Wasiirka Xaglo-toosiye Oo Ka Warbixiyay Kaalinta Ay Wasaaradiisu Ka Qaadatay Gurmadka Dhinaca Caafimaadka Bulshadda Ee Goboladda Abaartu Haysato

0
471

Wasiirka Xaglo-toosiye Oo Ka Warbixiyay Kaalinta Ay Wasaaradiisu Ka Qaadatay Gurmadka Dhinaca Caafimaadka Bulshadda Ee Goboladda Abaartu Haysato

Hargaysa (WSN): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-tosiye), ayaa ka hadlay taakulaynta dhinaca daawooyinka arrimaha caafimadka ee ay wasaaradiisu ka gaysatay dadka ku nool goboladda bariga Somaliland ee ay abaartu ka jirto.

Wasiir Xaglo-toosiye, waxa uu ka warbixiyay doorka ay wasaaradiisu ka qaadatay gurmadka bulshadda ku nool gobolada ay abaartu ka jirto, gaar ahaana dhinaca caafimaadka iyo daawaynta xanuunadda ay keentay abaartu.

Wasiirka caafimaadka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa u mahad naqay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in uu gacan weyn ka gaystay gurmadka dhinaca caafimaadka ee ay wasaaradu kaga hawlgashay gobolada abaartu ka jirto.

Waxa kale oo uu tilmaamay in hay’adaha caalamiga ah ee wasaaradda caafimaadka kala shaqeeya arrimaha caafimaadka ay door muhiim ah ka qaaten sidii bulshadda ku nool degaamadda abaartu ka jirto gar gaar daawo ah loo gaadhsin lahaa.

Isagoo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayay-na waxa uu “Waxaan idiinku yeedhnay in aanu ka war-bixino gurmadkii iyo waxqabadkii wasaaradda caafimaadka ee ku waajahnaa xakamaynta xanuunadda ay keentay abaartu, waxaana ka mid ah hirgelinta xarunta caafimaad oo logu tallo-galay xakamaynta iyo daawaynta xanuunka shuban-biyoodka ee ka jira magaaladda Tog-wajaale.

Kooxaha caafimaad ee wareegaya ee aanu dirnay waa konton. Kontonkaasi xarumood waxay daboolayaan baahida 477 goobood, markaa kooxdiiba waxaa ku soo hagaagaya toban goobood. Kontonkaasi kooxood ee wareegaya waxay wataan daawooyinkii, dhakhaatiirtii ayaa saaran, kal-kaaliyeyaal caafimaad oo xirfadoodu sarayso ayaa la socda, umulisooyinkii ayaa la socda, qaybta fayo-dhawrka ayaa la socda (Hygiene and sanitation)”.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo jira 302 xarun caafimaad oo wadanka ku kala yaalla iyag-na heegan ayay ku jireen habeen iyo maalin-bana way shaqaynayeen, mudadda ay abaartu jirtay. Waxa kale oo ay wasaaradu waxay kala dirtay dhamaanba agaasime-waaxeedyadii, marka laga reebo hal agaasime-waaxeed xarunta wasaaradda ku hadhay, anagoo u kala dirnay lixda gobo lee dalka, waxaanay qaadeen daawooyin ay wasaaradu kaga qayb qaadanayso gurmadka dadka abaartu haleeshay”ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Geesta kale wasiirka ayaa ugu baaqay xisbiyadda siyaasada iyo bulshadaba in aan la siyaasadaynin xaaladaha nololeed eek u gedaaman dadka ay abaaruhu haystaan, isla markaana laga wada qayb qaato sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Dhinaca kale wasiirka caafimaadku waxa uu isla maanta deeq daawooyin ah kala wareegay hay’ada PSI, daawooyinkaasi oo isugu jiray daawooyinka ka hor taga shubanka, sifaynta biyaha, fuq-celinta iyo dawooyin kale.

Daawooyinkaasi oo ay hay’ada PSI sheegtay in ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka iyo samata-bixinta dhinaca xaaladaha caafimaadka ee loogu jiro bulshadda ku nool degaamadda ay abaartu haleeshay.

Wasiirka caafimaadka ayaa hay’adda PSI uga mahad celiyay daawooyinka ay ku soo caawisay bulshada tabaalaysan ee goboladda abartu hayso, isago xusay in daawooyinkaasi si deg deg ah logu gudbin doono meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha caafimaad darro.