Wasiirro Ka Qayb Galay Daah-furka Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Ceerigaabo

0
426

Wasiirro Ka Qayb Galay Daah-furka Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Ceerigaabo

Ceerigaabo (Warsugannews)- Wefti Wasiirro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamad Waran-cadde oo hawlo-shaqo u joogay gobolka Sanaag, ayaa ka qayb galay xaflad lagu daah-furayay Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Somaliland ee SOVA, fariciisa Magaaladda Ceerigaabo.

Munaasibadan oo aheyd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay, wasiirka wasaarada dib u dejinta, wasiirka wasaarada gaashandhiga, wasiir ku xigeenka wasaarada gaashandhiga, gudoomiyaha gobolka Sanaag, Maayarka degmada Ceerigaabo iyo martisharaf aad u tiro badan.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa ugu horreyn halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynaayo ururkani waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Jamhuuriyada Somaliland, aad iyo aadbaanu ugu farax sanahay inay farac ku yeeshaan gobolka Sanaag.”

Wasiirka wasaarada gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku hambalyeeyay dhakhaatiirtan, sheegayna inay keeneen wax ka duwan waxyaabaha ay dhalinyarrada kale keenaan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiinku bogaadinaynaa waayo waxaad keenteen wax cusub oo ka bedalan wararkii dhalinyarradu ku mashquuleen, ee ah inay Hay’addaha furtaan dabadeedna siyaasada ku loolama, markaa waxaan runtii idinku bogaadinaya gobolkuna ku faani karaa dhalintii wax u soo baratay inay bilowgaa wanaagsan samayso, dhalinta kalena waa ay idinku dayan doonaan, guul baana aan idiin rajaynayaa.”

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamad (Warancade ) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xooluhu yihiin nimcooyinka ILLAAHAY ina siiyay loona baahan yahay in lagu tabco waxaanu yidhi “Nimcooyinka ILLAAHAY ina siiyay waxa ugu horreeya xoolaha oo shidaalkaa Sucuudiga oo kale innoo ah, dawladaha horumaray ama Muslin ha noqdeen ama Gaalo ha noqdeene ee horumaray, kuwa ku xiga ayaynu nahay,waxaana laga yaabaa inaynu sannadkii dhoofino 3-Milyan oo neef oo xoolo ah, xoolahaa haddii lagu tabco oo la dhaqaaleeyo oo cid taqaana dhaqaalahooda iyo sida loogala dagaalamo xanuunka iyo dhibaatada iyo sida wax loogu beero iyo sida raashinka loogu sameeyo amase loogu kaydiyo, waxaa uu noqon doonaa inaynu tobanaan ama kumaanaan Milyan oo neef aynu dhoofino, dabadeedna aynu ka mid noqono dawladaha hodanka ah ee horumaray ee caalamka ka midka ah.”