“Wasiirka Xil Xukumaddeed Loo Magacaabo Marku Askarigiisa Inadeerki Ka Dhigto, Xog-Hayntiisana Inadeerki Ka Dhigto, Darawallkiisana Inadeerki Ka Dhigto, Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyadda Wasaaraddana Inadeerki Ka Dhigto….” Afhayeenka Xisbiga WADDANI

0
245

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa dhaliilay hab dhaqanka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland oo sheegay inay ehelkoodii isku xeereen dhinaca shaqada ay qaranka masuul uga yihiin.

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal kooban oo soo dhigay bartii xidhiidhka dadweynaha ee facebook ku yidhi sida tan:

“Wasiirka xil Xukumaddeed loo magacaabo marku Askarigiisa Inadeerki ka dhigto, Xog-hayntiisana Inadeerki ka dhigto, Darawallkiisana Inadeerki ka dhigto, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaraddana Inadeerki ka dhigto, Ma noqoneysa Wasaaraddu Wasaarad qaran oo Wasiir qaran joogo mise waa Wasaarad qoys oo Caaqil qoys joogo? In wali fahamka dawladdeed iyo hannaanka maamul wanaag la fahmi waaya

Waa arimaha hay’baddii iyo sharafti Hay’addaheena Dawladdeed laga rabay ka qaaday!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here