Wasiirka Boosaha Oo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyey Qaybo Ka Mid Ah Laamaha Wasaaradda

0
343

Wasiirka Boosaha Oo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyey Qaybo Ka Mid Ah Laamaha Wasaaradda

Hargeysa (WSN) Wasiirka wasaaradda boosaha iyo Isgaadhsiinta mudane Maxamuud Cabdilaahi Cige ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay wasaaradda boosaha, gaar ahaana agaasime waaxeedyo cusub.

Wasiirka ayaa magacaabista agaasimayaasha cusub ku macneeyey shaqada oo dib loo dardar galiyo, waxaanu sidaasi ku sheegay wasiirku qoraal uu ku saxeexan yahay “Iyadoo lagu jiri in la dardargaliy hawsha wasaarada laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 5/10/2016, waxaan soo saaraya wareegtadda isku shaandheynta agaasimeyaasha waaxaha ee wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta , marka aan arkay habsami socodka iyo dardargalinta shaqada waxaan ogsoonaday in aan isku shaandheeeyo agaasimahayeyaasha waaxaha sidan soo socota:

Laga bilaabo maanta oo taariiikhdu tahay 5/10/1016, waxaan u mgacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta Cabdilaahi Ibraahim Maxamuud oo hore u ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta.
Laga bilaabo maanta In mukhtaar Faarax Cabdi ahaado agaasimaha waaxda boosta, horana u ahaa agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta.

Laga bilaabo maanta Inuu ahaado Cabdilaahi Jaamac Ibraahim Barawaani uu ahaado agaasimaha waaxda qorsheynta, horana u ahaa agaasimaha waaxda boosta.
Dhammaan masuuliyadiinta kor ku xusan waxa la farayaa in xilalka loo magacaabay ula kala wareegaan sida ugu dhakhsiyaha badan, waxa si gaar ahna la farayaa Agaasimaha guud ee wasaarada inuu xilalka u kala wareejiyo agaasimaaashan waaxyaha.

Alla mahad leh
Maxamuud Cabdilaahi Cige, wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland