Wasiirka Maaliyadda Oo Dhagax-dhigtay Dhisme Lagu Dawayn Doono Shaqaalaha Dawladda

0
415

Wasiirka Maaliyadda Oo Dhagax-dhigtay Dhisme Lagu Dawayn Doono Shaqaalaha Dawladda

Hargaysa (warsugannews:- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta dhagax-dhigtay laba Qol oo lagu dari-doono dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa, kuwaasi oo loogu tallo-galay in lagu daryeello shaqaalaha dawladda ee ay ku timaaddo xaalad caaafimaad oo deg-deg ah.

Munaasibadan dhagax-dhiga labadda qol waxaa ka soo qayb galay agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, xubno ka tirsan maamulka cusbitaalka.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, ayaa wasiirka maaliyadda uga mahad celiyay in ay u dhagax-dhigto labadan qol ee loogu tallo galay shaqaalaha dawladda ee xaaladaha caafimeed ee deg-dega ahi ku yimaadaan. Waxaanu tilmaamay in wasiir Samsam ay mar walba bar-bar taagan tahay wax u qabashadda cusbitaalka, isla markaana ay waxyaabo badan ku soo kordhisay qaybo badan.

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo iyadna halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa ka warantay muhiimadda ay leedahay in dhaqaale la geliyo meelaha adeegyadda bulshadda bixiya, sida caafimaadka, waxbarashadda iyo biyaha.

Samsam Cabdi Aadan, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan diyaar u ahay oo aan jecelahay in ay horumaraan cusbitaaladda dalka iyo meelaha danta guud ah, meelahaasi oo haddii wax la geliyo ummadda wax u taraya, meelahan yar yare e gaarka loo leeyahay waxba ma tarayaan. Laakiin meelaha dadweynaha sida caafimaadka, biyaha, waxbarashadda ayaynu doonaynaa in aynu wax gelino. Waxaanu doonaynaa in aanu labadaasi qol u dhamays tirno qalabkoodda, shaqaalena aanu u qorno, si ay u noqdaan wax cusub oo cusbitaalka ku soo biiray, iyaguna ay ugu kala nafisaan, oo ay mashquulka haysta ugaga baxaan.

Inta aan wasiirka maaliyadda ahay waxaan leeyahay aynu ku dedaalno, oo aynu ka faa’iidaysano in wixii ummadda wax u taraya meesha uu doono ha ahaadee in ay wax ka qabano, oo aynu dhaqaale badan gelino. Ma aha markii u horaysay oo aan ka qayb qaato wax ka qabashadda cusbitaalka, marar badan ooh ore ayaan ka qayb qaatay. Waxaynu doonaynaa in aynu dadkeena wax tusno, sidii aynu wax u qabsan lahayn.”

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here