Wasarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Been Abuura Oo Warbaahinta Qaarkeed Qoreen

0
501

Wasarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Been Abuura Oo Warbaahinta Qaarkeed Qoreen.

Hargaysa(WN)- Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar baro bogaando iyo been abuura oo ay warbaahinta qaar ka qoreen wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Waran-Cade.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay Wararkaasi ay warbaahintu faafisay

ayaa sheegay inaan haba yaraatee wax ka jiraa aanay jirin isla markaana ay yihiiin wararkii been abuurka ahaa ee warbaahinta qaarkeed caadaysteen

Waxaana hadaladiisii kamid ahaa:-

“ waxaan halkan ku beeninayaa warar ilaa xalayba warbaahinta qaarkeed qorayeen kuwaasoo ah boro bogaando iyo been abuur aanay waxba kajirin, oo sheegaya in wasiir Cali Warancade Hub ka qaatay xerada Ciidamada Bada Somaliland.

Anoo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Afka Wasaarada Waxaan Halkan Bulshada Uga Cadaynayaa in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade uu Yahay masuul qaran jecelna dalkiisa iyo dadkiisa oo bilaa godoba ciidamada kala duwan ee dalkana waxaan hubaa inuu wax uu taro mooyee aanuu hunguraynayn inuu damac ka gallo.

Sida aan la wada socono warbaahinteenu waxa ay wakhtiyadan danbe caadaysay inay dadka fadeexadeeyaan oo sharaftooda iyo sumcadoodaba ay meel kaga dhacaan iyada oo aanuu jirin sharci u ogolaanaya ama xeer u damaanad qaadaya inay masuul qaran ama muwaadin sumcadiida meel kaga dhacaan.

Waxaan halkan uga digayaa warbahin badan oo caadaysatay wararka been abuuka iyo borobogaandada ah ee sida ka baxsan xeerarka warbaahinta iyo shuruucda caalamida ah u adeegsada mihnada warbaahinta isla markaana aan wasaradu kaga hadhi doonin wararka been abuurka iyo magic dilka ah ee ay baahiyaan”

Xafiiska Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha GUdaha