Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacadaha oo ka Wada Hadlay Bixinta Deeqo Waxbarasho

0
433

Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacadaha oo ka Wada Hadlay Bixinta Deeqo Waxbarasho

Hargeysa(WARSUAGNNEWS) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa masuuliyiinta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ka dalbaday in ay la soo socodsiiyaan deeqaha waxbarasho ee ay bixiyaan, isagoo tilmaamay in ay jiraan dad badan oo aan awoodday oo u baahan waxbarashada sare.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo xarunta wasaaradda kula kulmay shalay madaxda ugu sarraysa jaamacada gaarka loo leeyahay, ayaa isla meel dhigay in deeqaha waxbarasho ee jaamacaduhu bixiyaan si caddaaladda loo bixiyo oo dadka danyarta ah muhiimada la siiyo.

“In si caddaalad ah ardayda loogu qaybiyo wixii deeq waxbarasho ah ayaan idiinka fadhinaa, idinkana doonaynaa, inaad nala soo xidhiidhaan oo aad nagu tidhaahdaan intaasaannu qaybinaynaa oo aad dib isugu noqotaan, qolo kastaba dib ay u shirto oo ay ku noqdaan. Deeq waxbarasha la inaga doonaya, dad baa halkan fadhiya oo dugsiyadii ka soo baxay oo masaakiin ah oon waxba helayn, siiba macallimiinta iyo shaqaalaha dawladda, taasna waan idiinka fadhinaa oo waan idinka doonaynaa. Waannu jecel nahay in arrintaas aad gacan ka gaysataan, annana waannu jecel nahay in wixii gacan ah ee aannu idin siin karayno idin siino,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa laf ahaantoodu jaamacadaha kula dardaarmay in deeqaha waxbarashada ee ay bixinayaan soo ogaysiiyaan masuuliyiinta wasaarada si muhiimada koowaad loo siiyo ardayda sannadkan dugsiyada ka baxday ee aan awoodday in ay iska bixiyaan fiiga jaamacadaha.

Sidoo kale, masuuliyiinta Jaamacada gaarka loo leeyahay ayaa soo dhaweeyey go’aankan , ballanqaadayna in ay deeqah waxbarashada si caddaalad ah u bixin doonaan, wasaaradda ka soo tallo gelin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here