Wasiirka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac Tacsi U diray

0
393

Wasiirka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac Tacsi U diray

Hargeysa(WSN)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cali Axmed Cali waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo ku geeriyooday Waddanka Ingiriiska, halkaas oo uu muddooyinkii u danbeeyey u jiifay xaalad caafimaad. Marxuumkana waxay Alle uga baryayaa inuu su’aasha qabriga u fudaydiyo una denbi dhaafo, naxariista janadana ka waraabiyo.