammaan ah u dhici doonaan, isla markaana isa-saarka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu yihiin wax hore Qaranku isula qaatay oo lagu mideeyey xeer, inkastoo laba doorasho oo hal mar la wadaqabtaa culayskooda leeyihiin oo ay ku cusub yihiin dalka iyo Guddiga Doorashooyinkaba.

Hasa yeeshee, xeerka doorashada Golaha Wakiillada aannu weli diyaar ahayn oo uu ku laalan yahay aqalka Baarlamanka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la dedejiyo samaynta xeerkaasi.

Alla Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE