Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Guddi Farsamo Oo Itoobiya Kala Xaajoon Doona Arrimaha Ganacsiga iyo Nabad Galyadda Oo Safar Shaqo U Tagay Addis Ababa

0
331

Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Guddi Farsamo Oo Itoobiya Kala Xaajoon Doona Arrimaha Ganacsiga iyo Nabad Galyadda Oo Safar Shaqo U Tagay Addis Ababa

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa madaarka caasimadda Hargeysa ku sagootiyey wefti Itoobiyan ah oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Somaliland.

Wasiirka ayaa kulan dardaaran iyo sii sagootin ah kula qaatay guddi farsamo oo ka koobnaa khubaro, aqoon-yahanno, maamulka sare ee dekkedda Berbera iyo agaasimayaal guud oo Xukuumadda Somaliland u matalayey wadahadaladii arrimaha Ganacsiga, Transit-ka, arrimaha nabadgelyada ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia. Wasiirku wuxuu weftiga kula sii dardaarmay inay wax walba ka hor mariyaan danaha iyo maslaxadaha uu leeyahay qaranka Somaliland.
Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo ka hadlay ka hor intii aanay masuuliyiintaasi ka dhoofin garoonka Cigaal Airport ayaa ka war bixiyey safarka iyo ujeedadiisa “Weftiga halkan jooga ee aqoon-yanadda iyo masuuliyiinta kale ee qaranka waxay diyaar u yihiin inay u duulaan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya halkaas oo ay wada hadalo kula gali doonaan xukuumadda Itoobiya, wada hadaladaasi waxay quseeyaan arrimaha Transit-ka, hawlaha kale ee nabad galyo, kuwa is-kaashi iyo kuwa Dekadda ee Somaliland doonayso inay kala hadasho dawladda Itoobiya waana wada-hadalo hore u socday”

Wasiirka ganacsiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray”29 February shir weyna ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Berbera, shirkaa waxaa lagaga hadlayey arrimaha ganacsiga, iskaashiga iyo arrimaha aynu soo sheegnay. Guud ahaan waa koox u darban diyaarna u ah inay danaha iyo maslaxadaha qaranka Somaliland wax walba ka horumariyaan ayna difaacaan meesha danta qaranka somaliland ku jirto waxaanan ku kal soonahay boqolkiiba boqol ragaa aqoon-yahanada ah iyo masuuliyiinta kale ee qaranka ee halkan joogaa inay yihiin kuwii maanta dalku u baahan, markaa mudanayaal waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad danta qarankeena wax walba ka hor-marisaan, bi’idni lahaa idinka oo guul sidana aanu dalka idin ku soo dhaweyn doono”

12887453_10209120339467900_1735447477_o

12895271_1049883918383612_1564260729_n

12896214_10209120365028539_985803420_o

12915019_10209120339427899_1021442480_o