Wasiir Samsam Cabdi, waa Qof aad u naxariis badan, kuna dedaashaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah…” Xagla-Toosiye

0
635

Wasiir Samsam Cabdi waa Qof aad u naxariis badan, kuna dedaasha deegyada bulshada ee muhiimka ah…” Xagla-Toosiye

“Wasiir Samsam Cabdi, waa Qof aad u naxariis badan, kuna dedaashaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah…” Xagla-Toosiye

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xarun caafimaadka Hooyada & Dhalaanka oo laga dhisay tuulada Wado-Makaahiil ku wareejisay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye).

Xafladda wareejinta xaruntan MCH oo ka dhacday deegaan ka tirsan degmada Faraweyne oo socdaal ku tageen doraad wefdiga wasiiro iyo masuuliyiin kale ku jireen oo Wasiirka Maaliyadu Marwo Samsam Cabdi hogaaminaysay ayey ka soo qeybgaleen masuuliyiinta tuulada iyo degmada iyo shacabka ku nool tuulada Wado-Makaahiil.

Masuul u hadlay Maamulka degmada Faraweyne oo xaflada wareejinta ka hadlay ayaa yidhi, “Si weyn ayaan u soo dhoweynayna wasiirada iyo marti-sharafta booqashada noogu yimi, isla markaana nagu wareejinaya dhismaha xaruntan caafimaad iyo dawooyinka la socda, oo shacabka deegaanadu baahi weyn u qabeen. Waxqabadkan xukuumada waxaan kaga abaalcelinaynaa inaan garab-istaagno.”

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo xaflada lagu wareejinayey xaruntan cusub ee MCH Wado-Makaahiil ka hadlay ayaa yidhi,  “Dhismaha Xaruntan MCH-ku waxay ka mid ahayd ballanqaadyadii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo, uu sameeyey markuu booqashada ku marayey deegaankan horaantii sannadkan.”

Isagoo raaciyey, “Xaruntan cusub waa mid dabooli doonta baahiyaadka caafimaad ee deegaamadan ka jira. Wasiir Samsam Cabdi, waa qof aad u naxariis badan, kuna dedaashaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah.”

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Adan oo gebagebadii ka hadashay xaflada ayaa tidhi, “Waxa muuqata in biyahii iyo caafimaadkii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo markuu booqashada ku marayey ballanqaaday inoo suurtoobaan, ilaahay baa mahad ku leh.

Wasiir Samsam oo la dardaarmaysa shacabka Wado-Makaahiil ayaa tidhi, “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan xaruntan cusub, gaadhiga ambulaanska iyo biyahaba.”

Wareejinta xaruntan cusub ee MCH  ayaa qeyb ka noqonaya mashaariic kala duwan oo dhinacyada adeega bulshada oo wasaarada Maaliyadu maalgelisay mudadii ay xilka haysay Wasiir Samsam Cabdi Adan, halka qaar kale la saadaalinayo mudooyinka soo socda wareejintooda