Warsaxaafadeed xubno ka tirsan gudida doorashooyinka qaranka, masuuliyiin, seddexda xisbi qaran, madaxda gobalka iyo masuuliyiinta jaamacada Burco

0
594

Warsaxaafadeed xubno ka tirsan gudida doorashooyinka qaranka, masuuliyiin, seddexda xisbi qaran, madaxda gobalka iyo masuuliyiinta jaamacada Burco ku qabteen Jaamacada burco 23/01/16 ayaa waxaa ka mid ahaa haddaladoodii;

Burco(Warsuganews)Komishaner Maxamed Jaamac Maxamed oo ka warbixiyay qorshaha komishanka ee diiwaan galinta gobalka Togdheer ayaa waxa uu yidhi: Sidii Qorshuhu ahaa Diiwaangelinta Gobolka Togdher Sadex Face ayey ahayd,Faceka Koowaad Wuxuu Ahaa Todoba Casho Oo Waxay Ku Eekayd Shalay Lixdii Galabnimo Markii Shalay Gelinkii Danbe Shalay Dadkii Wixii Ku Yuuga Ku Jiray Markii La Dhammeeyey Shaqaalhihii Wixii Joogay Goobaha Qalabkii Way Soo Urursadeed Maanta Waxay Noogu Yimaadeen Jaamacadda Burco Qalabkii Oo Nabad Qaba Gaadiidkii Oo Nabad Qaba Iyo Shaqaalihii Oo Nabad Qaba Waa Ilaahay Mahadii,Waxaana Ay ku Soo Dhamaatay Si Guuli Ku jIrto Oo ah Sidii Loogu Talgalay Waxaan U Mahadnaqayaa Shaqaalihiii Ka Hawlgalay Arrinkaasi Waxaan SiGaar ah Ugu Mahadnaqay Dadkii ay Todobada Cisho La Joogeen Ee Ka Masuulka ahaa Nabad Galyadooda Iyo Soo Dhaweyntooda Iygana Si Gaar aha ayaan Ugu Mahadnaqayaa. Facka 2aad Wuxuu ahaa Inay Ka Socoto Magaalada Gudaheeda 14 Cisho Oo Kale Maanta Laga Bilaabo 25 goobod ayaa Burco Gudaheeda Ka Shaqaynaya Oo Si Xawli ah Uga Shaqaynaya Marka Intaasi Dhammaato Wajiga Sadexaad ayaa Lagalayaa Oo 5 Cisho Oo Danbe Oo Dadku Dookha Leeyihiin ayaa Ka Bilaabmaysa Burco Iyo Oodweyne ,Komishanku Arrintaa Wuxuu Geliyey Xoog Iyo Aqoon Sidii La Qorsheeyey Ayaa Waxwalba U Dhaceen Waxa Maanta aaanu Ku Faraxsanahy In Arrintaa Diwangelinta Ee Aan Togdheer Ka Bilaabnay Inay Si Guul ah Inoogu Dhamaatay Wajigii Koowaad Waxaan Kale Oo Rajaynayaa Inay Labada Qaybood Ee Kalena Si Wanaagsan Inoogu Soo Dhamaato “”…

Komishaner: C/raxmaan Cisman Aadan””Ilaahay Mahadii Weeye Juhdigii Iyo Dedaalkii Ay Komishanka Doorashooyinku Geliyeen Hawshan Diiwaangelinta Sidii La Rabay ayey Ku Soo Dhamaatay 163 Goobood ayaa Laga Hawlgalay, Shaqaale 557 Ah ayaa Ka Hawlgalay,Gaadiid 275 ah Ayaa Ka Hawlgalay Ciidmada Amniga Oo 350 Kabadanbaa Iyaguna Ka Hawlgalay ALXAMDULLILAAH Dhammaantood Maanta Si Nabadgelyo ah Ayey Noogu Soo Noqdeen Waxaan Ilahay Ka Baryaa In Waqtiga Kale Ee Hadhay Isaguna Si Fiican Inoogu Dhamaado. Halqadiyad Ayaa Jirta Oo Aan Jecelahay Inaan Xasuusiyo Dadweynaha Reer Togdheer Khaasatan Meelaha ay Ku Sii Hadhawyso Diiwaangelintu Iyo Gobolada Kale Ee Ay U Sii Gudidoonto Diiwangelintu Oo Ah Inay Shakhsiyaad Koobani ay Isku Dayaan Inay Laba Jeer Ku Noqdaan Isdiiwangelinta Waxaan aad Uga Xumahay Codkaa Qofkaa Muwaadinka ahi Uu Khasaareeyey Waayo Codkaasi Naftiisa,Gobolka Iyo Guud ahaan Dalka Waa Ka Go’an Yahay Waxaanu Haynaa Waraaqihii Dadkii Isku Dayey Inay Laba Jeer Isdiiwangeliyaan Iyo Sawiradii Dadkaasi Waxaasina Waa Cod Ka Khasaaray Gobolka Togdheer Waana Cod Ka Khasaaray Dalka Jsl Waxaan Uga Digaynaa Inta Ka Hadhay Waqtiga Diiwangelinta Inaan Laysku Dayin In Marlabaad Laysdiwangeliyo.

Waxaa goobtaas ayana kalmado ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga wadani, Gudoomiye ku xigeynka xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha xisbiga UCID oo dhamaantoo ku amaanay gudida komishanka qaranka iyo shaqaalihii ka hawl galay diiwaangalinta codbixiyaha gobalka sidii ay u soo guteen walina ay heeganka ugu yihiin. Sidoo kale waxay u mahad celiyeen bulshada reer Togdheer oo dhamaan si diiran u soo dhaweeyay ugana qayb qaatay diiwaangalinta.

Sidoo kale waxa kalmado mahad celin ah ka jeediyay goobtaas masuuliyiinta gobalka iyo jaamacada uguna mahad naqay komishanka qaranka hawshan baaxada leh ee ay wadaan.
Allaa mahad leh