Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

0
368

Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland, Mudane Baashe Cali Jaamac, ayaa si cadho leh uga falceliyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, kaasi oo ku saabsanaa in mashruuca qaybta ka ah biyo balaadhinta Hargeysa ee Xumbo-weyne istaagay. Wasiirku wuxuu sheegay inaanay shaqada Maareeyaha ahayn arrintaasi, islamarkaana uu ku khaldan yahay.

Ibraahin Siyaad Yoonis, ayaa dhawaan barmaamij su’aalo lagu waydiinayay ka sheegay inuu gabi ahaanba is taagay mashruuca Xumbo-weyne “Mashruuc Xumbo-weyne la yidhaa oo habayaraatee imika socdaa ma jiro. Mashruucaas waxaa Xumbo-weyne laga qoday 12 Ceel oo sida loo qoday su’aalo badan ka taagnaayeen, taas oo ahayd wajiga koobaad, wajiga labaadna wuxuu ahaa in Dhuumihii la soo dhigo oo baraagihii la sameeyo, ilaa haddana waanu sugaynaa,” ayuu yidhi Maareeyaha oo su’aal dadweynuhu mashruuca ka waydiiyay ka jawaabayay.

Maareeyaha ayaa sheegay in dhalliisha arrintaasi dul taallo cidda dawladda Imaaraadka ee mashruuca fulinaysay lacagta u soo dhiibtay, islamarkaana aanay iyaga ilaa hadda waxba ka soo gaadhin, hase ahaatee wasiirka Biyaha oo shalay hadalkaasi ka jawaabay ayaa si cadho leh u yidhi sidan “Wax istaagay ma jiraan. Mashruucii wuu socdaa, Maareeyaha wakaaladda Biyuhu ma xukumo mashruuca, biyaha Hargeysa ayuu xuurto ku haystaa oo aan wasaaradda hoos iman, hadduu waxaas yidhina wuu khaldan yahay,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

Mashaariicda Biyo balaadhinta Hargeysa ee Midawga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu maalgalinayo ayaa bulshada Hargeysa muddo ka dhur sugaysay, balse khilaafka madaxda biyaha ayaa u muuqda mid curyaamin kara dhammaystirka mashaariicdaasi. Wasiirka ayaa hadalkiisa laga dareemayaa sida aanay wakaaladda biyahu u ahayn mid maamulkiisa hoos tagta, taasi oo madaxtooyada hoos tagta.

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office