Wasiir C.laahi Cukuse oo ka hadlay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Buuhoodle Una Caqli Celiyey Prof Galaydh

0
360

Wasiir C.laahi Cukuse oo ka hadlay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Buuhoodle Una Caqli Celiyey Prof Galaydh

Hargaysa (Warsugannews)- Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalint Somaliland Mudane C/Laahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa fariimo iskugu jira digniino iyo dardaaran u diray siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ugu baaqay inuu dhibaatada ka daayo bulshada ku dhaqan buuhoodle.

Sidoo kalena waxa uu wasiirku bulshada reer buuhoodle ugu baaqay inay ilaashadaan amniga iyo xasilooda buuhoodle .

Wasiir C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxa uu hadalkiisa ku yidhi “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ka hadalno,mowqifka xukuumada j.s.l ee Deegaanka Gobolka Buuhoodle oo maalmahan danbe ay soo noq noqotay hadal hayn ah inuu halkaa ku sugan yahay Cali Khaliif Galaydh , oo ka wada kacdoono iyo rabshado hor leh Isagoo si guruacan ugu tiraabay inuu halka ka samayn doono dagaalo dhiig ku daato.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu tilmaan ka bixiyey Siyaasadda Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Ku Wajahan Nabad ku wada noolaanshiiyaha Bulshadda isagoo yidhi “Siyaasada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed maxamed Maxmuud Siilaanyo & Guud ahaanba xukuumada Somaliland ee ku wajahan wada noolanshaha iyo wada daganaanshaha mandaqada geeska africa ee ku wajahan wada noolanshaha iyo daganaan shaha shacbiga jamhuuriyada somaliland ,gudhiisa waxa ay tahay In shacbiga Jmahuriyada somaliland oo la yaqaano xuduudo sugana leh ay nabad ku wada noolaadaan ,wax kastana walaalnimo iyo nabad ku qaybsadan ilaahay ka baryimaayo mana jeclin qof kasta iyo koox kasta inay shacbiga somaliland & noloshiisa haday Bari tahay iyo Haday Galbeed tahayba hadya Buuhodle iyo haday burco tahay ,haday hargaysa tahay iyo haday laascanod tahay midna inay rabshad ka dhex aloosmaan ma jeclin mana doonayno intii awoodayda ahna waanu ka difaacayna” .

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Wuxuu iftiimiyey hadalo xasaradaysan oo ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh isagoo fariina u diray Bulshadda ku dhaqan Gobolka Buuhoodle “Shacbiga Buuhoodle waxaanu ugu yeedhayna oo aanu dib u xasuusinayna hadalada xanafta leh ee uu ku hadlayo Cali Khaliif , ee ahaa anigu waxaan u taagnahay dagaal ( Subxaanalaahi ) Isagoo todobaatan jir ah ,inuu maanta ku dhawaaqo oo ku tiraabo inuu dagaal isu taago oo uu dhiig daadiyo aad baan uga xumahay” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan Cali Khaliif Xasuusinaya Da,di la xasuusin lahaa ma jooge’ee Guriga uu Buuhoodle maanta ka degan yahay Ubadka Guriga Hareerihiisa ku Ciyaaraya Inay sida Ubadkiisa Maraykanka Ku Nool Waxbarasho u baahan yihiin inay sida ubadkiisa maraykanka ku nool biyo iyo caafimaad iyo cuntaba u bahan yahiin ,inay sida ubadkiisa maraykanka ku nool caafimaad iyo Daawo-ba u bahan yahiin, May ahayn Mana Qabato Caruurta guriga aad degen tahay hortiisa tuban ee markaad soo baxdo cadceeda kulul sidaa ku eega inaad ugu yeedho dagaal iyo dhiig daata oo aad mustaqbalkooda ku casuunto Dhiig la Qubo May ahayn Mana qabato, Adiga kuma qabto Cali Khaliif ahaan shacbiga Somaliland ma qabato”.

Wasiir C.laahi Maxamed Daahir Cukuse isagoo sido kale ka hadlaya xaalada abaareed ee dalka ka jirta ayaa wuxuu ugu Caqli celiyay Cali Khaliif inuu Garowsado Dhibka shacabka haysta iyo gurmadka loo baahan yahay in qof kasto Muslim ahi maantoo kale ugu gargaaro umada masaakinta ee haraadka iyo gaajadu ku haysto meel kasta isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waad ogtihiin maanta waxa jirta xaalad abaarad oo aad u daran Deegaamada dalkeena Bari & Galbeedba haba sii kala darnaadaane.

Waad ogtahiin oo dhaqan baynu u leenahay inay beeluhu isu guuri jirtay oo beelaha kala degaanka ahi ay isu guurana miciina is bidaan maalintan oo kalana isu ciidmaanoo waa la is caawiya deegaankaa wax la iska siiya baadka iyo biyaha wixii la haysto la wadaaga nolosha la iska kaaba, Maaha Maalmaha uu Cali Khaliif meesha yimaado (Buuhoodle) inaynu dagaal uun hadal-hayno mana qabto isaga mar kale ayaan ku celinayaaye Dadkana ma qabato”

Wasiirku Wuxuu u Caqli Celiyey Cali Khaliif oo hore ugu baaqay dagaal iyo colaad Wuxuuna hoosta ka xariiqay dhibta ka dhalata dagaal “Dagaalku Ma wacna Nabadaa wanaagsan Dagaalku Dhiig buu leeyahay,dad baa ku dhinta oo ummada ku halaagma Ubad baa aabahood ku waaya oo ku Agoomooba ma wanaagsana waxa wacani waa nabada Qofku haduu qof weyn yahay Waxaa Muhiim ah inuu eego Horumarka, Rajadda iyo Mustaqbalka Ubadka Yar yar ee soo koraya Waa taas inuu ka fikiraa”.

Wasiir Cukuse Wuxuu intaas ku daray “Cali Khaliifoow Buuhoodle Markaad joogto Xamar iyo burco Waxaa kuu dhow Burco, Burco ayay buuhoodle wax ka dhexeeyaan oo ay tahay inaad heshiiso oo ka shaqayso inay wax wada qabsadaan inta aad Kun Killo Mitir doolaalo uga imanayso adigoo dhib u wada taasi ma fiicna” .

Wasiirku wuxuu sido kale talo iyo tusaaleba u diray shacabka reer buuhoodle oo uu ugu baaqay inay ilaashadan nabaddooda iyo Wada dhalashadda ka dhaxaysa waxaanu wasiirku uu yidhi “Ehel iyo Xiddid baad tihiin dhawaana Waatii dib heshiisinta iyo islaaaxa coladeed la soo af jaray insha allaahuna wixii dhiman Waanu dhamaynaynaa ee ilaahay baan idinku dhaariye’ee ka xishooda oo nafihiina u tudha waxaad isugu yeedhan oo isku waanisaan nabada iyo waxa ilaahay idiin faray inaad ilaalisan”.

Gaba gabadi Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Wuxuu Hadalkiisa ku soo Gunaanaday “Cali khaliif anigu eray xun odhan mayno waxaanu xasuusinaynaa wanaagu waxa uu yahay waxaanu xasuusinayna in Professor Saleeban Axmed Guuleed oo Boorama Jooga Iyo Axmed Siilaanyo oo ah Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ahiba ay da,aadiisa yihiin inay ka Taliyaan Nabada,Waxbarashadda iyo Horumarka dalkooda, Waxaana loo baahan yahay inaad adiguna ku dayato”