Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka oo sheegay In Qorshahoodu Yahay In Waddooyinka Dalku Noqdaan Qaar Casri Ah

0
394

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka oo sheegay In Qorshahoodu Yahay In Waddooyinka Dalku Noqdaan Qaar Casri Ah

Hargeysa(Warsugannews) Wasiirka Sheegay In Qorshahoodu Yahay In Waddooyinka Dalku Noqdaan Qaar Casri Ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan),ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Somaliland in uu yahay in guud ahaan Somaliland ay noqoto oo dal dhanka isku xidhka waddooyinka casriga ah iskaga xidhan oo la wada gaadhsiiyo guud ahaan Somaliland jidadka casriga ah ee isku xidhaya dalka oo dhan.

Waxaanu Wasiirku intaa ku daray in tallaabada ay Xukuumaddu u dooratay isla markaana kaalinta koobaad ay u siisay Waddooyinku in ay yihiin dariiqa horumarka iyo bar bilawga koboca ilaha dhaqan dhaqaale ee dal yeesho.

Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiir Cali Mareexaan kor meer ay shalay wada jir ugu soo mareen isaga iyo guddoomiyaha Hay’ada waddooyinku oo socdaal indha indhayn ah ku tegay jidka isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh, oo ay ka socoto hawl lagu dayac-tirayo jidkaas.

Jidkan oo mihiim u ah gaadiidka u kala goosha magaalada Hargeysa iyo gobolada galbeedka Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay hay’adda waddooyinka Somaliland halkaasi ka wadday dayac-tir ballaadhan, waxaana maalgelinaya mashruucani sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).

Agaasimaha mashaariicda Hay’adda Waddooyinka Somaliland Yaasin Cali Aadan oo ugu horreyn halkaasi ka hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyay cida mashruucan maalgallintiisa ka caawisay, waxaanu yidhi “mashruucan oo ka mid ahaa labadii mashruuc ee Somaliland-ta ay ka caawinaysay Hay’ada SDF, mashruucuna waxa uu marayaa meel wanaagsan, horumar wanaagsana waa uu sameeyay, waxaananu filaynaa inuu mudadiisa ku dhamaan doono.”

Yaasiin Cali Aadan waxa kale oo uu sheegay in jidkani mihiim u yahay isku xidhka gobolada Galbeedka Somaliland iyo caasimada dalkana waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa in mashruucani wax badan ka tari doono isku xidhka magaalada Hargeysa iyo gobolka Awdal, waana mashruuc aad u mihiima roobabka uun baa hakad na yara galiyay, laakiin imika si wanaagsan ayay shaqadu u socotaa, waxaanuna filaynaa inuu sida ugu wacan uu u dhamaan doono.”

Mareeyaha wakaalada wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi, waxaanu sheegay in jidkani mihiim u yahay isku xidhka gobolada Awdal iyo Maroodijeex.

Xasan Cali Cismaan isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “mudane wasiir waxaa maanta sharaf noo ah inaad shaqadaadi ugu horreysay ee aad qabato, aad ka bilowdo wadooyinka iyo mashruucii ay waday wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland oo ah mashruuca Dila iyo Kalabaydh oo ah runtii mashruuc hadafkiisu yahay isku xidhka qaybihii ka dhinaa , gobolka Awdal iyo gobolka Marroodijeex isku xidhkooda iyo gobolka Gabilayba.”

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Mashruucan waxaa loo arkaa inuu dhab ahaantii yahay mashruuc aad u mihiima, aad baanu runtii kuugu soo dhaweynaynaa, kuuguna mahadnaqaynaa, mar labaadka. mashruucani mudo ayuu soo socday, hakad yarina waa uu galay oo roobabka iyo cilado yar yar oo dhanka qalabka ah ayaa yar hakiyay, laakiin sida aad imika aragtaan qalabkii waa uu wada yaala dhamaantii wakhtigii loogu talagalayna waa uu ku dhamaan doona insha Allah”
Wasiirka hawlaha Guud oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wadooyinku yihiin halbawlihii iyo kaabayaasha dhanka dhaqaalaha ugu waa weyn waxanu yidhi “mashruucan oo socday muddo ilaa imika lix-bilood ah ayaan maanta(shalay) halkan u imid kormeerkeeda, waxana maalgalinaysa mashruucan Hay’ada SDF, fulintiisa iyo hawshiisana ay wado Hay’adda qaranka Somaliland oo aanu imika soo indha indhaynay, shaqo aad u wanaagsana laga qabtay , shaqada hadhsana sida uu qorsha hawleedku yahay lagu dhamaystiri doono ilaa bisha Jenawari.”

Wasiirka Hawlaha Guud Waxaa uu shaqaalaha hawshan wadada gacanta ku haya iyo masuuliyiinta Hay’adda waddooyinkaba u sheegay in loo baahan yahay in la kaantaroolo mashruucani si hawshani u dhamaato waxanu yidhi “Maalin walbana waxaa la qabanayaa waa ay cad yihiin, waxaana gabi ahaanba shaqaalaha ka shaqaynaaya iyo kuwa Hay’ada wadooyinkaba looga baahan yahay in maalin walba la kaantaroolo waxa la qabanaayo si ay shaqadu u fusho, balaankii iyo qorshihii mashruuci u hirgalo oo uu u suuragalo.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Ta labaad waddooyinku waa halbawlaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha kuwa ugu waaweyn, taasi ayaanay tahay sababta ay dawladda Somaliland uga dhigatay waxa ugu mihiimsan waxyaabaha ay qabanayso iyo in meelkasta iyo goobkastana la qorsheeyo in waddooyinku gaadhaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here