Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Saaka Geeriyooday Somaliland

0
90

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka maamul Gobolleedka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos ayaa saaka oo Arbaco ku geeriyooday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Warar aanu heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Cabdi Ismaaciil uu maalmihii dambe xanuun haayay, waxaana xalay xaalad Caafimaad darteed looga qaaday Magaalada Garoowe.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa Wasiirkii hore Beeraha iyo Waraabka Puntland u soo qaaday Magaalada Hargeysa, hayeeshee intii dhex lasii waday ayuu ku geeriyooday Magaalada Burco.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil Boos ayaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Puntland uu ahaa 2014-2015, isla markaana waxaa xusid mudan inuu soo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Bangiga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here