Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Ka Hadlay Xukuumada Oo Dib Ugu Celisay Golaha Wakiilada Go’aankii Ay Ku Laaleen Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera

0
555

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Ka Hadlay Xukuumada Oo Dib Ugu Celisay Golaha Wakiilada Go’aankii Ay Ku Laaleen Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera

Hargeisa-(warsugannews)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhawayd ku qabtay magaalada Hargeysa, ku xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu maanta dib ugu celiyay Golaha Wakiilada go’aankii ay hore ugu laaleen wareejinya haamaha keydka Shidaalka Berbera, waxaanu Wasiirku sharci darro dastuurka baal marsan ku tilmaamay go’aankii ay golaha wakiiladu ku laaleen wareejinta haamaha shidaalka keydaka Berbera, waxaanu sheegay sababaha keenay in ay xukuumadda Somaliland dib ugu celiso golaha wakiiladda go’aankaa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi

”Ujeedadda shirkan jaraa’id ee aanu qabanay waxa weeye, waa celinta go’aanka ansaxinta laalista haamaha keydka shidaalka Berbera,

isla markaana xukuumada Somaliland, ee uu Madaxweynaha Ka Yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, uu go.aankii dib ugu celiyay golaha wakiilada, markaa go’aankaa ay xukuumadu maanta dib ugu celisay way haystaan shir guddoonka golaha Wakiiladu, go’aankaasi waxa uu ku salaysan yahay qodobka 12-aad ee dastuurka Somaliland, oo dhigaya in xukuumada Somaliland, ay xaq u leedahay gacan ku haynta hantida guurtada ah iyo ma guurtada ah in ay iibiso, iibsato, kiraysato, ku badalato wax u dhigma ama ku salayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan, qodobkaasi xukuumada waxa uu u siinayaa in ay iibiso, gacan ku haynteeda, Hadaba go’aanka ay ku laaleen golaha wakiiladu waxa uu ka hor imanayaa qodobka 12-aad ee dastuurka Somaliland, hadaba markaa sidaad ka wada war qabtaan go’aan kasta oo ay gaadhaan ama ay soo saaran golaha wakiiladu hadii aanay waafaqsanayn dastuurka Somaliland, waxa uu noqonayaa go’aan aan waafaqsanayn dastuurka, go aankaas ay gaadheen golaha wakiiladu 30/8/2015-ku, waxa uu ka hor imanayaa qodobka 12-aad, markaa Madaxweynaha iyo xukuumada Somaliland, waxay gaadgeen in dib loogu celiyo golaha Wakiilada,”

”Golaha wakiiladu waxa ay u cuskadeen qodobada 38-aad 39-aad, iyo 54-aad, farqadiisa 3-aad, markii aanu taa eegnay, iyo go’aanka ay gaadheen iyo seddexdaa qodob ee 38-aad, 39-aad, 54-aad, faqadiisa 3-aad, wax xidhiidh ah lama laha go’aankan waayo go’aan heshiis dhex maray xukuumada iyo ganacsata Somaliland, haba yaraatee ma jiro, laakiin xukuumada ama Madaxweynuhu waxay arkeen wadahadal dhex maray xukuumada iyo ganacsato Somaliland ah oo danaynaysa haamaha shidaalka Keydka Berbera, markaa wada hadal ayuunbaa socday ee heshiis la galay ma jiro. Golaha Wakiiladu waxay xaq u leeyihiin marka ay leeyihiin shrci baa la baal maray waxay xaq u leeyihiin marka ay heshiis ay xukuumadu gashay loo soo gudbiyo in ay ansixiyaan ama ay ka jawaabaan, markaa waxaan golaha wakiilada ku wargelinayaa ama aan ka codsanayaa in aad waajibaadka sharci ka gudataan maadaama aad tihiin gole sharci oo madax banaan.” ayuu shirkiisan jaraa’id ku yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somalilan

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here