Wasiirada Arrimaha Gudaha Ee Somaliland iyo Federalka Ethiopia Oo Addis Ababa Ku Kulmay iyo Arrimaha La Isla Gartay

0
461

Wasiirada Arrimaha Gudaha Ee Somaliland iyo Federalka Ethiopia Oo Addis Ababa Ku Kulmay iyo Arrimaha La Isla Gartay

Addis ababa(Warsugannews)September-13-2015-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay dhigiisa Ethiopia Shiferaw Teklemariam, iyagoo wada jir u lafo guray iskaashiga arrimaha ammaanka ee labada dal.

11990688_1627744920823193_8590947730713083055_n

11140009_1627744974156521_7832147847972441726_n

Kulanka oo dhacay 10-kii bishan ayaa dhexmaray Wasiir Warancadde iyo wasiirka daakhiliga dawladda Federalka ah ee Ethiopia oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo booliska waddankaasi ah, waxaana laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadista tayada iyo agabka booliska Somaliland.

War Qoraal ah oo wasaaradda Daakhiliga Somaliland kulanka ka soo saartay ayaa u dhignaa sidan:-

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde iyo dhigiisa Wasiirka arrimaha gudaha federalka Ethiopia Shiferaw Teklemariam, oo ay weheliyeen saraakiil sare oo Booliska ah ayaa dhawaan ku kulmay Addis ababa.

Wasiiradu waxay falanqeeyeen, sidii loo horumarin lahaa tababarada booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladda Ethiopia waxay taageero buuxda oo dhinaca agabka iyo qalabka ka hor tagista rabshadaha ah siinaysaa booliska Somaliland.

Labada masuul sidoo kale waxay wada lafo gureen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha dhinaca ammaanka ee labada dal. Waxaa jiri doona shir balaadhan oo Ethiopia ka dhici doona,kaas oo lagaga hadli doono isku socodka labada dal ee xuduuda, ammaanka iyo tahriibta Somaliland iyo Ethiopia,” ayaa lagu yidhi Qoraalka wasaaradda Daakhiliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here