Wasiirka Hawlaha Guud, Cali Mareexaan’ Haldoor Ku Suntan Horumarka Iyo Wax Qabadka Somaliland.

0
368

Wasiirka Hawlaha Guud, Cali Mareexaan’ Haldoor Ku Suntan Horumarka Iyo Wax Qabadka Somaliland.

By. Jaamac Aadan Maxamed

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyanta Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan) Haldoor ku sifoobay horumarinta Bulshadiisa.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa uu waxbadan ka sooqabtay Horumarka Baaxadda iyo dhinacayadda badan leh ee ka hanaqadaday dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay, Cli Maxamed Xasan (Cali-mareexaan) ka hor inta aannu noqon Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyanta waxa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Aqalka Golaha Wakiiladda ee Somaliland lagana soodoortay Gobolka Togdheer.

Muddaas uu ahaa Xildhbaanka waxa uu ahaa Xubin ka dhex Iftiimaysa Golaha wakiiladda Siyaasad ahaan iyo waxqabad ahaanba, waxana uu ahaa xubnaha ugu Fiirfircoon Xildhibaanadda Golaha ugu jira Xisbiga uu ka soo baxay ee KULMIYE.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyanta Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Cali Maxamed Xasan waxa uu wax qabad lataaban karo ka fuliyay Deegaanadii laga soo doortay waxana wax qabad lataaban karo uu ka fuliyay Degmooyinka QORYAALE, WAR-CIMRAAN, SHANSHACADDE, iyo waliba Deegaano kale oo aad u tirabadan, waxana Cali Mareexaan waxqabadyadiisu ahaayeen kuwo ka turjumaaya Baahidada Bulshadda ee adeegyadda Asaasiga ah, sida ISKUULO waxabarasho oo kaladuwan, SALDHIGYO BOOLIS, Gaadiid Loogu adeego dadka degaanadaasi oo lagu ilaalinaayo Amaanka Deegaanadasi iyo waliba waxaqabadyo kale oo ka hirgalay degaanadaasi sida adeegyo CAAFIMAAD iyo Kuwo Deegaanka ahba, ma ahayn in uu ka qayab qaatay oo kaliya Horumarka Deegaanadda uu ka soo jeedo Balse waxa uu sidaas oo kale Goobkasta ka shaqynaayay Horu markeeda iyo guud ahaanba wadanka Soaliland in uu dad iyo Deegaanba hore u maro oo uu kobco, taas bedelkeedana waxa uu ku kasbaday tageerayaal aad u tirabadan oo ku kala sugan wadanka gudihiisa iyo Debadiisaba kuwaas oo simuwaadin nimo ku dheehanatahay uga markaati kacay fir-fircoonida iyo waxqabadka Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan).

Waxa uu Sanadihii u danbeeyayna ku suntanaa Shakhiyaadka horumarka ka sameeyay Siyaasadda oo bulashadda Somaliland-na ku sifaysay Haldoorka, Siyaasadda iyo Horumarka Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxa uu October: 27/10/2015-ka uu magacaabay Liis Xubno Wasiiro ah kuwaas oo buuxinaayay Xilalkii ay iska Casileen Wasiiro bulshadu u arakaysay lafdhabarta Xukumadda, waxana Digreetadaasi kamid ahaa oo lagu soo magacaabay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka, iyo Guriyanta ee Somaliland oo Madaxwaynaha Somaliland u igmaday Xilkaasi, Magacaabistaasi kadibna waxa Taageerayaasha Wasiirka Hawlaha Guud ay warbaahinta kala duwan ee Mareega, Wargeysyadda, iyo Telefishan-kaba ku baahiyeen Dhanbaalo hanabalyo ah oo ay ku muujinayaan sida ay u tageersanayihiin Masuulkaas iyo sida Madwaynuhu u asiibay Masuul Horumarka wadanka ku suntan.

Madaxwaynaha Jamahuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxa uu, Novenbar: 08/11/2015-ka, Wasaaradda Madaxatooyadda Ka saaray Hay’adii dhawrista tayadda Wadooyinka oo uu Hoos Geeysy Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyanta ee Cali Maxamed Xasan, ka yahay Wasiirka, waxanay Hay’addaasi kor u qaaday Baaaxadii shaqo iyo horumarineed ee Wasaaraddaasi, isaga oo Wasiirka Hawlaha Guudna ku qaabilay Hay’adda waayo aragnimo,hawlkarnimo iyo wax qabdkii uu mudada badan ku suntana, waxana Hay’addu dalka u qaabilsanatahay horumarinta guud ahaanba wadooyinka marka laga reebo Dawladaha Hoose.

Cali Maxamed Xasan (Cali-Mareexaan) ayaa waxa uu horeba kaga dhaqaaqay wax qabadkisii isaga oo warbixno ka dhageystay Masuuliyiinta Hay’addaasi, hanaankooda shaqo ee ku aadan wadooyinka dalka Somaliland isaga oo wasiirku kormeer ku soo sameeyay dhismayaasha wadad Dila ilaa kala bayd, halka uu sidoo kalena Safar shaqo ugu baxay Magaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer halkaas oo uu kormeer ku soo sameeyay Labadda Biriij ee ay leedhay Magaladda Burco oo dayac tir lagu samayn doono.