Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Oo Ka Jawaabay Warar Sheegaya Inuu Ka Mid Ahaa Wasiiro Ka Soo Hor Jeestay Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2017-ka

0
407

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Oo Ka Jawaabay Warar Sheegaya Inuu Ka Mid Ahaa Wasiiro Ka Soo Hor Jeestay Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2017-ka

Hargeysa(Warsugan) Wargeyska Warsugan oo Isku deyey inuu la xidhidho wasiiro laga baahiyey inay ka soo horjeesteen ansixinta miisaaniyada sanadka 2017ka iyo sababaha keenay ama inay wax ka jiraan wararkaasi ayaa helay wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Dr. Cumar Shucayb Mohamed, isagoo ka jawaabaya arrintaasi waxa uu yidhi” Horta aan mid idin sheege anigu waxan ahay wasiirka wasaaradda ganacsiga, waxanan xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca shaqada ah aanu wada leenahay wasaaradda Maaliyada oo waxa ay wasaaradaydu ka mid tahay wasaaradaha dakhliga miisaaniyada soo xareeya, waxaana qurux badan in sidaasi lo fahmo in labadaa wasaaradood ay leeyihiin xidhiidh wada shaqayneed oo aad isugu dhaw.

Hadaan kaaga jawaabo arrintaa ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada dalkuna waxa aan ku sheegayaa in aanu ahayn gole wasiiro ah oo madaxweynuhu shir gudoominayey mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, aniguna waxa aan ka mid ahaa wasiirada u codeeyey ee weliba farta u taagay in la ansixiyo miisaaniyada qaranka, mana garanayo meesha ay warkaasi ka keeneen saxaafaduna meesha ma joogin, warkuna waxa uu ku wacan yahay markaad xaqiiqadiisa hayso ee maaha inaad iska sawirato waxa aanad waxba ka ogayn ee ah waa la yidhi uun.

S. Mudane Wasiir madaama aad sheegtay in wasiiradu u gacan taageen dhamaan miisaaniyada wax ma nooga sheegi kartaa wasiirada kale ee la sheegay inay iyaguna diideen miisaaniyada ansixinteeda?
J. Waanigii adeero kaaga jawaabay wax wasiira oo ka aamusay ama diiday ma jiraan.
S. Wasiir haddiiba ay jiraan wax cabasho ah ama saluug ahi, habkee ayaad u martaan ma Wasaaradda Maaliyada ayaad u gudbisaan Mise Madaxweynaha?

J. taasi way fududahay, golaha wasiiradana lama keeno wax aan hore looga soo baaran degin ama aan la isla soo qaadan waxanan ku amaanayaa wasiirada Maaliyada sida qiimaha badan ee ay arrintaasi ula qaybsato wasiirada kale, wixii intaasi dheerna dee wasiirada waxa soo magacaaba Madaxweynaha isagaana loo gudbiyaa wixii tabasho ah, balse wax aanu u gudbinay ma jirin, saxaafadana looma cawdo waana arrimo dawladeed tan ay qoreen warbaahintu waana inay ka fiirsadaan wixii qaranka waxyeelaya.

Xigasho Wargeyska Warsugan