Wasiirka Caafimaad Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Ciidanka Dab-damiska Somaliland + Sawiro

0
471

Wasiirka Caafimaad Dr.Saleebaan Xaglo-toosiye Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Ciidanka Dab-damiska Somaliland

Hargeysa(Warsugannews)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa maanta booqasho ku yimi Xarunta Ciidanka Dab_demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Somaliland ,waxaana wasiirka halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha guud ee Ciidanka Dabdemiska Qaranka Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) iyoAgaasimaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo dhamaan shaqaale weynaha Ciidanka Dab_demiska Qaranka.

Ugu horayn warbixino ka siiyay wasiirka Taliye Sawaaxili,Agaasimaha Guud Cabdiqaadir Cumar Xaashi waxaanay faahfaahin ka bixiyeen sida Ciidanka Dab_demiska Qaranku u shaqeeyaan,hawlaha ay qaranka u hayaan iyo waxyaabihii u qabsoomay Ciidanka dabdemiska Qaranka iyadoo Wasiir Xaglatoosiye ku qancay dhamaan warbixinhii ay siiyeen maamulku,sidoo kalena waxaa wasiirku kormeer ku soo maray dhamaan xafiisyada xarunta oo ay ka mid ahaayeen hoolka shirarka,operatorada,hoostada gaadiidka iyo dhamaan xafiisyada ay ka koobantay Xarunta Ciidanka Dab-demisku.

Dhankiisa waxaa isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye isagoo uga mahadnaqay Ciidanka Dab-demiska Qaranka soo dhawaynta ay u sameeyeen sidoo kale wuxuu wasiirku ka garaabay hawsha baaxada leh ee ay qabteen ciidanku iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ugu jiraan Qaranka JSL,sidoo kalena waxa uu wasiirku ballanqaaday in gawaadhida Amblunce ka ah ee wasaaradu ay mar walba raaci doonaan gawaadhida Ciidanka dabdemiska markasta oo hawlgal ay galayaan,sidoo kalena wuxuu wasiirku sheegay inay gaadiid Amblunce ah oo u gaara ciidanku inuu u keeni doono.

Ugu dambayn kulankaa wasiirka iyo maamulka ciidanka dabdmeiska ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad iyadoo Hogaanka Ciidanka Dab-damiskuna uga mahadnaqay wasiirka Booqashadaa uu ugu yimid iyo ballanqaadadaa uu u sameeyay Ciidanka dabdemiska.

Maaha markii ugu horaysay ee wasiiro xukuumada ka tirsan ay ku yimaadaan kormeero xarunta Ciidanka Dab-demiska Qaranka waxaana maalmahan u dambaysay booqashooyin kala dambeeyay ku imanayeen wufuud ka tirsan xukuumada JSL.